Cadceed newssite » Articles

Ugaas Doon, Astaanta Khilaafka ? By Maxamed Muse Caynaan
Ugaas Doon Astaanta Khilaafka ? Maxamed Muse Caynaan

Intii uusan gumeystihii ingriisku soo galin dhulka Soomaalida, Gadabuursigu wuxu lahaa dowlad u gaar ah. Ugaasnimada Gadabuursiguna ma aheyn mid ku kooban dhaqan. Waxay ahayd dowlad buuxda oo leh wasiiro ( afar dhadhaar) iyo guurti amase baarlamaan ka kooban boqol oday. Ugaasnimadu inay aheyd mansab siyaasadeed oon dhaqan ku shuqul laheyn waxa cadeynaaya gabayadii u tiriyey Ugaas Nuur oo nuxurkoodu ahaa siyaasad. Gabayadaas oo u ugu caansan yahay gabaygii “Nin ii Daran “ eey ku jirtay:

• Allahayow nin ii daran maxaan, daafta hore seexshay

• Nin ii daaqsanayaana maxaan, daafida u kariyey

• Jidhku nimaanu doonayn maxaan, hadalka deeqsiiyey

• Ma degdege xaajada maxaan, ugu dulqaad yeeshay

Sidii loo caleemo saaray Ugaas Nuur Sanadki 1835, Cilmi dheere oo Ugaasku adeer u ahaa, iskuna tirinaayey aftahan, gabayaa iyo kartiba ayaa tartan kula jiray Ugaaska. Tartankaasi oo ku cad gabayadii ay Ugaas Nuur iyo Cilmi dheere is weydaarsadeen. Khilaafkaas xoogani, wuxu wiiqay maamulkii dowladnimo ee gadabuursiga. Jilibo badan oo gadabuursi ihina waxay la kala safteen Ugaaska iyo Cilmi Dheere. Gabayadii waqtigaa la tiriyey waxa ka mid ahaa kuwii ay ku jirtay :

• Goroyadu ilmaheega waxay dhigtaa meel arooriya

• Shimbirtuna aroos kay dhistay ubadka geysataa

Khilaafkaas oo taagan oon xal loo helin ayuu Ingriiskii ka soo dagay Saylac taariikhdu markii ay aheyd 1884. Taariikhda kuma cada in ogolaasho laga haystay Ugaas Nuur, waxase cad in Cilmi Warfaa ( Cilmi dheere) u hogaaminaayey duqeydii samaroon ee saxeexday heshiiskii gumeystihii Ingriiska lala galay 11kii Diisambar, 1884. Dad badan oo taariikhda dhuuxaana, waxay sheegaan in Cilmi Warfaa (Cilmi dheere) uga dan lahaa heshiiska u Ingriiska la saxeexday in Ugaas Nuur awoodiisa yareeyo, si ay ugu suura-gasho in u hantiyo Ugaasnimada. Taariikhdu waxay qoraysaa markii ugu horeysay ee Ugaas Nuur la kulmay Ingriiska inay ahayd sanadkii 1903. Sarkaalkii Ingriiska ahaa ee la odhan jiray R.G Edwards ee la kulmay Ugaasku wuxu qoraalkiisa ku sheegay in Ugaas Nuur ahaa nin qiyaas ahaan 75 jir ah, ahaana hogaamiye faranjiga (white man) aan jecleyn. Kulankaasi dhacay 1903 wuxu burinayaa qoraalada in Rooble Ugaas Nuur la caleema saaray 1888.

Saxeexa dhexmaray Ingriiska iyo Gadabuursiguna wuxuu dhaliyey in gumaystihii Ingriisku gacanta ku qabto siyaasadii dhulka Gadabuursiga, dowladnimadii Samaroona waxay ku koobnaan kari weyday dhaqan kaliya oo way xagal daacday.

Markii uu Ugaas Nuur dhintay, Cilmi Warfaa wuxu tartan adag u gallay Ugaasnimada, hase yeeshee waxa laga siiyay wiilkii u dhalay Ugaas Nuur oo la odhan jiray Rooble Ugaas Nuur oo waqtiga la caleemo saaray ka dambaysay sanadkii 1903. Cilmi dheere wuu qaadan waayey in ugaasnimadii ka leexatay. Wuxu bilaabay halgan dheer iyo dadaal badan kuna jiheysan sidii ugaasnimada uu u heli lahaa. Halgankaas waxa cadeynaya gabayada u Cilmi dheere tiriyey.

Khilaafkaasi wuxu dhaliyey in Gadabuursigu kala raacaan Ugaas Rooble iyo Ugaas Cilmi dheere, taasina waxay keentay in ugaasnimadii burburto. Burburkaa ka dib waxa soo baxay iney abuuranto saldaanad badasha ugaasnimada oo u qabto Suldaan Ina Cali Bucul.

