|

Sh.Samaroon    ayaa     dirsaday    SNM   faalada  3  dan    caddaymood   iyo    Halka    lagu     tirinaayo    dhamaan     dhiig    qubashadii    Somaliland   soo    martay!! Dr.Khadar

Sideedaba     indhaha     wajiga    ku   yaala     markay    bad-qabaan     waxay     arkaan    walax     kasta    oo     araga     indhaha     wajigu     ay     qabtaan;   hayeeshee    indhaha     qalbiga     waxa    lagu    arkaa – ama   cilmul   baadinka   ( xaqiiqada    xogaha     dahsoon    ee   dunida    iyo    kuwa    dalka     aad    ku     nooshahay)  waa     deeq   illaahay    bixiyo   oo   laasimka    duco    iyo    dikri     food     saar   u    ah.
Xaqiiq    aan     xaqiiq    loo     dhaafaa    jirin    waxa    ah  (  Guulaha     Aadamuhu     gaadhay     ama    Guulaha    ku     soo    fool    leh      qof  ,  qolo,   qabiil,   gobol    ama     qaran       waxa    sunne    buuxa  oo   aan    shaki   laheyn   u   ah     dhimasho     iyo     dhiig    daata ;   sida    gaadhi     walba      shidaal   uu    taayirka    ku    wareejiyo     ugu     baahanyahay!!  dhiigaasi    wuxu    noqon    karaa    mid    xoolaad     ama    mid     bini-aadam ).

Qiimaha   iyo   qaayaha   dhiig   qubashada     quman:

1. Illaahay    wuxu    malaa’iigta     ku   war-galiyey   in   uu     abuurayo    Binu-aadam    uu    arlada/dunida     masuul   uga    dhigo,   malaa’iigtu    waxay    ku    jawaabeen    illaahaw     ma   mid    dhiig   ku     daadiya    oo     fasahaadiya   ayaad   u    dhiibaysaa    arlada     iyadoo    annagu    aanu    kuu   tasbiixsaneyno    oo    ku    dahirinayno!!  u    fiirso     mudane     akhriste   sharafka   dhiigaa     Nabi   Aadam-caleyhi   salaam    hortii    dhulka    lagu    daadiyey   ee    ka    qubtay    isdilka    khal-qigii      inaga    horeeyey    ee      ay   malaa’igtu    ogeyd **  waxa    uu    gogol    dhig     u   ahaa     sirta     abuuranka  ,  jiritaanka     Aadmiga     iyo    masuuliyada    tallada    arlada  !!.
2. Nabi   Ibrahim-caleyhi   salaam   sharfintii   uu    sharfay  2dii   malag    ee    suurada   Bini-Aadamka   isku    soo    eekaysiiyey      nabi   ibraahin    marti     gashiimo    wuxu     uga    dhigay    gawraca    ama    ka     dhiijinta    dhiiga    dibi   shilis !!   ka    dhiijinta    dibigaa   uu   nabi   ibraahim    gawracay    waxa    xigtay    (  guusha   bishaaradii    nabi   ibraahim     ay   malaa’igtu    ugu    bushaareeyeen  ***   waladan    caliim ***    Nabi   isxaaq   caleyhuma    salaam )   u   fiirso   sharafka    dhiigaasi     lahaa     wuxu    gogol    dhig    iyo   ceelalyo    u     ahaa     dhalashada    nabi    isxaaq     iyo     in   silsilada    nabinimadu    marto     hidihiisii.

