Cadceed newssite
Ogeysiis: Mudanayaal Iyo Marwooyin Waxa Noo Sharaf Ah Inaad Nagala Soo Qaybgasho Xaflada Furitaanka Jaaliyada Somaliland Ee Bariga London (East London Somaliland Society ).
OGAYSIIS. Mudanayaal iyo Marwooyin waxa noo sharaf ah inaad nagala soo qaybgasho xaflada furitaanka jaaliyada Somaliland ee Bariga London (East London Somaliland Society ).
Xaflada furitaanka oo la qaban doono 23/06/13 sacaduna tahay 18:00 -22:00 waxa ay ka dhacaysaa holka caalamiga ee layidhaa Oxford House Bethnal Green ee dagmada Towerhamlets bariga magaalada London.
Sidaa darteed waxa aanu dadwaynaha dagan magaalada London iyo nawaaxigeeda la socodsiinaynaa in ay nagala soo qayb galaan.
Address.
Oxford house,Derbyshire Street Betnal Green
E2 6HG.
Wixii faahfaahin dheeraada kala xidhiidh Telfoonada kala ah.
Cabdixakiim maxamuud C/raxmaan(cadaani) 07568535300.
Cabdixakiim Cawil Aadan. 07534212197.
Sheekh Cabdi Rasaaq Xuseen 07903715625.
abdi abdirahman
Abdi abdirahman
cadaani102@hotmail.com
Habka Ugu Haboon Ee Doorashada Lamaanahaaga W/Q; Sh Axmed Dheelli Q- 1aad:
Habka Ugu Haboon Ee Doorashada Lamaanahaaga W/Q; Sh Axmed Dheelli Q- 1aad:
Arar kooban. In badan oo kamida dhalinta waxaa murugo ku haya qaabkii ay ku dooran lahaayeen lamaanahooda ay nolasha wadaagi doonaan . waxaanan dhihi karaa 70% qoyska guushiisu waxay ku xiran tahay doorashada haboon ee xiliga guurdoonka.
Hadaba halkaan waxaan kusoo gudbin doonaa qoraalo aan uga hadlayo mawduucaas oo aan uga gol leeyahay inaan ku garab istaago dhalinta guurdoonka ah rag iyo dumarba.
Waxaan u kaashan doonaa mawduucaan sadex qodob:-
1) Diinta islaamka oo faahfaahisay qaab doorashada lamaanaha.
2) Daraasadaha ay xeeldheerayaashu kaga hadleen arinkaan.
3) Khibradayda shaqsiga ah intaan ka arkay ama ka maqlay.
Muhimada doorashada haboon
Burburka ku yimaada in badan oo kamida qoysaska waxaa sabab u ah ayadoon marka hore aad looga fiirsan qaabka doorashada lamaanaha sidoo kale qofka nolosha kula wadaagayaa wuxuu saamayn ku lee yahay mustaqbalkaaga aduun iyo aakhiroba sidaa awgeed waxaa haboon in tix galin wayn la siiyo qaabka loo dooranayo.
Caruurta laga rajaynayo qoyskaas ayadana waa inaad u fakartaa cida kula barbaarin doonta waxay ahayd maahmaah soomaaliyeed : (( wiilkaagu habeen buu hiil kaaga baahan yahay waa habeenka aad hooyadiis doonayso )) . Mar aan akhrinayey kitaab ka hadlayey qaabka ugu haboon ee quraanka lagu xafido sheekhaas wuxuu ka bilaabay inaad doorato haweenay ilmahaaga ku kaalmayn karta qaabkii quraanka ay ku xafidi lahaayeen.
Muhimada arinkaan waxaa ku tusaya inuu ka dardaarmay nabi Max,ed NNKH oo yiri haweenka waxaa loo guursadaa afar arimood: quruxdeeda, maalkeeda, sharafkeeda, diinteeda ee ku guulayso mida diinta leh halka sidoo kale uu ku yiri masuuliyiinta gabdhaha haduu idiin yimaado nin akhlaaqdiisa iyo diintiisa aad ka raali noqotaan u guuriya gabadha hadii kale dhulka fitanta iyo xumahaa ku badanaya.