Khilaafka ka sokow, waxa jiray arrimo kale oo burburka Ugaasnimada qayb ka ahaa, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen :

1. Taladii siyaasada dhulka Gadabuursi oo u gacan gashay Ingriiska, Xabashida iyo Fransiiska.

2. Dhaqaale loo waayey maamulkii Ugaasnimada/ dowladda.

3. Ugaasnimadii oo ku ekaan kari weyday dhaqan kaliya.

Ugaasyada kale ee Doodi iyo Rooble ee la sheegayaa ma aheyn kuwa si xeerkii Ugaasnimada waafaqsan loo caleemo saaray. Tartanka Cilmi dheere Ugaasnimada u gallayna waxay muujinaysaa kana saareysaa meeshaa in Ugaasnimadu dhaxal aabe iyo wiilkiisa oo kaliye ku ekayn.

Doodi iyo Rooble midna taariilhdu ma qorin in ay xitaa siyaaro ku yimaadeen Somaliland amase Soomaaliya ee waxay ku ekaayeen oo kaliya Kililka shanaad. Cabdirashiidna markii aabihii la dilay wuxu laajinimo u tagay Xamar. SIyaad Barrena waxa loogu geeyey inuu u aqoonsado laajinimo, ilayn Siyaad Barre xaq uma laheyn inuu isagu magacaabo Ugaasyada Samaroone. Mushaharka u Cabdirashiid dawladdii Siyaad Barre ka qaadan jiray ee uu sheegay wasiir Garaadna, waxay aheyd mid u ku qaadan jiray laajinimo.

Taageerayaasha Cabdirashiid qaarbaa ku dooda in lagu caleemo saaray Lafa Ciise, kuwa kalena in Qulijeed lagu caleemo saaray. In badanina waxayba aaminsanyihiin oo maalintii dhawayd wasiir xirsi ay u sheegeen in Muqdisha lagu caleemo saaray! Taasi waxay ku tusaysaa in wax caleema saar la yidhaahdaa uusan ilaa maanta dhicin.

Sanadkii 1957 ayuu Ingrisku damcay inuu soo nooleeyo Ugaasnimadii Samaroon, tii waxay keentay muran iyo heshiis la’aan Gadabuursiga dhexdeeda ah. Cadaynta arrintaasina waxa marag ka ah go’aankii ingriisku kaga noqoday yagleelida Ugaasnimada Samaroon, isagoo ku muujiyey inay khilaaf dhalisay.(Tixraac warqada taariikh 2dii March, 1957 sumadeeduna ahayd G88 ee uu saxeexay guddoomiyihii degmada Borma/Saylac lana odhan jiray E.M.Westmorland Wood).

Reerka degta ku sita maanta Ugaas doon Cabdirashiid, waxay siyaasada Gadabuursiga ee Somaliland hormood ka ahaayeen muddo labaatan sanno ah. Mudadaas dheer wax ugaas ku saabsan lagama maqal. Sababta oo ahayd baahi awoodeed oo ay uga baahnaayeeni ma jirin!

Maqalkii la maqlay in Ciise Ugaas ku caleemo saaraayo Saylac ayaa dhalisay in waxooga qurbajoog ihi haloosiyeen inay boodhka ka tumaan Ugaas Samaroon. Arrintaas oo ku ekeyd dad fara ku tiris ah oo ka tirsan qurba jooga Samaroon ee degan Kanada iyo Ingriiska oo kaliya. Daahir Rayaale oo ogolaaday caleema saarka Ugaaska Ciisaha in lagu qabto Saylac , ee waliba abuuray gobolka Salel ee Samaroonka moranka ku keenay, ma ogolayn in Ugaas Samaroon la soo yagleelo oo la keeno Soomaaliland.

Doorashadii sanadkii 2010 ee madaxtooyada Soomaaliland ee hormoodnimada siyaasada Samaroonka u u soo baxay Mudane Cabdiraxmaan Saylici oo ka soo jeeda beesha Maxad-Case ayaa wax ka bedeshay aragtidii ay beesha maanta hormoodka Ka ahi ka qabtay Ugaaska Samaroon. Waxay u arkeen inay u adeegsan karaan Ugaas doon Cabdirashiid hangool amase aalad ay ku liciifan karaan Madaxweyne Ku Xigeenka, una suura gelin karta inay hogaanka siyaasadeed ee Soomaaliland ka muuqan karaan, maadaama u Cabdirashiid ka soo jeedo beeshooda .

La Soco Qaybaha Dambe….

