|

Mustafe   martinow     midh   waan   kugu    taageeray ,  midh na     waan   kaala   tallinayaa   iyo   midh     aan   kugu     la     tallinayo!! Dr.khadar

Salaan    kadib:    mustafe   maxamed   ( martin)   waxa    aad     tahay     aqoonyahan  ,  aftahan   qurbaawiya,   dhiiran,  isku    kalsoon,   karti     u   leh    cabiraada    dareemada    ka   ratib-ma    dhacdooyinka    siyaasiyga   ah   ee   midabada     iyo    dhinacyada   badan   leh    ee   khuseeya    jamhuuriyada    Somaliland;   qof    ahaan    waan    taageeraa,  dhiiri-galiyaa   qof   kasta   oo   karti     u  leh   garaacista    al-baabada   wanaaga      dan    u    ah      dhamaan.

1. waxa    aan    kula    ayidayaa     aragtida    ah   (  in   calanka    Somaliland   dibu-qaabeyn   lagu     sameeyo )   oo   lagu   daro   ( jeex   buluug  ah)   oo   u   taagan  calanka    cirka,  badaha   iyo   dhamaan   qayb   ka    ah   dalalka   quwadaha   dunida ,   gaar    ahaan    dhamaan   dalalka    reer   galbeedka  ;  iyadoo   ujeedadu   tahay-  sir  barako   oo   ku   jirta;   waxa   aan   si    weyn   kuula   ayidayaa    in   (  xidigta  madow)   ee   calanka    Somaliland    badhtan  kan   u  yuurarta    xidig    ama   xidigo   cad-cad   lagu    badalo !!   sababtoo   ah    waa     habaar    sidiisa    u  yaal;   waayo     ma    jirto   dunida     xidig   madow !!  waa   wax    lala    yaabo !    dalalkii    dunida   carabta   ee    xidigaha   madoobaa    maanta   wey    burbureen!   Waa     isla   habaarka    ay   yaboohinayeen;  maqaal   aragtidan   oo   kale   faafinaya  waxa    ku   baahiyey    warbaahinta   maxaliga    ah    1/27/2018.
*  waxa   aan   si   weyn   kuula    ayidayaa    aragtida   ah  ( Solo   Somaliland   federal   system )   Somaliland   oo   dawlad   goboleeydyo  ah;   aragtidan   2017   ayaan   illaa   5   maqaal   oo   faah-faahsan    ku   faafiyey   baraha   bulshada;  waa    aragti     rumoobeysa    maalinteeda   insha’allah;   waxa   ay   u   baahantahay     taxadir    badan,   waxay   u  baahantahay   raggeedii   soo   saaxada  siyaasada   yimaada   iyo   dastuurka    oo   la    furo.
Laba    sababood     aragtidani     Somaliland   oo   federal    ah   (  United   States    of   Somaliland =USS )   ay   muhiim   iyo   mahuraan    u   tahay:
A)Nidaamka    dawliga   ah    ee   aynu   haysano     sida   uu    u    yaalo     marka    laga   yimaado    hargaisa;    dhamaan   Awdal,  Saaxil, Tog-dheer, Sool,  iyo  Sanaag    magac    mooyee (  hebel    baa   xil-noo     haya     mooyee)    magac   iyo  manfac    isa-saaran    umma    aha !!.
Tusaale:  Awdal, Saaxil, Togdheer,  Sool  iyo   Sanaag     hadii   gobol    walba    lasiiyo     si    is-xigta  (  madaxweyne   iyo   20  wasiir )    intuba    gobol  iyo   dadkiisa   waxba   uguma   filna    sababta  oo   ah      waxa    ay   ka    soo     xil-doonanayaan     gobaladoodii     waxa    ay   u   soo    xil-doonanayaan    Caasimada   Hargaisa   oo     rasmiyan    dawlada    xarunteeda    ah  ;    xafiisyada   ay    u    soo   xil-doonteen   marka   ay   ku    fadhiistaan   80%     subax-walba   dadka   ugu   badan   ee    ay   masuuliyiintani    u   shaqeeyaan    waa     reer    hargaisa !!  kaliya  20%    ayaa    ah     dadka    gobolada;   lacag    kasta     oo    soogasha    75%   iyo   ka   badan    Hargaisa   ayey   madaxdani     ku   cunaan!!   Wax    iibsiga    ugu     badan     lacagta    maalin   laha   ah   kaga    baxdaa     waa    meheradaha     Hargaisa !! Cida   ugu    badan     ee   shaxaadaysa    waa    reer    hargaisa!!,   sidani    waata   horseed    u    noqotay    ganacsiga    xooga   iyo    xawliga    leh   ee    hargaisa   ka    siraadan,  in    jagooyinka,  guryaha    kirada   ah    iyo    maciishada    hargaisa     qaali     marba   sii    laba   kac-laynaya    ka    dhigay,  in   dadkii    gobolada    ka   soojeeday    hargaisa    u   soo    guuraan,  inta     aan   u   soo    guurin    dhamaantood   ay   hargaisa   u  soo   hanqal    taagaan (  All    eyes    on   Hargaisa)  xaalka    ka   dhigay;   halka   xaalka   goboladu    noqdeen   ,   wax    laga    hayaamay,  inta    aan    hayaamina    ay    hiif   ku    joogto,   meherado    kacay   iyo   kuwo     hargaisa     sahan    loogu     soo    maqanyahay.  

