Home » Somali News Update
You are browsing entries filed in “Somali News Update”

June 19,2013 Hargaysa(Cadceed) Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Golahaasi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa xildhibaanadu waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen xeerka maamuuska Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Mudanayaasha Baarlamaanka Xeer No/62/2013. Mudanayaasha soo xaadiray fadhigii maanta oo tiradoodu dhamayd 44 Xildhibaan ayaa ansixinta xeerkaasi waxaa ogolaaday 38 [...]
Posted in Maxaa Cusub,Somali News Update | Read More »

June 18, 2013 Hargaysa (Cadceed) – Xukuumadda Somaliland ayaa Hawadeeda ka Eriday Diyaaradii u horeysay ee ogolaansho ka soo qaatay dawladda Muqdisho ee dalka Soomaaliya, sidaasna waxa lagu shaaca ka qaaday war-murtiyeed ka soo baxay wasaaradda Duulista hawadda Somaliland. Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Chief of Protocol-ka wasaaradda Duulista Hawadda iyo [...]
Posted in Maxaa Cusub,Somali News Update | Read More »

June 18, 2013 Hargaysa(Cadceed) Gabadhii xalay lagu khaarajiyay Xaafadda Jig-jiga yar ee Magaaladda Hargysa, ayaan ilaa hadda cidna loo qaban. Gabadhan xalay lagu dilay Xaafadda Jig-jiga yar oo lagu magacaabi jiray Cawo Qaasim Walan-Wal, ayaa sii kordhisay tirada dadka dhimanaaya iyadoo aan cidii dishayna gacanta lagu dhigin, Maanta ayaa lagu xabaalay Marxuumadaas, oo da’deedu ahayd [...]
Posted in Maxaa Cusub,Somali News Update | Read More »

Jun 18,2013 Borama(Cadceed) – Waxaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Boorama madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland Mudan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, waxaana kaga hortagay duleedka magaalada Dila ee ka tirsan gobalka Awdal masuuliyiin uu horkacaayay kusimaha Badhsaabka Gobalka Awdal, Meeyarka Boram, Xoghaya Dawlada Hoose ee Borama, Salaadiin,Waxgarad iyo Meeyaradii hore ee magaaladani Borama [...]
Posted in Maxaa Cusub,Somali News Update | Read More »

June 18,2013 Addis ababa(Cadceed) Danjire David Shinn oo muddo badan ahaa Safiirka Maraykanka u fadhiya Ethiopia iyo Burkina Faso isla markaana ah dibloomaasi falanqeeya siyaasadda Caalamka, ayaa aaminsan inaan meesha lga saari karin dagaal ka dhasha muranka webiga Biyaha Nile u dhexeeya dalalka Itoobiya iyo Masar. Ambassador Shinn oo Maraykanka u fadhiyey safaaraddiisa Addis Ababa [...]
Posted in Maxaa Cusub,Somali News Update | Read More »

June 18,2013 Hargaysa(Cadceed) Murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa soo saaray qoraal kooban oo uu si ba’an ugu naqdiyay hanaanka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ula dhaqmayso saxaafadda madaxabanaan, gaar ahaan Wargeyska Hubaal oo Xayiraad la saaray. Jamaal Cali Xusseen Qoraalkiisa, waxaa uu ku tilmaamay in aanay guulaysan marnaba cadaalad daraddu, balse ay guushu [...]
Posted in Maxaa Cusub,Somali News Update | Read More »

June 18,2013 Hargaysa(Cadceed)Doonyo ay qaaday dad tahriibayaal ah oo ay ku jiraan kuwo reer Somaliland ahi, ayaa qaarkood la sheegayaa inay gaadheen xeebaha Talyaaniga iyo jasiirada Malta, halka kuwo kalena la sheegayo inay weli dhex sabaynayaan badweynta. Wararkii u dambeeyay waxay sheegayaan in la badbaadiyay tahriibayaal badan, halka kuwo kalena la la’yahay. Tahriibayaashan ayaa naftooda [...]
Posted in Maxaa Cusub,Somali News Update | Read More »

June 18,2013 Hargaysa(Cadceed) – Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng:C/raxmaan C/laahi Ismaaciil”Saylici” ayaa la filayaa in uu maanta uu booqasho gaaban ku yimaado Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, imaatinka Madaxwayne ku xigeenka oo aan horey loo shaacin. Dhinaca kale imaatinkiisan iyo ujeedooyinka u laaban ee Madaxwayne ku xigeenku ku imanayo Boorama ayaa ah kuwo [...]
Posted in Maxaa Cusub,Somali News Update | Read More »

June 18,2013 Hargaysa(Cadceed) Gabadh uu hadraawi adeer u yahay oo daganayd Xaafada Jig jiga yar ayaa xalay lagu dilay magaalada Hargeysa.ilaa hadana ma jirto cidloo hayo dilkaasi, hase yeeshee warar soo baxaya ayaa sheegaya inay dileen Rag baska la soo raacay oo daba socday ku waasi oo loo aanaynayo inay tuug ahaayeen, balse ilaa hada [...]
Posted in Maxaa Cusub,Somali News Update | Read More »

June 18, 2013 Hargaysa(Cadceed) – Guddiga siyaasada arrimaha dibada golaha Guurtida ayaa go’aamo ka soo saaray xaalada siyaasada khaarajiga Somaliland halka ay marayso iyo doodihii goluhu ka yeeshay qodobka 3aad ee siyaasada arrimaha dibada ee kalfadhiga 50aad. Guddiga arrimaha dibada golaha guurtida ayaa fadhiga shalay oo uu gudoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad Siciid Jaamac Cali [...]
Posted in Maxaa Cusub,Somali News Update | Read More »