3. Riyadii   nabi   ibraahim    uu    ku    riyooday   isaga    oo   gawracaya   wiilkiisa    ismaaciil  ,  taas   oo    imtixaan    rabi   aheyd;  sidaad   wada   ogtihiin   illaahay   wuxu   ku    furtay    wiilkii    yaraa   ee    nabi    ismaciil    gawraca     ama   ka    dhiijinta   dhiiga   wankii    weynaa;   sharafka      dhiigaa     wanka     weyn   ee    lagu    furtay      ismaciil     ayaa   gogol   dhig    iyo    ceelalyo   u   a   haa    in    Nabi      ismaciil    sii    jiro,    tarantiisa   iyo   tafiirtiisana    uu   ka   mid   noqdo  (  khaatimul-ambiyaa   ama   kheyrul    khalqi-laahi    Nabi   maxamed   scw);  gawraca    wankaasi    furashada    xisaabsanaa  qiimaha   iyo   qaayihiisa     waxa   uu   ka   mid    noqday     tiir   ka   mid    ah   tiirarka    xajka.
4.  Nabi    maxamed    awoowgii   cabdi   mudalib   nidarkii    uu    illaahay    lagaley   ee   ku     beegmay    cabdilaahi   ibnu    cabdi   mudalib    nabi   maxamed     aabbihii ,    waatii     reer    abtigii   ku    furteen    badalkiisa    gawraca     boqol     geela   ah   oo    gole    joog    ah,  oo    xisaabsan  halka   aynu   ka     keennay      xeerka    magta    ninku    in   uu   noqdo    100   geel    ah;   furashada   cabdilaahi   ee   gawraca   100  kaa   geela   waxa    ay    gogol     dhig     iyo    ceelalyo    u    aheyd    dhalashada   ,   jiritaanka   iyo    nabinimada    nabi    maxamed     SCW   oo    waatii    Nabigu    la   haa (   waxa     aan    ahey    Nabigii      2da      gawrac     dhexdooda )  oo    ah    sababta    astaanta   u   ah    jiritaankiisa,   Nabinimada   iyo     mudnaanta     weyn     ee       darajada    sare    kheyru-khalqi-laahi.
5.   Dagaalkii   2aad     ee     aduunka    18  milyan   oo    qof     ayaa     ku    dhintay    sida   taariikhdu    wariso;    qubashada     dhiigaasi    waxa    uu    calanka   u     siday    guusha  (  Dib   u   soo    laabashada   isra’el    ee     Qudus-  Bariga    dhexe      iyo     soo    bixistaanka    horyaalka   quwada   koowaad   ee     dunida   ee    maraykan    ka).
6.   Dagaalka     ka   qarxi    doona    Boqortooyada   sucuudiga    ee   bilawgiisana    ugu    hor     holci   doona    3Nin     ee   isku     qabsan     doona    Boqornimada    dalkaasi   sucuudiga,   kadibna   si   ba’an   ugu    baahi   doona    wadanka   oo    dhan;  dhiig   daadinta    dagaalkaasi   oo    xataa    kabcada    soo    gali     doona;   sirta   ku    jirtaa     waxay      tahay    in   uu    yahay     gogol    dhig    iyo    bilowga    ( waaga    cusub   oo   u   baryi    doona      islaamka     iyo     dunida    oo   uu   gadhwadeen   ka    noqonayo  (Mahdigu).
7.   Aroosyada   reerka    cusub   maalintiisa    u    horeysa   gawrac   iyo   dhiig   xoolaad   baa   la   daadiyaa   oo    xisaabsan   gogol    dhiga     reerka     yagleesha   ah   in    uu   u   noqdo   xirsi    xidh    iyo   dayr !!    xataa     ilmo  yar   marka    uu   dhasho    waxa    sunne   iyo     jiritaankiisa     lagu    aasaasaa    gawrac    xoolaad;    sidaa    daraadeed    :   (  sirta    ku    jirta   dhamaan  dalka   dibadiisa   iyo   gudahiisa    dhiigagii    iyo   qudh-gooyooyinkii    dalka      dadkiisii    ka    dhex-dhacay     ee   ay    SNM    soo     qubtay    iyo   kii    laga    qubay   SNM ,  dhiigii     sokeeye     ee    ku   qubtay    Awdal,  Maroodi-jeex,  Saaxil,  Togdheer,  Sool   iyo  Sanaag ;  fool-xumooyinkii     dhacay   iyo    dhiig    qubashadii   baahsaneyd    ee     illaa    maanta     Sool   iyo   Sanaag   ka    sii   qiiqaysa      dhamaantood     waxa       ay    gobbo’da’    iyo   gabagabada    u  soo    biyo    shubanayaan    gogol    dhiga   guusha    furashada     dalka    iyo       xaaladaha     koritaanka    ee    dib   u    curashada    markale     jamhuuriyada   Somaliland!!  Sababtu    waxa   ay    tahay     Beeriba   beerta    ay  ka     waxsoo –saar      iyo     midho   wanaagsan     tahay     ayaa    digada    xoolaha   iyo   saxarada   dadka    ee   qudhunka   ah      lagu     nafaqeeyaa!!).