Sidoo kale doorashada haboon waxay keeni kartaa inaad ku guulaysato qof ku haboon inaad la wadaagto nolosha halka qofka wanaagsani uu xataa nuqsaantaada kabi karo oo uu ceebahaaga asturi karo somaaliduna waxay ku maahmaahdaa ((waxaa jirta kabane jabiso iyo jabiso kabane)) oo macneheedu yahay waxaa jira nin wanaagsan oo fashalma haweentiisa oo qof xun ah darteed iyo nin xun oo najaxa haweentiisa oo wanaagsan darteed. Waxay kaloo dhihi jireen soomaalidii hore ((nin maalin ma gaartid nina sanad ma gaartid nina waligaa ma gaartid oo kala: nin kaa faras fiican, nin naqa iyo dooga kaa hor dagay, nin kaa haween fiican)).
Dhalintu inta badan uma qabaan inay u baahan yihiin khibrada dadkii ka horeeyey qofku markuu da,daas ku jiro inta badan waa isla wayn yahay oo wuxuu qabaa inuu dadka ugu caqli badan yahay ilaa dani u run sheegto.
Daraasadaha ku saabsan nolosha biniaadamka sida qoyska, waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasada IWM sina ugama maarmaan khibradii aadanaha ilaa inta la og yahay sidaa awgeed ayaad arkaysaa marka la darsayo in laga soo bilaabo xiliyo hore sida giriigii iyo roomaankii hadaba dhalinta soomaaliyeed waxaan ku boorinaynaa inay ka
faaiidaystaan khibrada dadka ka horeeyey.
Sababta keentay inaan sameeyo daraasadaan
Waxaa dhawaan aan wada xiriiray nin dhalinyar oo aan macalin u ahaan jiray iswaraysi kadib wuxuu ii sheegay inuu guurdoon yahay markaan qodqoday sida uu wax u rabo iyo cida uu rabo ayuu ii sheegay gabar ay wadasocdaan hada.
Kadib waxaan goostay inuu u diro qoraal aan hawlahaas kagala talinayo hadana waxaan ogaaday in baahidaas ay qabaan dhamaan dhalinta soomaaliyeed rag iyo dumarba sidaa awgeed waan balaariyey oo waxaanan ka dhigay qaab dad badani ka faaiidaysan karo.
Sh. Axmed Dheeli
awdheeli2000@yahoo.co
LA SOCO QAYBA HADHAY TAXANAHA ——
Gadabuursow Nin Sinaantada Diiday Adna Sarayntiisa Diid By Canab Ibraahin
KOONFUR IYO WOQOOYI LABA DAWLADOOD OO ISKU BIIRAY MAY AHAYN; WAXAY AHAAYEEN LABA DAD OO HAL DAWLAD KU HESHIIYAY
Muranka dadka woqooyiga dega ee Qaybsiga maamulaka ( power share) waxa ka soo wareegay 63 sano. Arrintaana waxa mar walba qaybdiid iyo caddaalad diid ahaa qabiil gaar ah. Waxan maanta jecelahay inaan halkan ku soo qodoobeeyo siday gardarradani u soo socotay mudadan dheer.
Woqooyigan somalia intaanu Ingiriisku iman dadka iyo dhulkooduba way kala soocnaayeen. Dad walba salaadiin iyo cuqaal u talisa ayay lahaayeen.
Ingiriisku markii uu soo galay waddanka, qabiilo walba gooni ahaan buu heshiis ula galay. Waxaanu kala ballamay dhulkooda iyo dadkooda inuu ilaaliyo. Odayaashooda ayaa ahaa xidhiidhka maamulka Ingriiska iyo dadyowga kala goonida ahaa. Heshiiska ingiriisku muu ahayn gumaysi ee wxuu ahaa Ilaaliye (protectorate).
Heshiika ugu magac dheer waa kii saanta lagaga qoray Ingiriis Dec.11,1884. Waxa la galay Gadabursi waxaana lagu kala saxeexday Zeila.