Maxamed Muse Caynaan(Faraweyne)

Borama/Somaliland

faraweyne_cad32@yahoo.com

Waa Lama Huraan In Somaliland Burburayso, Haddaan Wasaardda Maaliyadda Wax Laga Qaban…,!!!! By Noor Loyan
Waa Lama Huraan In Somaliland Burburayso, Haddaan Wasaardda Maaliyadda Wax Laga Qaban…,!!!! By Noor Loyan

Soomalidu Waxay ku maahmaahdaa Belaayo Madax laqabto ayay leedahay, ee Minjo la qabto Malahan, Nuxurka Iyo Ujeeddada waxan filaynaa in ay Mutadani inagu filan tahay, Waxaa soo if baxay Saadaal Iyo Dhayalsi, Khatar ku ah Qarrankan Iyo Dimuqraadiyadiisa, taasoo jiritaan keenii uu Maanta HALIS ugu jiro ficiltan Iyo falal farsamooyin wiiqaya kalsoonidii Iyo Wax wada lahaanshihiii qarran.  Waxaa Kamida Eexda Iyo Shaqaale Qorista Ka jirta Wasaarrada Maaliyadda oo ah isha keliya Er Xukuumadaihii Jirey ay Ka ilaalin jireen illaa Marxuum Cigaal in Siyaasad Iyo Faro gelin LAGU sameeyo SHAQAALAHA GUUD ee qarranka,  Arrintan oo ku soo noq noqotay Media

Iyo Bulshada dhex deeda,  Waxaa dawadeedu tahay in sida ugu dhakhso badan Guddi loogu Saaro, Cadaalad Iyo Xaqiiqo Raadis ah… Si loo xaqiijiyo Heerka isu dheelitirnaanta shaqaalaha Wasaarda Maaliyadda, In aanay ahayn Shaqaale loogu tallo galay loolan, Inay Mareen Shuruudihii Shaqo qorista Ee nidaamka Shaqo, Haday tahay Iclaamin Saxaafada ah, Gobolda ilaa heer QARRAN.  Maaha in lays huursanyaado, Madaxweynuhuna Eegto, Halisaha Noocan ah, Waayo? cadaalad daradu waagiii keentay in SOMALIA LAGA go,o … markaa Cadsalad Darro LAGA gallo shaqada Iyo shaqaalaynta waa at keenaysa in Ardayda Jaamacadaha Qaarna Saxaare Iyo Dal shisheye kelyaha lagagala baxo.

MADAXWEYNE , Waxaanu Maqlay Kastamaka Iyo Cashuuraha Berbera Lama Baadho taniyo intii uu kategey Eng. Mohamed Hashi Elmi..  Berbera  Somaliland Revenue Waa Risk Area  Customs Revenue, Municipaltiy, and livestock 500% Waa khatarta Somaliland Dhaqaalaheeda Waana Halka ugu Khatar badan Dakhliga Qaranka Shan jibaar boqolkiiba, INTERNAL AUDIT KA baadhiwaayey

Noor Loyan

nloyan.a@gmail.com

Somalidu Waxay Tidhaa Mar Dage Alay Dagay Marlabaad IDagana Anaysdagay By Muhamed Jama
Waxaan marka hore salaamayaa bahda war baahinta hadhwanaag asalama calaykum wa raxmatulaahi wa barakaatuhu. Waxaa maqaalkan ii diray hadalkii ka soo yeedhay hogaamiyaha muqdisho mud. Xassan sh. Taas oo aad moodo in taariikhda j.s. Land ay mugdi kaga jirto oo aanu waxbadan ka ogayn, taana waxa u daliil ah waa sidii uu u yidhi caadifad ayaa haysa.

Soomaalidu waxay tidhaahdaa nin aan kuu furyni yaanu kuu rarin, waan uga socdaa marka horeba in wada hadal lala galaa may haboonayn.

Waayo marbaa jibo qaldani inoo gaysay tiina waxaynu kala kulanay oo ina kaliftay in aynu galo halgan hubaysa oo ay ku dhinteen 150,000. Oo geesi &burbur dhzqaale oo aan la koobi karin. Markaa waxa la yidhaa shaydaanka yaa markuu dhasho kab & budh la carara, markaa isaga oo shalay dhashay, iyadoo shalay la wada hadlay 07.05.2013. Ayuu dabaaldegii 18 may. Ku sheegay caadifad & xoog baan ku keenaya. Waxaan ku soo gaba gabaynayaa tani waa fursad qaali ah oo aynu ku nuusi karo wadahadalo sii socda oo dhex mara somalia & somali land.