Faalada   3dan   caddeymood   ee     Sh.Samaroon     ku    dirsaday   SNM:

Dhulka    diimuhu     ku   dhasheen     ee    ay     ku    hana-qaadeen     waxa    ay    u    qaybsamaan   2ba   qaybood   oo   kala    ah  (  baladul    ambiyaa   iyo    baladul     awliyaa)   Somaliland    waxa   lagu   tiriyaa    in    ay     tahay    baladul     awliyaa!!  Islamarkaana    dadweynaha   maanta    ku   dhaqan     ay   ka     farac   iyo    isir    qabaan    culimo     ama    rag    awliyo    alle     ah;   waliyadan    qawmiyadihii    ka    farcamay    Somaliland     waxa   yaala:  sheikh  Ciise,   sheikh   Samaroon,    sheikh   Isaxaaq   iyo    Harti.
Kor-joogihii    ingiriiska     ee    Somaliland   u     soo    hilib     doontay    xilligii    uu    dalka    joogay   waxa   u    qorshaysnayd    in    Somaliland    noqoto   dal    iyo   dad   jira     oo     qaata     xornimo     buuxda;   hayeeshee     waxa    xero    ka   saar     iyo     fool-hallow      qaadsiiyey    dabaylihii    iyo   daruurihii    siday     gufaacooyinka     xiisaha     xeelada   ka    madhnaa     ee    fikirka   5  soomaaliweyn    raadiska    la   ciir-ciirayey   ee    uu    beeray   caashaqeeda    madaxweyne   maxamed     xaaji     ibraahim   cigaal     iyo     xisbigiisii    SNL   rabi   ha   u   naxariistee;   xildhibaanada    ka  soojeeday   degmada    Borama   iyo   Saylac   ee    xilligaa   iyaga   oo    ka   wakiila     soo    jeedintii   sheikh    Samaroon    may    ogoleyn   oo    raali   kumay    aheyn   oo   waxa   ay    soo    jeediyeen    in    Somaliland   noqoto    jamhuuriyad   iskeed   isku   taagta   oo   laga     daayo     in   aan    tallada   lageynin    xamar    si    aan     loo     murugoonin;   soo    jeedintaasi    lama    dhageysan  ,    waxa   hafiyey     mawjadaha   qiiradii   iyo    laab-lakicii    xiisaha   xamar    raadiska    ku    dhisnaa   ee   33   kii    xildhibaan    ee     Somaliland;    xamar   la   tag !!   1/7 1961    laga    bilaabo    sabankaa    iyo    wixii    ka   danbeeyey    waxa   isa-soo      taraayey    dulmi    baahsan ,  daacad    daro,   dulleyn   ,   deeq    yaraan,  dill ,  barakicin   iyo   xero    kasaar   dhamaantood    ku    jihaysnaa    reer    Somaliland;  ta    ugu    weyn    ee     gaasta    kabriidka    sii    qabadsiisay      waxa    aheyd    1977   dagaalkii    Somalia   iyo   ethoipia    kadib      waxa    killinka    shanaad   ka   dhacday    qax   iyo   barkac      dagaalkaasi    sababay     iyo   abaar    xilligaa    timi     oo   u    gogol     xaadhay    boqolaal    kun    oo   killinka    shanaad   ka   soo    qaxay    talliska   xukuumadii    maxamed    siyaad    bare     dajiso    kaamam    qaxooti   ahaan   ah     inta   u      dhaxaysa  (  Barbera   illaa    xariirad        gaar      ahaan    meelaha    biyaha    leh   )   dadkaas   oo   lagu   qiyaasi   karo    300,000    oo    90%     isir    ahaan    ay    hayb     wadaag     ahaayeen    madaxweyne    siyaad    bare,  (  Borama  illaa    darbi   xoore    waxa  2daa    qoxooti    joogay    khalqi    dhan   130   kun    oo   qof;  inta    kalena    (  wajaale    illaa   Berbera    inta   u   dhexaysa  ayey    daadsanaayeen    gaar     ahaan   meelaha     biyaha  leh)   waxa    soo    if   baxday    aragti     aan    ugub   ku    aheyn    dhaqanka    raacatada   oo    odhanaysa  (  Hadii    dadka    300,000  ee   isir    ahaan     u   badan   haybta    maxamed    siyaad    ee   lagu    beerayo     inta    u   dhaxaysa   Berbera     illaa    c/qaadir-saylac      sii    joogaan   dhulka    waxa   hubaal    ah    in   ay   idinkala   wareegi    doonaan    )    taasi    waxa   ay    si    weyn     u   soo    dedajisay    ku    dhawaaqidii   jabhadii  SNM   LONDON  1982.