Ogolaanshihii gobanimada woqooyigu waxay baabisay heshiisyadii kala goonida ahaa ee Ingiriis qabaailka la galay. Markuu tegayayna waxay gabaailkii ku heshiin waayeen inay caddaalad u qaybsadann 33 wakiil, Parliament. 21 kursi waxa isku qortay qabiil keli ah afar qabiil oo kale waxa loo soo reebay 12 kursi oo keli ah.
Waqtigaa waxa ka bilowday diidmo xoog leh ee odayaasha Borama bilaabeen. Waxay socod dheer ugu tegeen Bariga woqooyiga waxanya sameeyeen xisbigii USP oo afar qabiil ku bahoobeen. Isbahaysigaasi dad badan buu helay waxaanu ku kallifay in shan maalmood gudahood qabaailkii oo dhammi ku biiraan koonfurta somaliya.
Halkaa waxa ka muuqata inaan dawlad lagu heshiiyay weligeed ka jirin woqooyiga waddanka. Dadka qaar baa ku sheekeeya hubsasho la’aan iyo caadifad baa Koonfur inna gaysay. Taasi wax jira may ahayn, runtuna waa sidan
1. Markuu Ingiriis baxayay ayaa maamulkii lagu heshiin waayay.
2. Somali meel ay joogtaba waxay rabtay inay isu dawlad noqoto.
Woqooyiga odayaal qabaailka ka socda ayaa tegay. Waxay ahaayeen: Haji Ibrahim Nur,Borama, Mohamed Haji Ibrahim Cigal, Hargeisa, Ali Garad Jama,Lascanod, Ahmed Haji Duale, Burco. Waxay la kulmeen dadkii koonfurta wakiiladoodam oo iyaguna weli aan dawlad addunku ictiraafay ahayn. Waxana lagu heshiiyay in dawalad Somaliyeed la wada dhisto waddamada maqanna la raadiyo. Taasina waxay sheegaysaa inaan woqooyi iyo koonfuri laba dawladood weligood isku hor fadhiisan.
Laba dad oo qabaailkoodii oo wakiilo qabaail ka socda ayaa heshiis galay. Julay 1, 1960 ayaa Somali Republic lagu dhawaaqay. 20 kii june 1961 ayaa distoorkii dadweynaha Somali Republic ogolaaday. Sept. 20, 1961, ayaa United Nations ogolaadeen Dawladii Somaliyeed ee ugu horraysay.
Inuu maanta hal qabiil yidhaa anaa woqooyiga wakiil u ah iyo dawlad baan ahayn waa been taariikhda soo jireenka ah laga sheegayo. Dadka woqooyi 1960 ayay saami qaybsi ku heshiin waayeen.
1980 kii waxa dib u soo noolaaday arrintii 1960 lagu kala tegay. SNM waxay iskood u samaysteen urur qabiil ku dhisan oo woqooyiga taladiisa u dagaalamaya. Cidna lamay tashan sidii ay waddanka ay kelidood leeyihiin. Dagaal waxay ku qaadeen jaararka. Gadabuursi si xun bay u laayeen. Gadabuursi dawlad muu ahayn maxay ku dilayeen ? Marna ismay waydiin.
Ilaa maantaadaa dhibtay dadka u gaysteen ma qirtaan. Adduunka iyo somaliba waxay u sheegaan in iyaguun la dilay. Mana garowsana in maamul xumi somali oo dhan baabiiyay. Dawlad xumi meel walba way jirtaa addunka.
1991 Xabashi baa la noo soo kaxaystay waa la wada ogaa sida loo galay Borama iyo Dila. SNM woqooyi way qabsatay in yar ka dibna iyagaa is dilay oo cirka iskula baxay. Waxay u soo qayshadeen Gadabuursi oo goostay inuu iska saamaxo jaarkoodan dhibta badan. Odayaashii Borama waxay mareen Hargeisa, Berbera iyo Burcoba oo heshiis u dhigeen. Ka dibna Borama isugu keenay. Shan bilood bay Awdal gogol u dhigtay SNM, xoolohoogii u qaleen maamulna ugu dhiseen.