Muhamed Jama

mjustaad@gmail.com

OGEYSIIS MUHIIM AH: Kulan loogu arinsanayo qaban-qaabada Xuska 1 Luulyo Ee Magaalada Munich ee dalka Germany.
Waxaa la Ogaysiinayaa dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool magalada Munchen ee dalka Germany in la qaban doono kulan balaaran ee looga hadlayo qabanqaabada xuska munaasabada 1da Luuliyo.

Kulanka oo u jeedadiisa tahay in si wadajir ah loo suubiyo xaflad balaaran oo lagu xusayo malinta Calanka Soomaaliya, waxaa dhamaan laga codsanayaa Dadweynaha iney kasoo qeyb galaan si aad fikirkiina noogu biirisaan.

Kulanka waxaa la qaban doonaa 31-5-2013 waxaana lagu qaban donaa Ein Welt Hous. Schwanthalerstr. 80 Saacada 16:00 Wixi information intaas dheer Kala Xariir Gudida qabanqabiyaasha kulanka Ilyaas : 004915213979172 - C/rasaaq: 015213979172 – Mahad: 015210125318

Jaaliyada Soomaaliye​ed Ee Ku Nool Dalka Ingiriiska Oo Lagu Wargelinay​o In Ay Ka Soo Qeyb Galaan Baroordiiq Loo Sameynayo Dr. Cumar Cismaan Raabi
Waxaan si xushmad leh dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu marti qaadeynaa inaad ka soo qayb gashaan kulan baroor diiq ah oo loo sameynayo Allaha u naxariistee Marxuum Dr Cumar Cisman Raabi, oo aahaa aqoonyahan, qoraa, wax badanna ka qorey  arrimaha Soomaalida iyo guud ahaan geeska Africa.

Marxuumka wuxuu ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee ku takhasusay ee fogaal arragga u ah arrimaha Soomaalida (Somali Expert and Analyst).

Hadaba goobta lagu qabanayo waa

Dormers Wells High School

Dormers Wells Lane

Southall

Middlesex

UB1 3HZ

Taariikh: 25 May 2013 (Sabti)

Saacad: 5:00pm ilaa iyo 9:00pm

Wixii faahfaahfin ah ama aad ku soo kordhin karto baroor diiqda Marxuum Dr Raabi la soo xiriir emailkan hoos ku qoran

H742@Hotmail.com amma 07904045422.

Sports:Daawo Sawirrada Ciyaarihii Ugu Danbeeyay Ee Shalay La Ciyaaray Kuubka Ka Socda Kuliyada Caafimaadka Jaamacadda Camuud
Ciyaar aad u xiisa badan ayaa shalay galab garoonada Xaaslayda Iyo Kan Jaamacadda Camuud ku dhex maray ardayda ka kala socotay , Puplic Health Vs Senior Senior Classes 5&2 waxa ayna ciyaartaas hore oo ka dhacaysay garoonka Jaamacadda Camuud ku soo dhamaatay 2-0, taas oo ay guushu ku raacday ardaydii ka socotay Qaybta Puplic Health ee Kuliyada Caafimaadka Jaamacadda Camuud.

Isla shalay galab waxa ay ciyaar aad u xiisa badan ku dhex martay garoonka Xaaslayda Boorama Arday ka kala socotay Qaybaha Senior Nursinka Vs Iyo Medicine Classes 4&1 waxa ayna guushu ku raacday ardaydii ka socotay Fasalada isku jiray Ee Medicinka waxa ayna ciyaartaasi ku dhamaatay 3-1.

Si kastaba ha ahaatee waxaa ilaa haatan si habsimaya u socda Ciyaaraha ay soo qaban qaabisay kuliyada caafimaadka Ee Jaamacadda Camuud  lana filayo in dhawaan la soo afmeero maadaama ay soo dhawyihiin imtixaanaadkii Jaamacaddu sida uu noo sheegay gudoomiyaha ciyaaraha ee kuliyada Caafimaadka Jaamacadda Camuud Dr:Mustafe Mu’min

Wariye:Liibaan Liimo

Borama-Somaliland

Hadalada Aan Miisaanayn Ee Masuuliyiinta Dalka Somaliya, Waa Kuwo Aan Ka Gadmayn Garashana Ka Dheertahay By C/raxmaan Cali-nuur Cabdi
Waxaa 18 may 2013 ay Somaliland u dabaaldagtay dib  ula soo noqoshadeedii dal ahaaneed kadib markii ay hore ula midawday dalka somaliya taas oo uu hadafkeedu ahaa radinta shantii somaliyeed.

Raadintii midawga somaliyeed oo noqday mid shacabka Somaliland ay ku hungoobeen.hadimo ,dhib iyo hantaaqoyina ay kala kulmeen ,dhibaatooyinkaas oo aan ahayn kuwo ku koobnaa maamulkii taliskii M.SIYAAD BARRE  laakiin ahaa kuwo soo taxnaa ilaa dawladihii ka horeeyey laga soo bilaabo

M/weyne Adan Cade,Ilaa ay ka gaadhay in ay BURBURTO MIDNIMADII MAAWEELADA NOQOTAY.