Sidan      ayuu    sheikh    samaroon    SNM    dagaalka    ugu    dirsaday!!.

1.Sheekh   Samaroon   SNM    dagaalkii     dib    u   xoreynta     Somaliland    isagaa    u    dirsaday ,   waayo     1960    xildhibaanadii    samaroon   may    rabin    in       xamar     lagu    darsado;   hayeeshee      xiisaha    xamar   doonka    ahaa    ee     xilligaa   oognaa    ayaa    ka     xoog    batay;    taa    badalkeedii    rabi    ha    u     naxariistee    1960  sheikh   samaroon    waxa    uu    ijaasada     soo     dhicinta   talladii   weecatay      gacanta     midig    uga     dhiibay   wiilka    uu   adeerka   u    yahay   ee  (   mujaahid    c/raxmaan     axmed    cali    raxmatulaahi     caleyhi    wa   calaa   jamiical    mujaahidiin ),  aabbaha    iyo   aasaasaha   somalilandta    cusub    ee    maanta    waxa    daliil   u    ah   taas      mujaahid    C/raxmaan   tuur     markii    uu   soo    dhameystay    waxbarashadiisii    dalka     sudaan     shaqadiisii   ugu    horeysay     waxa   uu    ka    bilaabay     degmada   Borama    1960   !!   markale     waxa   uu      shaqadiisii    Somaliland    ku    soo    gabagabeeyey    isla    degmada    Borama   1993   kadib   hagar    la’aan    markuu   u    soo    gutahay      culeyskii     saarnaa    ee    dibu     xoreynta    dalka;   ku     darsoo    hogaankii    SNM    badankoodu    waxa   ay    tacliinta    sare     ee    dalka   ka    qaateen      dugsigii   sare    ee    ingiriisku    dhisay   CAMUUD  ,   iyaguna    si     dad-ban    ayey    dardaaran   u   qabeen,  haday    mujaahid   axmed    siilaanyo    tahay    iyo     haday    muuse   biixi    tahay    intaba   madaxweynahay    maanta   ee   Somaliland;  si   ka    fudud    daliilka    aan    kuu    tuso;   beelaha    waaweyn   ee    Somaliland    sidii   ay     ugu    kala   jireen  halgankii    hubeysnaa;   HARTI    waxa   lagu   tirinaayey   in   uu   la   hayb   yahay    madaxweynihiii   xilligaa   maxamed   siyaad   sidaa    darteed       kumuu    jirin   SNM,  SNM     waxa    ku   dhameyd     badi    beesha    dhexe   iyo    in   door   ah   oo    beesha    ciise   ah,     Beesha    samaroon    midhadh      dhiiri    galin     iyo   kormeer     ah    ayaa   ku     jiray   SNM   oo    sheikh     ku     xoojinayey;  oo   ay     ka    mid   ahaayeen     mujaahid    c/raxmaan    aw    cali       faarax   iyo    mujaahid    jaamac     rabiile     good,   Somaliland   ayaa   la   xoreynayey   sax    waxa    aheyd    in   laga     wada   tashado    sidii   loo    xoreyn   la   haa   oo    loo     dhamaado   hayeeshee       beesha    dhexe   kalideed   iyo   ciise   oo  mar    dambe    ku   biiray   ayaa     hawlaha    gardaadinaayey  ,   ku   jirid    la’aanta    beesha     samaroon    waxa    ay    kuu    cadaynaysaa   in  ay   tahay    cida    dhabta    ah     ee     dirsatay     SNM     ogaal    iyo     ogaal      la’aan    intaba  oo    ay   sidaa   ku     ahaayeen    hogaanka     dahsoon     ee    SNM.