B)  Nidaam   ka    fadaraalka   ah    maaha     fikir   la   inoo   soo    waariday   oo    ay   tahay    in   aynu    iskaga    hayno     hangool    labadiisa    faraaq;   waxa   uu   mug   iyo   milgo   leh    uga   qayb    ahaa    hab    dhaqan   nololeedkeenii     hore    taniyo   jiritaanka    isir   keen!!   Daliil    waxa   u   ah,  ( Hargaisa  waa    4   daamood   oo     daan   walba   beeli    ay   isku   xoontay    meelaha   qaar    haba   la   wada  yaalee)  bal   u   fiirso    gobolada   yaa   gobol   walba    reer   ku   ururiyey    ama    u   badiyey   gobol    si   sooc   ah ?  iyada    oo    sidan   xaalku    soo   ahaa   ayaa   walaalo   is-jecel    oo   tallo   wada  leh   iyo   tallo     kala   gaara    ah    la   soo   ahaa     waligeed!!   Ma    leeka ,   mana    qabato     meesha    marka   la   soo    hadal   qaado     fadaraal   in     aynu    sidii    xoolaha   u   didno ;   waayo   waa    hab     dhaqan maamul   nololeed    keenii    hore;    sidan    waxa     ah    oo   aad    wada    ogtihiin,   ( UK,  USA,  UAE   and   ethoipia )   iyadoo   ingiriiskii   dawladnimada    ina   baray    ee   aynu    guridambeyska    u   aheyn   yahay    4  dawladood   oo   isku    hal    dawlad    ah    yahay      iyo   maraykan    kii  aynu   dastuurka    ka   dheeganay   54    dawladood    oo    isku    hal     dawlada    yahay  ;    is-yeel     yeel    mooyee ,   ilama     aha    sabab    Somaliland    dimuquraadiyad    goboladu   ku     dhacan    yihiin   oo    Hargaisa    oo    kaliya     dan   u   ah    in    aynu    ku    sii    jirno ;   waxa   aynu    u   baahan   nahay    dimuqraadiyad    ku     salaysan    dhaqankeenii    iyo     sidii   aynu     u   soo   nooleyn;   dhamaan    dadka   reer   Somaliland   waa    ( one   family)  oo   dan   guud   wada    leh ;   hayeeshee   dano   gaar    ah    kala   leh   oo   tixgalintooda    iyo   hoos    u    eegi   dooda   leh.