Hadaba Somaliland ayaa ku guulaysatay in ay dhisto Maamul dawliya oo dhamaystiran una dhanyihiin tiirarka dawladnima,taas oo ay isu soo badaleen Afar Madaxweyne oo qaarkkood kuyimaadeen Codka dadweynaha oo ah doorasho xora, halka ay somaliya lasoo darseen dhibaatooyin iyo haligaad shacab Taas oo inta badan masuuliyadeeda dusha ay ka saarantahay hogaamiyayaasha siyaasadeed oo ku sifoobay Danaystayaal,u adeega dano dadkale iyo tooda gaarka ah,

Dabaaldega Somaliland ee sanadkan oo ahaa mid kuwii hore  Heersareeyey dibad iyo gudaba shacabka Somaliland si weyn u xuseen maalintan. ayaa waxaa ay ku soo beegntay xili ay madaxda dalka somaliya kasoo yeedhayaan Hadallo aan loo meel ee geyn oo shacabka somalilland si wey u dhibsadeen,

Maamulo ku meelgaadha oo intooda badan laga soo yagleeyey dalalka jaarka ah ayaa soomaray somaliya kuwaas oo soo kordhiya uun sii kala fogaansho iyo isnacayb dhexdooda ah,maamuladaa oo midkastaa waayihiisa lahaa ayaa DALKA IYO DADKA SOMALILAND MARNABA AYNA KALA KULMIN WAX GARAWSHIYO AH ,

Hadalada xanafta iyo xigmad dadradu ka muuqato waa kuwo kasoo burqada madaxda kala sareysa ee dalka somaliya.kuwaas oo uu ugu danbeeye ka aan islahaa malaha kana loo qaatay oo wax hagaajindoona waa M/weyne xasan sh.maxamuud oo dhawaan haddallo aan waafi ahayni kasoo baxeen.mar uu magaalada muqdisho ka furayey Xarun Agoomeed ay maalgalisay Hay ad turki ahi.waxaa kaloo isna sidaa si lamida dhawaan u hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalkaas JAWARI,isla sidaa si lamida waxa hadlay Raysal wasaare Saacid.

Weedhihii xanafta iyo xigmad dadradu ka muuqatay ee Madaxweyne Xasan.waakuwan.

Waxaan walalahayaga waqooyi(Somaliland) ugu  baaqayaa in ay iska iloobaan wixii soo maray dadkoodana dhinac karaacaan? Ma u egyihiin Kuwii ay ku hadaaqi jireen hogaamiyaashii soo haligay umada ee kacaanka.

Weedhihii Kasii liitay ee uu warbaahinta mariyey Gudoomiyaha Barlamanka somaliya Jawahiri mar uu u warmayey HCTV isagoo ka had laya Qadiyada shacabka Somaliland waxaa uu ku tilmaamay fadhi kudirirka maqaaxiyaha,oo uu sii raaciyey waxaas maqaaxiyaha ayaa lagaga sheekeyaa ,

Markale Ra iisal wasaare saacid ayaa ku Hadley hadalo laaqiya oo aan ku haboonayn Hogaamiyae raba in uu dad isu keeno dalna dhibaato kasaaro,waxaan hadaladiisii ka mida ?cidii ka hortimaada Dawlada fadaraalka somaliya in ay xoog ku muquunin doonaan? taas kumuu joogsan ee waxaa dalka Maraykanka ka dalbaday in Cafis loo fidiyo Ninka loo haysto in uu lug ku lahaa dhibaatooyinkii soo gaadhay shcabka Somaliland taas maxakamadi xukuntay , intan iyo in kale oo badanba waxay ina tusaysaa sida aanay hogaamiyayaasha somaliya uba waayo arkayn ee ay  u taaganyihiin uun halkii shayalay lasoo maray iyo wadadii HOOGA IYO HALAAGA BALSE WAA HALKEY KA BIYO CABTO.

C/raxmaan Cali-nuur Cabdi

Hargeysa somalilan

Bulshawi82@hotmail.com/  4410794/9163436

Dood Furan: Hadalka Ka Soo Yeedhay Xasan Ciise Waxay Furtay Dood U Bahnayd In La Furo 20 Sano Ka Hor. By Kaiser Ali
Waxaan marka ugu horaysaa salaamayaa dhalinyarta qorta Cadceed oo mar walba si hagaar la’aan iyo dhexdhexaadnimo ah u soo tabiyaa arimaha xasaasiga amaba ha noqoto mid siyaasadeed amaba mid dhaqaale amaba mid bulsho oo ka tagan gobolada awdal iyo Selel iyo guud ahaanba mandaqada geeska..

