|

Waa Maxey Faaiidada ku jirta Heyadda Cilmi Baadhista Beeraha?

Machadka ama Heyadda cilmi baadhista beeruhu, waxa weeye heyadda u qaabilsan wadan kasta in lagu xaliyo mushkiladaha  beeralleyda; wadan kasta la soo derista. Cilmi baadhis la’aan ma kobcin kartid ama ma kordhin kartid haddii aanad  laheyn goob mashaakilka beeraleydda lagu xaliyo laguna ihktiraco habab cusub oo wax soosaarka lagu kordhin karo.  Haddaba, Ujeedooyinka ugu waa weyn ee laga leeyahey  xarun cilmi baadhista beeraha waxaa ka mid ah ujeedooyinka  hoos ku qoran:

  • In ay beeraleyda barato habka ugu sahlan ee wax soo saarka lagu kordhin karo
  • In si jogta ah beeralleyda loogu soo saaro dalagyo ama abuur ka tayo wanaagsan kuwii ka horeeyey.
  • In ay  abuurto dalagayo ka wax soosaar badan dalagyadda hadda beeraleydu beertaan
  • In ay si joogto ah ama u abuurto ama keento dalagyo ka adkeysi badan marka laga eego xagga cuduradda iyo cayayaanka marka loo eego ama la barbar dhigo kuwa hadda beeraleydu beertaan .
  • In ay xaruntu u gudbisso beeraleyda aqoonta cilmiga beeraha ee casriga ah si beeraleyda iyo waliba xirfadlayaasha cilmiga beeraha ay uga faaiideystaan.
  • In ay si isdaba joog ah ay u qabato  tababaro la xidhiidha aqoonta beeraha  kana qeyb qaadato wac yi galinta beeraleyda.
  • Dhinaca kale Xarunta cilmi baadhista Beeraha ee Aburin waa dugsi tababareed oo ardeyda laga soo xulo wasaaradda beeraha iyo jaamacadaha kala duwan ee dalka lagu siiyo  shahaado sare oo culuunta beeraha ah si ay uga qeyb qaadato kaalinteeda ku aadan tayeynta xirfadlayaasha beeraha.

Haddaba waxaa nasiib darro ah in wasaaradda beeruhu ayna laheyn Waax masuul ka ah  cilmi baadhista beeraha; balse heyaddani hadda ay tahey mid qeyb ka ah  mashruuc ay maallgaliso SDF oo hadda sii dhamaanaya.

Hadaba wasiirka cusub ee wasaaradda beeruhu isagoo oo ta ka duulaya, ayuu isugu yeedhey Khubaradda ama aqoonyahanadda beeraha ee soomaaliland si ay u falan qeeyaan am aula guraan waxyaabaha  inaga hortaagan in aan wax beerano.  Haddaba qodobaddii ugu doorka roonaa ee shirkaas lagu sooqaatey waxa ugu waaweynaa:

  • In  Heyadda cilmi baadhista beeruha ee hadda jirta mustaweheeda kor loo qaado, lana tayeeyo haddii ay noqon laheyd mid maamul iyo agab ba; si hadafkii laga lahaa hey’adaas cilmi baadhista beeraha looga midho  dhaliyo.
  • In qadar lacag ah loogu daro miisaaniyadda si loogu kabo ama dhaqaajiyo hey’addaas taas oo aan fileyno in ay wax weyn ka tari doonto wax soosarka dalkeena haddii ay noqon laheyd aqoon kordhin iyo cilmi baadhisba.

Waxa  runtii wax lagu farxo ah in xarunta Cilmi baadhista beeraha ee  Aburiin ay qabatey arrimodhawr ah oo wax ku ool ah muddaddii sanadka iiyo badhka aheyd ee ay jirtey. Waxaan doonayaa in aan halkan ku xuso bal wixii ay qaatey mudadaas kooan ee ay jirety.:

Waxey seynis yahanadda xarunta cilmi baadhista ee abuuriin  keeneen wadanka digirro kala duwan oo ay ka soo qaadeen dalka Ethiopia ee aan dariska nahey; waxeyna ku tijaabiyeen  xarunta abuuriin iyaga oo is bar bar dhig ku sameeyey teena iyo kuwa laga keeney Ethiopia, waxeyna  ogaadeen in digiraha laga keeney Ethiopia oo ahaa afar nooc ay ka wax soo saar  badan yahiin  kuwa  maxaliga ah in kabadan  laban laab, halka digiraha qaarkoodna ayba ka badnaayeen teena sadex lab, qaar kalena toban  lab.

 Taasi waxey kuu cadeynayeysaa in uu wadan kani u baahan yahey cilmi baadhis beered;  tani waxey kaloo daliil u tahey in aan wax soo saarkeena aan ku kordhin karo  cilmi baadhis. Waxaa xaruntan u qorsheysan in digiraha noocan oo kale ah ee laga keeney Ethiopia la badiyo dabadeeedna abuurkooda la gaadhsiiyo beeraleyda, si beeraleydu uga faaiideysato.

Dalagyadda xusidda mudan ee hadda aan gaanta ku heyno waxaa ka mid ah nooc digiraha ka mid ah oo afka qalaad loo yaqaano pigeon pea. Digirtani waa mid ka mid ah digiraha caalamka laga quuto kuwooda loogu jecel yahey.