2.  markii   SNM   dalka   dib   u    xoreysay    ee    uu    dhacay    taliskii   macangaga    ahaa  ;   kooxihii    hubeysnaa     ee   SNM     ee     qardoofooyinka    iyo   xurgufaha   aan    xikmada    badan    ku   dhisneyn    u     dhaxaysay     ayaa     meel   walba   isku     adeegsaday     hubkii   gacantooda   ku   jiray,   xaalku    uu   fogaaday,  dagaalo     sokeeye    ayaa   qarxay    ,    miil-walba     dabku    uu   ka   qiiqaayey    sabankaa    oo    Baroor     iyo    oohin    baa   taalay,   dirirta    iyo  dagaalka   sokeeye   ee   u      dhexeeyey   inta  badan     beesha    dhexe      ayaa    ka   holcaayey     magaalooyinka    (Hargaisa, Barbera   iyo   Burco)   markale    waxgaradkii    iyo   waayeelkii    reer    Awdal     oo    adeegsanaya   karaamadii    SH.Samaroon      ayuu    illaahay    gacantooda   ku    damiyey    dirirtii    iyo   dilkii    arwaaxaha    sokeeyaha    oo   waatii     la    isku    af-gartay   sabankaa     meel    waliba    oo    Somaliland    ah     dab     iyo    Aano    ayaa     ka     qiiqaaya   Borama    ayaa    ka    baladul     Aamin    ah;  meeshaa   meel   aan   aheyn    lagu    ladi   kari    maayo    e’      dhamaan    ergooyinka    Somaliland,   siyaasiyiinta,    nabadoonka,   cuqaasha     iyo  waxgaradku    Borama   ha   isku   wada    shubaan,   halkaas    ayey    ka   tisqaaday     walaaleyntii   ,  isfahankii,    dhan   u     wada-jeesadkii   oo    mudo     6   bilood   ah   baanasho   iyo   is-laab   xaadhasho    loo    yagleel      dhagayey;   tani    waa     astaan    ku    tusinaysa    in    marka     horeba   sheikh     samaroon     dirsaday     SNM   markii   xigtaynay     Borama    isugu   yeedhay   oo   uu   nabadeyn   iyo   walaaleyn     u    bud-dhigay    dhamaan    reer    Somaliland.
3.  ugu    dambeyn    dawladaa       Somaliland    maanta   ka    jirta    waa     dawladii    hab    beeleedka    ku    dhisnayd     ee     guriga     samaroon    lagu    soo    dhisay     ee   uu     sheikh    samaroon     illaahay   idankii     barakada    Borama       ka   soo    raaciyey   murtiduna   ayey   tahay   in   dawladu     dadka   iyo    dalka   wada    gaadho    afarta     gees   intaba;   tani     waxa    ay   ku   tusinaysaa    in    sheikh   samaroon     ahaa    hogaanka     ruuxiga     ah    ee     SNM.

Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts

Comments are closed