Hadalka ka soo yeedhay Xasan Ciise waxaa u ahaa mid loo baahnaa in 20 sano ka hor uu ka soo yeedho dadkii markii uu hor kacay SNM  isaga garabsanaya xabashida una arkaya xabashiga inay walaalo yahiin uu xasuuqay ee dabka uu sudhay, boobayna maalkoodii iyo hantidoodii…nasiibdarase, beelaha darifyada ee uu ka hadlay inuu Isaaq cafiyay arintaas ka may hadal, hadii laga hadlayna sidii loo baahnaa loogama hadal ee waxay yidhaahdeen hadii nin waalan wax kugu dufto adigana ha noqon mid ka daba tago ee samirka iyo wanaaga ka raac….markaa su’aasha meesha taala waxay tahay 1991 shir ku sheegii Burco yaa la cafiyay, ta kale ma danbiilaha ayaa la cafiyaa mise danbiilaha ayaa wax cafiya…danbiiluhu ma waxaa uu ahaa ninka isaga oo dhulkiisa degan inta 10 sano maalinwalba xabashiga laga soo hub qaato la soo weeraray ee la lahaa anigu xabashi baan u tagee adiguna kaalay hadii kale nabad ku joogi maysid, mise maleeshiyo beeleedkii uu hor  kacayay ee xabashiga intuu ka soo hub urursaday dadka beeralayda iyo xoolada dhaqaatada u badnaa 10 ka sano suuga la dhacayay…Xasan Ciise inuu hadlo isaga oo criminal ah 20 sano ka dib ma ahayn, laakin markii hadal laga waayay beelaha darifyada ee uu gumaaday ayaa uu soo baraarugay oo mooday in kumanankii qof uu xasuuqay ahaayeen fataatiir.

Gowso dameerad hoos bay ka wada xidhiidhaan ee maahin fikir uu kaligaas qabo, Xaaji Cabdi Waraabe oo ugu wayn beri iyo galbeedna laga tix galiyo ayaa dhawr bilood ka hor ku hadaaqay  intuu Borame isa soo dhextaagay gadabuursow mayarnimadada Zaylac  u da’aa reer kale, markii la yidhi mayana ku hanjabay hadaan Isaaq nahay 1991 ayaan idin cafinay, nasiib daro laakin lama hayo oday amaba Suldaan si guud hadalka u dul maray mooyaane ku Cabdi Waraabe yidhi…Gabiley oo aan taariikhdeeda ognahay aniguba musuqmaasuqiina iyo lacagaha lagu soo qaatay magacayga ee aad isticmaalysaan xataa qof ka ma soo bixin…Wajaale oo taariikhdada aan ognahay shalay beeraha magaaladuna aanu ognahay ilaa manta cida ugu badan,  maamulkeedii waad u diideen in dadkii degaanka lahaa qof ka soo galo inkasta oonay ahayn taasi wax mudo dheer sii socon doonta ama jiri doonta….dhaqanka umadaha Islaamku waxaan meelna ka soo galin in dad biri ma gaydo ah oo safar ah inta dhexda loo istaago jidhkiisii ilaahay karameeyay midi lagu jarjaro…..waxaas oo dhan ka kaalay oo wadanka waxaa degan beelo tiro badan waxaanad ka tahay minority marka la isku daro afarta beelood a darifyada ee aad xustay, hadana waxii maal iyo deeq ee mucaawimo lagu soo bixiyay waxaad ka dhigtay waxaad ku qayisho iyo waxaad ku dhisto deegaamada beesha dhexe…dawlad ayaay dhistay oo waxaad ka tahay 90%, baarlam iyo guurtidana sidoo kale, shaqaalaha dawladana inka badan 90%, markala laga yimaado dad waxoogaa ah oo haydaha u shaqeeyaa aqoontoodana meeshaa kaaga riixay….siyaasad xumaantada waa taad Washington u timid adiga oo reera hadana aduunka u sheegaya dawlad baan nahay, markii lagu waaydiiyay waar dhulka aad sheeganaysid waxaa kula degan reero kale oo tiro badan hadii la isku darana kugu soo laban laabmaya ee xageed kaga timid, where are they, aad ku jawaabtay no comment….hadaba dooda maanta Xasan ciise furay ee aan jecelahay inay noqoto dood furan oo sii socota waxa weeyi….kumaa wax cafiyay….yaase la caafiyay….ma qofku danbiga galay ayaa ay tahay in la cafiyo ama la qisaaso…mise, kii danbiga gaalay ayaa isagu wax caafiya waasida Xasan Ciise hadalka u yidhiye…

Wa Bilaahi towfiiiq

Kaiser Ali

kaiserali90@gmail.com

Taariikhda Waayaha Iyo Noloshii Aadan Ahmed Diiriye Oo Ka Mid Ah Lodkii U Horreeyey Ee 1950kii Galley Dugsigii Camuud. Qeybtii 5aad, By: Abdirisaq Mohamed Barkh
S. Markii aad dhammeysatey saddexdii billood ee aad Xalane ku jirtey maxaa dhacey?