Waqtigaa Borama waxay ahayd meesha qudha ee nabad, biyo iyo laydh leh woqooyiga somaliya. Madaarkeeda maalintii dhawr dayuuradood oo xamuul (cargo) iyo rakaab (passenger) ah baa fadhiisan jiray. Hayado badan oo samafal ah baa joogay oo dad ka shaqaystaan dadkana u shaqeeya.
Intaa ka dib SNM abaal iyo aqli midna laguma arag. Waxay ku kaceen in:
- Madaarkii dayuuradaha ee Borama la xidho. Waa halkay ka soo degi jireenwaqtigii shirka Borama loogu qabtay.
- Hayadihii samafalka Borama laga raro oo Hargeisa la geeyo.
- Baarlamaan, guurti, wasiiro 95% , madax ciidamo, SNM ah bay dhisteen.
- Ganacsatada Awdal jidka Berbera lagu laayo laguna baadho
- Dhawr sano gudahood 14 ciidamadoodu ku dilaan Seemaal
Lix dadkaa ka mid ah kuwii oo nool baa midi lagu jarjaray
- Dadka loo diido somaalinimo, xabbadna lagu dilo qofkii calan somaliyeed qaada.
- Dadka guryaha loogu dhaco oo la jidh dilo
Intaa waxa dheer in wixii dhaqaale ee la helo laga qadiyo Awdal.
- 10 malyuun oo dolar oo Dawladda Kuwait Somaliland dib u dhis u siisay. Deeqdaa waxa lagu kordhinayaa madaaradda Hargeisa iyo Berbera. Kii Boramana kordhin daayoo waaba la xidhay oo cid kama soo degi darto.
- 30 malyuun dolar ay bixiyeen Ururka Yurub iyo UN oo loogu talo galay horumarinta biyaha. Waxa la siiyay Hargeysa, Erigavo, Burao iyo Togwajale. Degmada Lughaya harraad baa loo dhintay. Dadka Abrain la yidhaa ceelkay xattaa iskood u qodan lahaayeen waa loo diiday. Wax loo qodana iskaba illow.
- Ururka Samafalka Khalifa bin Zayed Charity Foundation wuxuu 20 dam oo biyo ah ka qoday galbeedka Hargeisa, 14 ceelna woqooyiga Hargeisa, 9 ceelna Burco.
- 650 ton oo cunto ah wax bixiyay boqortooyada Sucuudiga. Hal kiilograam oo cuntadaas ihi dadka abaaraysan ee xeebaha Lughaya kamay soo gaadhin.
Gobogabadii:
- SNM wixii 1960kii dadka woqooyi ka ordeen bay maanta rabaan inay Hargeisa ka hirgeliyaan oo xoog ku muquuniyaan
- Oohin been ah bay rabaan dadka ku afduubaan
- Dad aanay fasax ka haysan bay rabaan inay u hadlaan oo hor kacaan.
- Wixii ay shalay diideen wax daran bay maanta dadka ku sameeyaan
- Waxay diideen xasuuqii ay jaararkooda u gaysteen
- Waxay diideen in Somali oo dhan dawlad xumi baabiisay
- SNM dadkooda been bay ku asqaysiiyeen Innaga, Innaga, Innaga
Runtu waxay tahay, wixii Somaliyi shalay ka wada cadhootay, wax ka xun baa Hargeisa ka socda!
Gadabuursow Runtu Waxbay saxdaa !!!