2. Waxa    aan    kaala    tallinayaa   mustafe   martinow :

Iyada    oo    Somaliland    ka    dhacday    doorasho    xor    ah   oo    xalaal    ah,     taas    oo     ay    ka   qayb     qaateen   badi     reer    Somaliland    iyadoon     qofna     qof     aanu    khasbeyn,    oo   ay   goob   joog   ahaa   yeen   dhamaan    ergooyinka    dawladaha   daneeya    dimuqraadiyada    iyo   geedi   socodka    Somaliland     isla   mar   ahaantaan       duhur    cad     badi    dadweynaha    reer    Somaliland    calmadeen     xisbiga   iyo   madaxweynaha    hada     xilka    haya    mudane      muuse   biixi    cabdi     iyo     c/raxmaan    c/laahi    ismaciil     saylici;   waxa      reeban     oo   xaaraan    ah     in    adiga    oo   aan    tacab   galin    balse    caadifadeysan    dibada     ka    tidhaahdo   (  madaxweynaha   dibad   wareega   ah   ee     Somaliland   ayaan   ahay;   maad   mooyee     cidina   kaa    dhageysan   mayso )   nidaamka   aad   u   socoto    waxa    la  yidhaa  ( wabareynta  2018)  ma    banaana   lafa    jabisku,   fulle     ayaa     laguu    aqoonsanayaa    hadaad   sidaa   ku    sii    wado;  waayo    ninka    raga    ah     ee    wax    qoonsada    ama    wax   saluuga     maaha    in     uu   banaanka    ka    soo     shiitamo    oo   uu   soo    dhagax    yeeyo    dadkiisa    iyo   dalkiisa;   sax    waxa     ah   dalka     iyo    dadka    koritaan    baa    u   socda    oo   waxbadan     baa     yagleel    ah,    waxa     aad     saluugto      nidaamka   dalka   u   yaal    dhexdiisa    aragtiyo   iyo   doodo   hufan    ku    dhis,    tab   iyo   xeel   wanaagsan    adigoo   u  maraya.
Kulama   dirirayo;  kaliya   waa   tilmaan   tudhaala    leh;  waayo     reer    abtigay   baad    tahay;   waa     lexo   jeclo     hadalkayganiye     hadidaad    ha   u   arkin.

3.  Waxa    aan    kugu     la    tallinayaa    mustafe    martinow:

Madaama   oo    aad   tahay     nin   reer   Somaliland    ah,   madaama    oo    aad    tahay    aqoonyahan  dalku     tabayo,   oo    ay    u    muuqato    baylah   iyo   goddoloolooyin    tira    badan,  isla   markaana    ka      seexan   kari   la’    dhibta    isaga   mooyee     ay    yartahay   qayrkii   in    ay    wax    ka   taraan;
Waxa    aan     si   weyn    kugu    la    tallinayaa   oo     aan   kugu     dhiiri    galinayaa    in   aad    hakiso    wadeecada    aad     qurbaha    ka    soo     faafiso;    in    aad     timaado    dalka   xilliga   ay    haboonaato,   xisbi     aad    sameysato    afkaaraha    quruxda   badan   ee    kugu   jira     aad   gun    dhig    uga   dhigto,  karti   , tab   iyo   tacab    aad      la    timaado, kalsooni      buuxda    waxa    aan   ku   qabaa   ( you   will   be   the  president   of   Somaliland     sure       insha’allah).

Gabagabo :

Ma    ihi     shaqsi    neceb     ama    karahsan     jiritaanka    mabaa’diida    Somaliland,  qof    kasta    oo    maanta     nool     aniga    ayaa    ka     jecel    Somaliland,   dawladnimadeeda   iyo    in   ay    noqoto   qaran     buuxa    oo     ka   mida     qaramada     dunida    guudkeeda     tamarta   badan   ku   leh;    waxa    aan    jeclahay     toosnaanta ,   sinaanta    iyo    cadaalada      aniga    oo   aan    dafiraynin     dheeraadka     qaybaha    illaahay   ka    mid    ah   ee      la    isdheer     yahay.

    
Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts

Comments are closed