|

KALA MAAN, ISKU MAAN, MA NOQON KARTAA? Qaybtii 3-aad Qalinkii Jamal A. Muse

Falanqeynta Haykalka Ummadnimo Ee Shalay & maanta, Isa Seeganta Hoggaamintii Hore & Hoggaamiyeyaasha Maanta, 10 Sanno iyo Dharaarihii Jameecada Caynaanshe, Dariiqii Ogaal doonka, Sababaha Isku maankii shalay & Kala Maanka Maanta”

Â

Â

 

  • Natiijaddii Xasuus Qorka

 

Hadaba, innaga oo weli sii wadna falanqeynta qoddobkii ahaa Dariiqii Ogaalka, aan xuska qalinkayga ku bilaabo maanta, markii la soo gaadhay dhammaadkii sannadkii 2011-ka ayaan dib u eegis iyo isku dhererin mug wayn ku sameeyay, labo qoddob oo kala ah Kala gedisnaanta xukuumaddaha xilka la kala wareegay Iyo isku e’kaanshaha xukuumaddaha xilka la kala wareegay.

Â

Run ahaantii, is waydiin toggan iyo xafuushintii maanka garashada foggaan-aragga ayaan ku mashquulay aniga oo kali shawr ah. Deetana waxaan ku qancay in isku mid ahaanshaha xukuumaddaha is bedelaya ee ka jira geyiga Soomaalidu ay tahay nasiib darro iyo hagardaamo ku habsatay hoggaaminta dawladnimo ee jasiiradda ay ku dhaqan tahay qoomiyadda midab yusurlayda ah amma midab mas-ciideedka ah “Soomaalida” oo ku sifeysan isma dhaanto iyo dhasheed amma Gadhle iyo Gafuur marka loo cuskado sifeynta odaygii reer Jameecada Caynaanshe aan kula kulmay 10 sanno ka hor.

Â

Intaa markaan ogaaday ayaan go’aan ku gaadhay in aan wax ka ogaaddo hab dhismeedkii bulshonimo ee qoomiyaddan maanta ka aradan hoggaaminta toggan ee dawladnimo. Deetana muddo kale oo sannado ah ayaan aad iskugu hawlay wax ka ogaalka nidaamkii iyo kartidii ummadnimo ee qoomiyadda Soomaalida, ka hor dawladnimada casriga.

Â

 

  • Raadintii Is Ahaanshihii Ummadnimo Ee Shalay

 

Shalay waxaan ahaa ummad leh han sare, qab, kalsooni, karti iyo jiritaan oo ku faanna suugaanta, murtida iyo miidda dhaqanka iyo hiddaha Soomaalinimo oo salka ku haysay is ahaansho, is qiraal, gobanimo iyo isku tixgalinta kala gedisnaanta oo ay ku jirto isku ixtiraamka qolonimada amma kala qabiil ahaanshaha bulshada. Sidoo kale hoggaanka ummada ayaa lagu xulan jiray:

 

  • Garashada qofnimada,
  • Fogaan-aragnimada amma ildheer aragnimada,
  • Dulqaad badnaanta,
  • Balan fulinta,
  • Rag aqoolnimada,
  • Aftahannimada,
  • Run-sheegnimada,
  • Gobanimada iyo isku haynta ummadda,
  • Giridka iyo dun-samaanta qoyska laga xulayo,
  • Iwm.

 

Dhanka kale, bulshadii Soomaaliyeed ee shalayto duruuf kasta oo ay ku jiraan amma ay la jaal yihiin waxay ahaayeen bulsho ka caaggan dhaqan gunnimo. Hoggaamiyaha ummadda ee ku sifooba dhaqan ka hooseeya heerka gobta iyo hanaanka gobanimada, waxaa sumad looga dhigi jiray inuu yahay inan-gumeed rag ka ah oo aan Sharaf iyo karaamo badan ka haysan tolka, reer abtiga, xididka iyo xigaalka mid toonna.  Arrintan ayaa ahayd mid door wayn ka qaadatay dhiirigalinta bulsho wanaagga iyo dun-samaanta aroorka giridka ummadnimada, waayo isku haynta ummada waxaa sal-dhig u ahaa rag leh astaamahan soo socda:

 

  • Run sheegnimo iyo raadsan reeb,
  • Fariidnimo, ku dhac iyo dhiiranaan.
  • Xeer-beegtinimo, kab iyo kitaab raac,
  • Iimaan qab iyo isku qanacsanaan,
  • Daacadnimo iyo kala foggaan-diid,
  • Dulqaad, hayinnimo iyo gurgurshaa guud,
  • Foggaan-aragnimo, Indheer garadnimo iyo hormoodnimo,
  • Girid samaan,
  • Dal iyo dad aqoolnimo,
  • Karti iyo awood qofnimo.
  • Iwm.

 

Hadaba, hanaankii amma nidaamkii doorashada hoggaamiyeyaal astaamahan sare ku xusan ku sifeysan ayaa bulshadii shalay ka dhigtay mid isku maan ah, oo xakame giigsan iskaga haysa xume-sahadiskii ummadda walaalaha quluub ahaan iyo qoom ahaan kala geyn lahaa, kuwaasi oo kala ahaa:

 

  • Beenaale,
  • Afmiishaar “Guulwadaha maanta”,
  • Dhabcaal,
  • Munaafid,
  • Nacas,
  • Khaayin,
  • Fuley,
  • Kala geeye,
  • Kala fogeeye,
  • Iwm.

 

Si kastaba ha ahaatee, xakameyntii xume-wadaha iyo iska horreysiintii indheer garadka ayaa curisay ummad wada nool, oo si gobanimo leh uga heshiin karta qoonta iyo utimaha ka dhasha dagaalada sokeeye ee ay sababbaan damaca aadmiga iyo dhul-daaqsimeedka degsiimada Soomaaliyeed. Xaqiiqdii, hanaankii amma hab dhaqankii gobanimo & dheg-samaan dhawrka ku saleysnaa ee shalayto ayaa dhalisay amma keentay ahaanshaha bulsho ka kooban qabiilo kala gedisan oo hadana isku tixgalisa ahaanshaha qabiilka, oo dadka hoggaanka u haya ka aaminsan dad labbeen ah, aynna yeeshaan han ummadnimo iyo faan guud. Waana midda ka dhigtay in ay ahaadaan bulsho gunta ka tolan oo isku maan ah, ka hor gumeysiga iyo dawladnimada casriga ah ee maanta martida ku ah maanka bulshada iyo garashada hoggaaminta siyaasiga.

Si kastaba ha ahaatee, bulsho ahaan waxay ahaayeen dad kala dan ah iyo isku maan ah “leh qoom ahaansho”, hoggaanka dhaqanka, indheer garadka “Abwaanada” iyo xeer-beegtida ayaa ku sifeysnaa saddexdan qoddob:

  • Rabbi aqool,
  • Rag aqool,
  • Run aqool.

Xulashadii amma doorashadii hoggaamiyaha ummadda “Hoggaanka dhaqanka” ayaa lagu dhererin jiray maahmaahda saddexanka ah ee tidhaa, saddex baa hoggaamiyaha bulshada ka reebban inuu ku sifoobbo:

 

  • Gacmo laaban,
  • Gar eexo iyo
  • Guddoon jilicsan………. La soco qaybo kale oo muhiim ah,

 

 

Jamal A. Muse

Hargeisa Somaliland

jamalabdiya@gmail.com/dankaabo@hotmail.co.uk

Comments are closed