Canab Ibrahim
intisaar_256@hotmail.com
Tacsi Ku Socota Reer Xaaji Ibraahin Nuur Geeridii Naxdinta Lahayd Ee Ku Timid Walaashood Nasiim Xaaji Ibraahin Nuur
Inaalilaah wa inaalilaahu raajicuun waxaan tacsi udirayaa anigoo ku hadlaaya magacayga magaca reer GARAAD. Waxaanu tacsi udiraynaa dhamaan reer XAAJI IBRAAHIM NUUR meelkasta oo ay ku nool yahiin geeridii ku timid NASIIM XAAJI IBRAAHIM NUUR. Oo dhawaan ku geeriyootay dalkan canada magaalada TORONTO waxaan ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistiisa jano ka waraabiyo eheladii ay ka tagtayna samir iimaan kasiiyo Amiin
ahmed ahmed
agaraad14@hotmail.com
ANIGA OO KU HADLAYA MAGACA DHAMAAN QOYSKA REER A/RAHMAN JIBRIL ELMI WAXAN TACSI U DIREYNAA DHAMAAN QOYSKII REER CALI CISMAAN CAYNAN GEERIDII KU TIMID AABO CALI CISMAAN CAYNAAN (Cali France) OO KU GEERIYODAY BOORAMA
TACSI TIIRAANYO LEH. INAANILLAAHI WAA INAA ILEYHI RAAJUCUUN  ANIGA OO KU HADLAYA MAGACA DHAMAAN QOYSKA REER A/RAHMAN JIBRIL ELMI   IYO WAXAY SII DHALEENBA MEEL KASTA OO AY ADUUNKA KA JOOGAAN WAXAN TACSI U DIREYNAA DHAMAAN QOYSKII REER CALI CISMAAN CAYNAN  GEERIDII KU TIMID AABO CALI CISMAAN CAYNAAN (Cali France) OO MAANTA KU GEERIYODAY MAGALADA BOORAMA WAXAAN MARXUUMKA ILLAHAY S.W. UGA BARYAYNAA INUU GEEYO GURI KHAYR LEH IYO JANATUL FIRDAWSAL ACLAA INSHA ALLAH DHAMAAN QOYSKI IYO QARAABADII UU KA BAXAYNA UU ILLAAHAY SAMIR KU IRSAAQO AMEEN AMEEEN AMEEN
aidarous jibrill
aidarousj7@hotmail.com
Nin Guursaday Gabadh Meyd Ah Oo Ay Muddo Isjeclaayeen Oo Soo Jiitay Indhaha Caalamka(Daawo Video + Sawirro)
Jan 17, 2013 Thai(Cadceed) – Nin lagu magacaabo Chadil Deffy oo da’diisu tahay 28 jir oo u udhashay dalka Thailand ayaa waxay in mudo 10 sanadood ah wada socdeen gabadh ku geeriyootay shil gaadhi, gabadha ayaa lagu magacaabi jiray Sarinya Kamsook. Kadib shilka ay gashay Siranya ayaa waxaa la dhigay Isbitaal halkaas oo ay ku sugneyd mudo lix sacadood kadibna ay naftu kaga baxday waxaa inta ay ku sugneyd Isbitaalka garab fadhiyay Chadil oo nafsadiisa ka jeclaa Sarinya.
Qaracan iyo kali ahaansho soo wajahday Chadil ayaa waxaa lagu samarsiiyay in uu iska ilaawo Sarinya balse wuxuu ku adkeystay In isagana gabadha lala Aaso balse arrintaas ayaa lagu qanciyay ka dhaadhicin in mudo ah qaadatay kadib ayuu codsaday in meydka gabadha laga soo saaro talaajada kadibna xaflad aroos weyn ah loo sameeyo iyadoo dadka kasoo qeyb galay tacsida gabadha, loo soo wada qaybiya kararka casuumadaa Arooska.
Chadil ayaa goob fagaara ah wuxuu fargalka ay isku guursadaan dadyoowga aaminsan Masixiyadda uu halkaas ugu geliyay jaceylkiisa dhimatay Siranya isagoo balan qaaday inta ka hadhay noloshiisa in uu ku noolaan doono xasuusaha Xaaskiisa meydka ah iyadoo markii dambe goobta laga qaaday meydka Siranya.
