|

Maxaa uga qorshaysan reer awdal saami qaybsiga

Taariikhdu markay ahayd 1993 shirkii dib u heshiisiinta beelaha soomaliland lagu qabtay magaalada Boorama dadka reer Awdal waxay muujiyeen tanaasulaad, dib u heshiin ay ka dhex dhaliyeen beelaha beesha dhexe oo ay xabad ka dhex alooseen Jabhadii SNM iyo in dhidibada loo taago aasaaska qarimada Soomaliland. Reer Awdal waxay masayrkii shacabkooda u hilmaameen dhisid iyo hirgalin dawladeed oo sax ah oo ka amba Soomaaliland, si loo gaadho xalwaara iyaga oo kuraas isqabqabsiga beesha dhexe ku marxabaysiinayey kuraastii ay iyagu xaqa u lahaayeen. Maalintaa ragii reer Awdal ee gunta ugu jiray xalinta khilaafaadka beesha dhexe ee matalay reer Awdal waxay ogaayeen in ay shacabkoodii xaqoodii u qaadin. laakiin waxay ku hanwaynaayeen marka dawladi dhisanto ee ay kala dagto ee beelaha xanaftu dhextaalo kala bogsadaan in saami qaybsi dhab ah dhici doono. Taasina wax intii maalintaa shirka joogtay la isla afgartay ayey ahayd wax lagu qanciyey aqoonyahankii iyo siyaasiyiintii reer Awdal ee shirka banaanka laga dhigay ayey ahayd.
Maalintaasi waxaa laga joogaa 27 sano iyo dheeri, riyadii odayadii uu horkacay ilaahay ha u naxariistee Sheekh Muuse Goodaad wali may hirgalin. Isaga iyo madaxwaynihii X. Ibrahim Cigaal Alle ha u naxariistee markii dastuurka daraafka la qorayey aad ayey isula gorfeeyeen iyada oo aaan xal sax laga gaarin ayuu ilaahay labadiiba oofsaday. Soomaliland wixii maalintaa ka danbeeyey majarihii uu hogaamiye Cigaal u jeexay way ka leexatay, midnimadii maalinba maalinta ka danbaysa way sii wiiqmaysay ilaa manta ay soo gaartay in isbaahaysi beeleed ka dhex abuurmay shacabkii iyo umadii reer Soomaliland.

Cabashada beelaha darifyada waa mid soo taagnayd 27 sano. Manta ayaanad moodaa in ay ka garaabayaan masuuliyiinta xilalka kala duwan ka haya qaybaha kala duwan ee dawlada. Kulankii koowaad ee madaxwaynuhu la yeeshay goolaha sharci dajinta waxaa lagaga hadlay in dastuurka la furo oo arinta daba dheeraatay ee saami qaybsiga xal waara laga gaaro waa hadii daacad laga noqdee.
Beelaha darifyadu waxay ukala baxaan bari iyo galbeed, bari waxaa dega Warsangali iyo dhulmahante, galbeedkana waxaa wada dega Gadabuursi iyo Ciise. Bariga beelaha degaa waxaad moodaa inay ka habaysanyihiin kana rabitaan firfircoonyihiin beelaha galbeedka. Tusaale beesha Dhulmahante siyaasigeeda, aqoonyahankeeda, suldaankeeda iyo shacabkeeduba way isla ogyihiin in wax ka maqanyahay. si wada jir ah waxbay u doonayaan, af kaliya ayeyna kuwada hadlayaan markii saami qaybsiga noqoto. Waxayna xaq dastuuriya u leeyihiin in Soomaliland si buuxda wax ula qaybsadaan. Taasna waxay dan u tahay midnimada iyo wada jirka Soomaliland. Warsangali firfircooni badan oo wax doon ahi kama muuqato waxaanse rajaynayaa si dhul iyo shacab ahaanba si loo soo xero galiyo wax wayn oo ay kaga marmaan Puntland banaanka loo dhigi doono.

Reer Awdal waxaan ognahay in suldaanadu ay mar hargaysa mudo u joogeen wax ka qabashada saami qaybsiga. Maamulkii xiligaa talinayey hab aan wanaagsanayn ayuu ula dhaqmay odayada iyada oo aan loo kala harin ayaa sharafta salaadiinta Gadabuursi meel looga dhacay. Sababtoo ah madaxwaynuhu mudo ayuu qabtay in arintaasi uu kaga jawaabi doono laakiin arintii wuxuu isku dhaafiyey sharci dajinta oo uu markaa jorjooge ka ahaa Ciro dib ayey u soo laagay, hadana waxaa loo gudbiyey xisbiyada iyaguna dib ayey u soo laageen. Isku tuur tuurkii ayey xukuumadii ku dhacday ficiladaasina kuwo lagu waxyeelay Suldaanada Galbeedka ayey ahayd.