J. Runtii waxa aan filayey in aan ku noqonayo shaqadeydii laakiin taasi ma dhicin waayo markii aan ka soo baxey Xalane waxa uu Siyaad Barre igu amrey in aan ka hawl galo mashruucii Bacaad Celinta.

S. Sidee ayey kuula muuqatey arrintaasi?

J. Magacaabistaasi way ii cuntami waydey waxaanan go’aansadey in aan xilkaas cusub iska casilo waannan iska casiley.

S. Markaas kadib maxaa kuu xigey?

J. Waxaa ii xigey cahdi iyo balan aan nafteyda u qaadey oo ah in aannan neefsan hawo uu xukumo Maxamed Siyaad Barre.

S. Go’aankaas aad qaadatey ma ka cabsi qabtey in uu kuu horseedo dhibaato kaaga timmaada dhinaca masuuliyiintii Tawrada?

J. Haddii lagu ciyaaro rajada iyo nolosha mustaqbalkaaga dhibaato kaste oo ku soo gaadha kuma cabsi galin karto.

S. Maadaama aad diblamaasiyadda dibadda ee Soomaaliya muddo dheer aad ka soo shaqeyneysay markii aad shaqadda ka tagtey wax xaq iyo xuquuq ah ma waydiisatey dawladii Kacaanka.

J. Wakhtigaas aan iska casiley shaqaddiis Bacaad Celinta ee uu Siyaad Barre ii magacaabey waxa Wasaarada Arrimaha Dibadda joogey oo Wasiir ka ahaa Cumar Carte Qaalib markaa wax ku sahabsan xaq iyo xuquuq toona maan waydiisan laakiin waxaan kaga dhabeeyey balan qaadkii aan nafteyda u qaadey ee ahaa in aannan neefsan hawo uu xukumo Siyaad Barre sidaas darteed waxaan dabayaaqadda sannadkii 1974kii gudo galey in aan ka tabaabusheyso gudaha dalka si aan ugu baxo dibadda.

S. Markaa ma waxa aad rabtey in aad dhuumasho ku baxdo?

J. Berigii dhuumashada lagu bixi jirey waxa ay ahayd wakhtigii Jabhaduhu billaabeen laakiin Anigu waxaan rabbey in aan si xor ah ku baxo haddiiba la i weydiiyo ujeeddada aan u baxayana waan sheegi lahaa in aan mustaqbal iyo rajo ka raadinayo dalka dibadiisa.

S. Markaas Adigu ma Kacaan diid baad ahayd?

J. Kacaankii Soomaaliya sawdigaa arkaya sidda uu maanta dalkii u burburiyey dadkiina maddaxa isugu xidhey.

S. Waayahay bixitaankii dalku ma kuu suurto gashey?

J. Haa waa ii suurto gashey oo bishii December sannadkii 1974kii ayaan u duuley dalka Imaaraadka Carabta halkaas waxa aan joogey lix billood kadibna waxa aan bartamaha sannadkii 1975kii u wareegay wadanka Sucuudi Carabiya oo aan muddo dheer ku noolaa.

S. Maxaad ka qabban jirtey wadankaas?

J. Wax yar Aniga oo jooga wadankaas Sucuudi Carabiya ayaa waxa aan shaqo ka hellay Shirkad weyn oo la odhan jirey Saudi Chemical Company waxaana Shirkada laga lahaa dalka Sweden laakiin sannad kadib oo ku beegan 1976kii waxaan u wareegay oo aan shaqo kale ka hellay Bangiga weyn ee Riyad Bank oo ku yaalla dalka Sucuudiga, shaqadaas oo aan joogey illaa iyo markii aan soo galayey Qaarada Yurub.

S. Bal ka waran shaqadaas dambe iyo shaqooyinkii hore ee aad soo qabatey?

J. Horta marka aad aqoontaada ugu addeegeyso dadka iyo dalkaaga wax ka sharaf badan ma leh laakiin marka maamulka dawladeed ee meesha joogaa kuu dhiibo shaqo aan taadii ahayn aqoontaaduna wax qabban mayso, Adiguna niyad ahaan kuma shaqeyn kartid habase yeeshee marka aan is bar bar dhig ku sammeeyo Aniga waxa boqolkiiba boqol iiga mishaar badnayd shaqadan dambe ee aan joogey Bangiga Riyad Bank.