War Deg-dega:Nin Jaadle Ka Ahaa Magaalada Xariirad Oo Caawa Fiidkii Dil Toogasho Ah Lagu DIlay
June 17, 2013 Xariirad(Cadceed) – Warka naga soo gaadhaya magaalada Xariirad ayaa wuxu sheegayaa in caawa xilli saacadu ku beegnayd 8-dii habeenimo dablay aan la aqoonsanin ay ku toogteen magaaladaa nin magaciisa la odhan jiray Daahir Yuusuf oo lagu naanaysi jiray (Tareeso Liqe).  Warkan ayaa sheegaya in uu isla goobtii ku geeriyooday ninka la dilay oo ahaa Jaadle ku iibiya qaadka magaaladda Xariirad. Dilkan ayaa loo aanaynayaa in uu ku xidhiidho aano hore oo ku arooraysa, dil hore uga dhacay magaaladaa oo beesha marxuumka dhintay geysatay, kaas oo aanay xukuumadda somaliland u helin wax xal ah. Ma jirto illaa hadda cid sheegatay fulinta dilkaa.
Xaalada magaalada ayaa kacsan waxaana laga cabsi qabaa inay ka bilaabato shaqaaqo gacan kahadal ahi. Dhinaca kale mar aan caawa fiidkii isku daynay inaan la xidhiidhno maamulka degmada xariirad ayaanay noo suurtogelin telefoonka oo mashquul ahaa awgeed.
Cadceednews Borama Office
Xukuumada Somaliland Iyo Ururkii Hadhay Ee Xaqsoor Oo Kulan Is Afgarada Ku Wada Gaadhay Xarunta Madaxtooyada Somaliland
June 17, 2013 Hargeysa(Cadceed) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaany) ayaa caawa kulan xarunta madaxtooyadda kula kulmay Guddoomiyihii Urur siyaasadeedkii XAQSOOR Md. Xasan Ciise Jaamac.
Kulankaasi ka dib waxa isla caawa saxaafadda kula hadlay Madaxtooyadda Guddi ka kooban Xukuumadda Somaliland iyo Urur siyaasadeedkii XAQSOOR, waxaanay shaaca ka qaadeen inay ku heshiiyeen inay iskaashadaan isla markaana uu najaxay kulamo muddo u socday laba dhinac.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Mudane C/Casiis Maxamed Samaale oo ka mid ahaa xubnihii xukuumadda u qaabilsanaa wada hadalada ay la lahaayeen XAQSOOR, ayaa shaaca ka qaaday inay ku guulaysteen wada haladoodii isla markaana ku heshiiyeen inay iskaashadaan.
“Sharaf weyn ayay noo tahay inaanu muddo dheer soo wadnay hawl culus oo dhanka xukuumadda iyo dhanka ururkii XAQSOOR noo igmadeen annagoo ahayn guddi lix xubnood ka kooban oo min sadex xubnood ah. Hawshaasi caawa ayaanu soo gabo-gabeynay oo meel wanaagsan ayaanu soo gaadhsiinay. Waxaanay noogu dhammaatay si is-afgarad, walaaltinimo iyo is calool xaadhasho ah,”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Md. C/Casiis Maxamed Sammaale.
“Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyihii Ururkii XAQSOOR-na caawa way wada joogaan oo kulan ayay yeesheen,”ayuu yidhi Wasiir Samaalle.
Sidoo kale, Guddoomiye Ku xigeenkii koowaad ee Urur siyaasadeedkii XAQSOOR Md. Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle) oo ka mid ahaa Gudidii wada hadalka u qaabilsanaa ururkaasi oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inay mabdi’yan isku afgarteen XAQSOOR iyo xukuumadda Somaliland.
“Madaxtooyadda caawa waxaanu iskugu keenay Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyihii Urur siyaasadeedkii XAQSOOR Md.Xasan Ciise Jaamac, waxa lagama maarmaan noqotay inaanu saxaafadda u sheegno inaanu labadayadaasi dhinac heshiinay oo is af-garanay. Waxaanu isku afgaranay xukuumadda qodobo muhiim ah oo mabdi’yan ah,”Ayuu yidhi Mudane Cali Sandulle.
Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee XAQSOOR sheegay “Waxaanu la socodsiinaynaa dadweynaha in wada hadaladii noo socday sadexda bilood ay noogu soo dhammaatay is afgarad oo hadal dambe iyo hawl dambe oo ka dabo imanaysaa midna jirin.”