Maanta xukuumadu waxay ka tashanaysaa in arinta Saamiqaybsiga xal dastuuriya laga gaaro, waaayo waxaa culays badan ku haya beelaha darifyada gaar ahaan Khaatumo oo nimanaye waxayagii keena leh.
Reer Awdal maalin ay manta ka liitaani ma jirto, ma soo marin mooyi inay dib u soo mari doonto. Sababtoo ah siyaasiyiin adag oo dhiiran oo arinta si badheedh ah uga hadla malaha marka laga reebo Xildhibaan Ahmed Yasiin, siyaasiyiin isku mawqif ahna malaha, siyaasiyiinta reer Awdal waa wada dabaraxleeye iyo sacabka tume. Aqoonyahanada reer Awdal iyo suldaanaduba khalad wayn ayey sameeyeen wakhtigii hirdanka kursiga madaxwaynaha. Labaduba waxay ku dhex milmeen loolankii doorashada si badheedh ah ayuu nin waliba xisbigiisii u taageeray. Taasi waxay ahayd arin aan reer Awdal horay u aqoon, xirfad iyo waayo aragnimo umay lahayn, usha ayey biyaha la dhaceen. Shacabkii reer Awdal way kala qaybiyeen oo gacan saar ayaa ka dhacday. Aqoonayahan iyo Suldaan halkaasuu birta isaga talaabiyey waana sida ay rabeen mushariixinta Muuse iyo Ciro.
Maanta reer Awdal waxaa ku dhacay waji gabax, doorashadii lagalay iyo xanaftii dadka soo kala gaartay cidna waxba kuma helin. Oo soo baxe markuu soo baxay galbeed xilba iskama saarin saddexdii waraabe u taag ee waligoodba loo tuuri jiray ayaa loo tuuray.

Maxay shacabka reer Awdal isku hiifeen, maxay iskukala qaybiyeen, maxay ka faaiideen anigaa dhulka ugu badan dega iyo anigaa Awdal ugu badan.
Dadkii way kala dhinteen, salaadiintiinta cimaamadii ayaa ka dhacday, aqoonayahankiina qalinkii ayaa ka dhacay, haybaddii way luntay Muusena Muraad madow ayuu ka xidhay. Waayo waxaa jiray balamo uu Muuse horay u qaaday oo saami qaybsiga wax ka qabanayo ku salaysnaa.

Hadaba su’aasha iswaydiinta mudani waxa weeyi reer Awdal siyaasi, suldaan iyo aqoonyahan mawada hadlaan oo yaab iyo aamus ayaa ku dhacay. Saamiqaybsigiina arintiisii ayaa loo fadhiisanayaa, yaa reer Awdal xaqoodii doonaya? yaa u hadlaya? Yaa matalaya? Yaa sheegaya waxay ku go’aan? Yaa ka ridaya wixii 27 sano maqnaa kii haystay?
Beeshe Ciise warkeedu waa allow sahal oo markii gadabuursigu tageen may raacin, gaarna umay tagin meelna kumay sheegin in wax ka maqanyahay iyagana warkoodu waa ceelna uma qodna cidina uma maqna.Dawladu wali may cadayn habka iyo hanaanka ay u gali doonto saami qaybsiga. Laakiin waxa hubaal ah Soomaaliland ninkii qayliya uunbaa la iska aamusiiyaa manta Reer Sool ayaa ugu qaylo dheer, reer Awdal siyaasi, aqoonyahan, suldaan iyo shacaba hadii arinta si midaysan u waajihi waayaan oo waxa ay ku go’aan sheegan waayaan oo gorgortan galiwaayaan, oo xaqooda qaadan waayaan.waxa hubaal noqon doonta in intiyoo laf ay loo tuuro dastuurka la galin doono taasina ay kugu noqon doonto wax sharci ah. Barina hadal iyo buuq aad abuurtaan midna waxba ka tari doonin. Markaa waa in talo midaysan oo rabitaan ku dhisan reer Awdal la yimaadaan.

ALLAA MAHADLEH
Fouad Youssouf Osman

Comments are closed