Waxaa digirtan si aada looga isticmaalaa wadamadda Hindiya, Pakistan.Ethiopia,  kenya  iyo qaar kale oo badan. Ka sokow  cuna ahaan. Wax yaabaha kale ee aan ku aragney waxaa ka mid ahaa adkeysi xad dhaaf ah in ay u leedahey abaaraha, biyo la aanta iyo  xitaa waxaan ogaaney in ay ka adkeysi badan tahey hadhuudhadda aan beerano. Oo aad garan kartaan xadiga adkeysi e ay leeyihiin.

Dhinaca kale digirtani (Pigeon pea) wey ka  barootiin badan tahey hadhuudhka iyo galleydaba. Marka laga eego xaga cimriga.  Digirtani (Pigeon pea)   wuxay  jiri kartaa   ilaa iyo shan sana dood; waxeyna bilaabeysaa in ay dhasho marka ay gaadho shan billood. Waxey u dhigan taa uun geed kuugu yaala guriga dhexdiis  oo aad beeraneysid.

Waxaa loo baahan yahey in dhamaan digirahaas aan ka hadleyney , abuurkooda beeraleyda la gaadhsiiyo si  beeraleydu uga faaiideystaan cunnadana loo sugo.

Waxyaabaha kale ee machadku qabtey muddaddii sanadka iyo badhka aheyd ee uu jirey;

Waxaa ka mid ahaa in la tijaabiyey hadhuudho kala duwan oo aan ka keeney wadanka aan deriska nahey ee Ethiopia. Waxaanan ku beerney machadka cilmi baadhista ee aburiin anakoo waliba ku eegeyna kuwii maxaliga ahaa. In kastoo aan wali gacanta ku heyno baxaskaas, waxaan fileynaa in ay natiijo wax ku ool ahi oo wax ka tari doonta sugidda cunnada iyo kobcinta dhaqaalaha beeraleyda ay ka soo bixi doonto dhawaan.

Waxaan tijaabiney tusneyna beeraleyda deegaanka in roobka caadiga ah ee aan helo aan ku beeran karro; Laws, Sisin, Digiraha iyo waliba caws tayadiisu  sareyso oo ay xooluhuna cuni karaan abaaraha soo noqnoqonayana adkeysi u leh lagagabixi karo.

Waxaa noo qorsheysan in aan hawlahaas cilmi baadhista aan halkaas ka siii wadno ; si beeraleydeenu ay uga midha dhaliyaan wax soo saarka beeraha. Â

Waxaa  iyaduna  xusid mudan in aan wadanka soo gailney geedka qaafka oo ah geed aad u qiima badan  oo luqada carabiga lagu yidhaahdo Qaaf. Geedkani waa geed si dabiici ah uga baxa imaaraadka Carabta, isla markaana waxa uu geedkani yahey had yadda ugu qaalisan eee boqorka imaaraadka Carabtu  siiyo wadanadda kale ee caalamka ee ay ku jiraan  xitaa wadamadda khaliijku.

Geedkaasi oo dhawaan na soo gaadhey waxaa  noo qorsheysan in aan si tijaabo ah bal marka ugu hoireysa uga beerno Xarunta cilmi baadhista Aburin iyo waliba xarunta wasaaradda beeraha si aan u ogaano  bal inuu ka baxayo wadankeena iyo inkale.

Waxaanu aamiinsanahey in uu si wacan uga bixi karo waayo meelo inaga liita ayuu ka baxaa. Waxyaabaha uu geedkani u baahan yahey waxa weeyi cimiladdeena oo kale iyo waliba roob ka aynu helo mid ka yar waliaba. Horta Waa geed hadhaca oo weyn, xooluhuna jeclyihiin caleentiisa, wuxuu geedkani wax ka tari karaa ama inaga caawinayaa in uu wax ka qabto baahidda loo qabo calaf ama cunto la siiyo xoolaha siiba marka ay xooluhu la il daran yihiin baad laanta iyo waliba xal u helidda abaaraha soo noq noqonaya .

Dhinaca kale wuxuu  inaga caawinayaa ka hortagaa nabaad guurka ,  maxaa yeeley wuxuu ka bixi karaa caraddiisu bacaadka they  ee aaney geeedaha kale ka bixi Karin. Waxaan ka  beeri karaa magaalooyinka si  aan uga helo Hadh;  caleentiisana waxey calaf ama cunno u noqoneysaa xoolaha magaalooyinka lagu dhaqdo sida riyaha iyo wixii la mid ah.

Hadaba waxaan u soo jeeedin lahaaa xukuumadda uu madaxweyne Muusa Bihi madaxweynaha ka yahey in Heyadda cilmi baadhista beeruha ee aburiin  eek a shaqeynaya wax soo saarka dalka in loo qoondeeyo miisaaniyad lagu wadi karo  hawlaha ay  qaranka u hayso ee ay ka mid  ka tahey siddii wax soo saarka dalkeena kor loogi qaadi lahaa. Â

Allaa Mahadleh

 

Cabdiraxmaann Ibraahim Cabdilaahi

Xubin Xarunta Cilmi  Beeruha ee Abuuriin

Comments are closed