Cadceednews Hargeysa
Daawo Cadceed Tv: Gudoomiyaha Xisbiga UCID Ee Gobolka Awdal Oo Daadufeeyay Hadal Ka Soo Yeedhay Murashaxa Cabdirashiid Xasan Mataan
Jun 17,2013 Borama(Cadceed) – Masuulkani maanta ku qabtay shirkan Jaraa’id Hutelka Haldoor ee magaalada Boorama waxaa uu yahay Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ee gobalka Awdal,waxaanu shirkiisan jraa’id kaga hadlay hadalo qoraal ahaa oo uu sheegay inuu musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbigoodu ku daabacay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay.
Cadceednews Borama Office
Dacwad Xasaasiya Oo Ka Socotay Maxkamada Gabilay Oo Sobabtay Khilaaf Ba’an Oo Soo Kala Dhexgala Xeerilaalinta Iyo Maxkamada
Jun 17,2013 Gabiley(Cadceed): Xafiiska xeer ilaalinta gobolka Gabiley iyo Maxkamada gobolakasi ayaa la sheegay in muddooyinkan danbe uu soo kala dhexgalay khilaaf adag oo meel sare gaadhay, kaasi oo ka dhashay dad ay booliska gobolka Gabiley xidh-xidheen oo ku eedaysan danbi ah inay dhalinyarada si sharci daro ah dalka uga tahriibin jireen.
Dadkan ku eedaysan falka tahriibinta ah oo la sheegay in ciidamada booliska gobolka Gabiley ay qabteen labadii bishan, ayaa weli ku xidhan saldhiga dhexe eebooliska Gabiley, waxaana la sheegay in dadkaasi eedaysaneyaasha ah qaar ka mid ah uu danbiga loo haystaa kuc ad yahay halka qaarna ay u xidhan yihiin tuhuun.
Taliyaha ciidamada booliska Somalialnd sareeye guuto C/laahi fadal Iimaan iyo ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Aadan Axmed Muuse (Aadan Xero-dhiig) ayaa shalay waxay magaalada Gabiley u tegeen sidii ay us oo xalin laaayeen khilaafkaasi soo kaal dhex galay xafiiska xeer ilaalinta gobolka Gabiley iyo ciidamada boolsika oo isku dhinac ah iyo maxkamda gobolkaasi.
Waxaanay ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo taliyaha ciidamda boolisku kulamo la yeesheen dhinacyada uu khilaafku u dhexeeyo, waxaanay labadaasi masuul oo kulamadaasi ay dhinacyada khilaafku u dhexeeyo la yeesheen ka dib warbaahinta la hadlay sheegeen in ay soo af-jareen khilaafkaasi muddooyinkan danbe soo kala dhex galay xafiiska xeer ilaalinta Gabiley iyo maxkamada gobolkaasi.
Taliyaha ciidamda booliska Somaliland Sareeye Guuto C/laahi Fadal Iimaan iyo ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Aadan Axmed Muuse (Aadan Xero-dhiig) oo si wada jir ah kulamadaasi ka dib warbaahinta faah-faahin ka siiyay u jeedada socdaalka ay Gabiley ku tegeen iyo waxyaabaha ka soo baxay kulamadii ay dhinacyada khilaafku u dhexeeyo la yeesheen, aya sheegay in ay ku guulaysteen in ay soo af-jaraan khilaafkaasi u dhexeeyay xafiiska xeer ilaalinta Gabiley iyo maxkamdaa Gabiley.
Taliyaha ciidamda booliska Somaliland Sareeye Guuto C/laahi Fadal Iimaan, oo arrimahas ka hadlaya waxa uu yidhi “Kormeerka aanu halkan(Gabiley) ku nimid aniga iyo ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee Qaranku, waxa uu ahaa sidii aanu u xoojin lahayn ama u dar-dar gelin lahayn hay’adaha garsoorka gobolka Gabiley, haday tahay xeer ilaalinta, maxkamadaha, booliska iyo asluubta oo ah sil-silad wada shaqaysa, si fiican ayaanu shirkaasi noogu dhamaaday oo guul ah, waxay ahayd uun sii xoojin, markii horeba way wada shaqaynayeen, wax dhib ahina ma jirin ee cabasho ayay ahayd”.