S. Waxaad soo sheegtay in aannad neefsan hawo Siyaad Barre xukumo sidaas darteed ma ka dhabeysay balan qaadkaas mise fasaxyada waxaad tagi jirtey dalka Soomaaliya?

J. Oofinta balanta ee aad la gasho naftaada amma bani’aadamka waa wax weyn, markaa balantii aan u qaadey nafteyda waan oofiyey.

S. Wakhtiyada fasaxa halkeed tagi jirtey?

J. Fasaxa waxaan tagi jirey dalka Jabuuti laakiin inta badan waxa aan u bixi jirey wadanka Hindiya oo reerka iyo caruurteyduba wax ka baran jireen.

S. Goorma ayaad ku laabatey dalkii?

J. Markii dawladii Siyaad Barre dhacdey waa kii dalku burburey markaa waxa aan dib ugu laabtey sannadkii 1994kii sidoo kale waxa aan tagey mar labbaad oo ku beegan sannadkii 1996kii.

S. Halkee ayaad tagtay labbadaas jeer?

J. Magaalada Borama ee xarunta u ah gobolka Awdal baan tagey.

S. Goorma ayaad soo gashey Qaaradan Yurub?

J. Qaaradan Yurub gaar ahaan dalkan Britain ee aan ku noolahay, waxa aan soo galey sannadkii 1997kii illaa iyo immikana waxaan u deganahay si rasmi ah.

S. Muddadii aad joogtey Yurub ma ku noqotey dhulkii Hooyo.

J. Haa waan ku laabtey oo tiraba labbo jeer baan tagey.

S. Maxey kala ahaayeen labbaas jeer?

J. Waxa ay kala ahaayeen sannadkii 2000 iyo 2005.

S. Maadaama aad markii u horreysay dalka dibadiisa u soo dhooftey sannadkii 1961kii illaa haddana aad wali joogto ma la odhan karaa waxa aad qurbaha joogtey muddo 52 sanno ah.

J. Waa dhab taasi laakiin waxaan kuu sheegayaa tallaabada Illaahey baa tirsan oo qofna ma garan karo meesha uu ku noolaan doonno oo doorashada Illaahey baa iska leh waxaanan isaga ka baryeynaa in uu khaatumada khayr inooga dhigo.

S. Waayahay Aadan Ahmed maxaad jeceshahay in aad ku soo gunnaanado wareysigeena?

J. Marka hore Adiga ayaan aad kuugu mahadcelinayaa, marka xigana waxaan salaamayaa inta wareysigan dhageysaneysa amma akhrisaneysa waxaanan ummadda reer Somaliland ku waaninayaa oo aan ku dardaarayaa in Qabyaalada laga fogaado oo dadku ay walaalo wadda noqdaan, berigii hore Qabyaaladu siddan ay maanta tahay ma ahayn, tusaale ahaan wakhtiyadii hore meel kaste oo aan Anigu tago bariga illaa galbeedka Somaliland waxa aan wadda nooleyn dadkii aan isku Lodka ahayn oo reer walba leh markaas waxa aan ummadda reer Somaliland ku baraarujinayaa in dhaqankaas wannaagsan la soo celiyo oo laga wadda shaqeeyo harumarka dadka iyo dalka.

Dhammaad.

Abdirisaq Mohamed Barkhad

E- mail: rasiiqi07@hotmail.com

Ogaysiis: Shirka Waxqabadka & Horumarka Deegaanka Looga Hadli Doono Oo Ay Soo Qaban Qaabisay Jaaliyada (swedan ) Ee Ka Soo Jeeda Gobalada Awdal , Gabilay Iyo Salal
Ogaysiis: Shirka  waxqabadka   & horumarka deegaanka looga hadli doono oo ay soo qaban qaabisay jaaliyada (swedan ) ee ka soo  jeeda gobalada  Awdal , Gabilay , Salal    shirkasi oo ay iskugu imaan doonan  dhamaan  gudida  gobalada   wadanka swedan  .  martiqaadka  shirka oo ay fidiyeen  ururwaynaha  ( SAACID FORENING )

Shirkaasi oo dhici doona

Maalinta : Sabti

Saacada : 1:00 duhurnimo

Tarikhta :25-05-2013

Magalada :Gotenberg

Adresska :

Backa folkets hus

Granåsgatan 2

422 44  Hisings Backa

Waxii faah faahin ah kala xidhiidh

0700495850  wihiib kahin

saacid Förening

sacidforening@gmail.com