Sidoo kale ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Aadan Axmed Muuse (Aadan xero-dhiig), oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “wixii aanu halkan (Gabiley) u nimid waanu dhamaynay, waxaanan kula talinay labda dhinacba hawlaha inay dar-dar geliyaan, guud ahaana nabadgeliyada gobolka ay ilaaliyaan, qaabka maxaabiista loolana kormeer ayaanu ku samaynay, intaas ayuu u jeedada socdaalkayagu ahaa.”
Garsooraha maxkamada Gabiley C/raxmaan Maxamuud (Tamaandho) ayaa isna ka hadlay waxyaabaha uu salka ku hayo khilaafka u dhexeeya maxkamda, waxa uu yidhi “baadhista dacwaduhu waxay ka bilaabantaa saldhiyada booliska, marka ay soo baadhaan saldhigyadu waxay dacwadaha ciqaabta ah u soo gudbiyaan xafiiska xeer ilaalinta, dacwadaha ciqaabta ah maxkamada had iyo jeerka haysta waa xagga baadhista booliska, kuma cada baadhistooda danbiga dhacay cadayimihii loo hayay, xataa dacwada loo hayo dhibaneyaasha ma soo raciyaan ee dansanayaasha, waxaa caqabaha garsooraha maxkamada ka hor yimaada ugu waawayn arrimahasi, xafiiska xeer ilalintu dawlada ayuu metalayaa, markaa waxa ka mid ah hawlihiisa in aanu arrimaha dawlada oo keliya ku ekaan, bal se uu xuquuqda muwaadiniintana ilaaliyo. xafiiska xeer ilaalintu wuxuu had iyo jeer wuxuu culayska saaraa maxkamada, iyo garsooraha wixii lidi ku ah”.
Xeer ilaaliyaha gobolka Gabiley Aadan Salaad ayaa isna eedahaasi iska difaacay, waxaanu yidhi “waxa jira dad eedaneyaasha ah, tuhunsaneyaal ah, marna qofku waa tuhusane, marna waa danbiile, anagu ilaa hada waxaanu u aragnaa waa eedaysane ama tuhunsane, way jiraan dad tuhunsaneyaal lagu eedaynayo inay ka danbeeyeen oo ay shaqo ka dhigtaan inay ka ganacsadaan dhalinyarada tahriibaysa).
xafiiska xeer ilaalinta Gabiley iyo booliska oo isku dhinac ah ayaa la sheegayaa inay maxkamda Gabiley ku eedyeen in aanay ka gaabisay waajibaadkeedii iyo talaabadii loo baahnaa ee ay ahayd in ay ka qaado dadka danbiyada kala duwan ku eedaysan ee ay booliska soo qabtaan. waxaanay ku tilmaaneen in maxkamdu ay laaluush ka qaaadato dad ay boolisku soo qabteen oo ay loo haysta.
Dhinaca kale wararka naga soo gadhaya magalada Gabiley ee arrintaasi la xidhidha ayaa sheegaya inay socdaalkaa ay taliyaha ciidamada booliska iyo ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee qaaranka ay sii dedejisay ka dib markii shalay subaxnimadii hore nin dacwoode ahi uu isku del-delaby geed maxkada Gabiley horteeda ku yaala, kaasi oo la sheegay inuu cadaalad daro ka tirsanayo maxkamada Gabiley, inkasta oo la sheegay in la badbaadiyay ninkassi isdeldelay intii aanu dhiman.
Sikastaba ha ahaatee Is deldelaada ninkan oo rabay inuu qudha iskaga gooyo ayaa waxaa ay qayb ka tahay cadaalad darada xoogan ee ka jirta xabsiyada, Maxkamadaha iyo Garsoorka Somaliland, waxaana xukuumada  Axmed Silaanyo ay intabadan ku dadaashaa ilaalinta cadaalada iyo kormeerka masuuliyiinta kaladuwan inkasta oo aanay arintaasi ilaa haatan gobalkasta ka fulin hadana waa laga dhursugayaa sidii dadku u helilahaayeen Cadaalad Buuxda oo la helo.
Cadceednews Desk Gabilay.