|

KALA MAAN, ISKU MAAN, MA NOQON KARTAA?: Qaybtii 2-aad. Qalinkii Jamal A. Muse

“Falanqeynta Haykalka Ummadnimo Ee Shalay & maanta, Isa Seeganta Hoggaamintii Hore & Hoggaamiyeyaasha Maanta, 10 Sanno iyo Dharaarihii Jameecada Caynaanshe, Dariiqii Ogaal doonka, Sababaha Isku maankii shalay & Kala Maanka Maanta”

Dariiqii Ogaal Doonka:

 

  • Ibbo-furkii Dhugmada Maanka

 

Mar kale, sheekada Kala maan, Isku maan, ma noqon kartaa? Aynnu ka soo bilawno sannadkii 2008-dii iyo deegaankii Jameecada Caynaanshe, run ahaantii, sheegmadii odaygii caqli-yahanka ahaa ee reer Jameecada Caynaanshe, waxay saameyn ku yeelatay:

 

  • Hab fikirkii maankaga,
  • Arragtidii siyaasadda,
  • Ogaalka doonka nooca hoggaamintii shalay,
  • Qiimeynta nidaamka gadhwaeennada maanta,
  • Dhegaysiga wax aqoonka ummadda,
  • Dhugmada tagtada,
  • Dheehashada taaganta iyo dheeliga dawladnimada.

 

Sidoo kale, aniga oo weli ku sugan isla Jameecada Caynaanshe ayaan go’aansaday in aan wax ka qoro sheekada Gadhle iyo Gafuur. Intaa ka dib waxaan xog badan galiyay in aan ogaaddo eedaymihii xiligaa loo soo jeedin jiray dawladdihii ka jiray geyiga Soomaalida, gaar ahaan Somaliland iyo Soomaaliya.

Durbadiiba, waxaan buugga xasuus qorka ku duugay, eedaymihii ugu waawaynaa ee xiligaa xisbiyada mucaaridka aha ay ku eedayn jireen xukuumaddii xiligaa talada dalka haysay oo uu hoggaamiye ka ahaa, madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin. Waxaana ka mid ahaa qoddobadan hoos ku xusan:

  • Sameynta musuq baahsan & iibinta guryaha & dhunka danta guud.
  • Tiro badnaanta xukuumadda iyo fadhiidnimada nidaamka dawliga ah,
  • Caddaalad darro iyo in madaxwaynuhu u afduuban yahay xubno ka mid ah golaha wasiiradda iyo xaaskiisa oo ahayd marwada koowaad ee dalka,
  • Saluugga aqoonta iyo xulashada xubnaha xukuumadda,
  • Ka gaabinta xidhiidh wanaagga dunida iyo arrimaha ictiraafka,
  • Jabinta nidaamka Sharciga dalka,
  • Cabudhinta saxaafadda,
  • Xadhigga siyaasiyiinta mucaaridka ah,
  • Adeegsiga oday dhaqameedka dalka,
  • Horumar la’aan iyo shaqo abuur xumo,
  • In aan loo ogolayn mucaaridka adeegsiga Tv qaranka iyo Radio Hargeysa
  • Iwm.

Mar kale, waxaan buugga xasuus qorka ku xardhay, qoddobo muhiim ah oo ka mid ah balanqaadyadii xisbiga Kulmiye ee sannadkii 2010-kii, si aan u ogaaddo kala gedisnaanta labada xisbi iyo labada xukuumadood. Waxaana hoosta ka xariiqay Himiladii xisbiga iyo qoddobo ka mid ahaa balanqaadyadii 2010-kii xisbiga Kulmiye shacab waynaha Somaliland soo hor dhigay oo ay ka mid ahaayeen:

 

  • Himiladii Xisbiga Kulmiye ee 2010-kii

 

Barnaamijka Xisbiga Kulmiye wuxuu ka turjumayaa xaqiijinta himilooyinka hoos ku xusan:

  • Xisbiga Kulmiye wuxuu u hawl-gelayaa xaqiijinta iyo taabbo-gelinta madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo ka mid-noqoshadeeda ururrada caalamiga ah iyadoo ah dawlad la aqoonsan yahay.
  • Xisbiga Kulmiye wuxuu higsanayaa inuu dalkan Somaliland ka dhiso bulsho casri ah oo ka xor ah faqriga, jahliga, dulmiga, kelitalisnimda iyo guud ahaan maamul xumadda weji kasto oo ay leedaahay.
  • Xisbiga Kulmiye wuxuu ku naalloonayaa yagleelidda bulsho dimuqraadi ah, oo ay saldhig u yihiin mabaadiida talo wadaagga ee ka soo jeeda diinteenna islaamka iyo dhaqankeena suuban.

Â

 

  • Taabo-gelinta Xukun wanaagga Dalka “Good governance”

 

Haddaba, si loo taabo-geliyo maamul wanaagga, loona dhiso hay’ado dawladeed oo adag oo mug leh (Strong government institutions), Kulmiye wuxuu meelmarinayaa mabaadi’da xukun wanaagga ee hoos ku qoran:

  • Dhisidda Dawlad Kooban,
  • Dib-u-habeynta Hay’addaha Xukuumadda “Restructuring Existing Gov’t Institutions”
  • Dhameystirka Hanaanka Dimuqraadiyada,
  • Kala Madaxbaneynta Awoodaha Ha’yadaha Qaranka
  • Horumarinta Saxaafadda,
  • Dhiirrigelinta Bulshada Rayidka,
  • Xukun Daadejinta “Decentralization”,
  •  La-Dagaallanka Musuqmaasuqa,
  •  Dib-u-eegista Distuurka iyo Shuruucda kale ee Dalka.

Â

 

  • Dib-u-habeynta Garsoorka iyo Caddaaladd

 

Haddaba, iyadoo taas laga duulayo Kulmiye waxa ka go’an inuu:

  • In la baabi’iyo guddiyadda nabadgelyada.
  • In la Madaxbannaaneeyo shaqadda waaxda Garsoorka dalka, qorsheynta iyo maamulidda miisaaniyadda.
  • In Xeer-Ilaalinta Guud laga saaro hay’adda Garsoorka,
  •  In dastuurku dammaanad qaado muddo xileedka garsoorayaasha maxkamadda sare.
  • In dastuurku dammaanad qaado in Garsoorayaasha la siiyo mushahar, gunno iyo dheef hawlgabeed oo munaasib ah.

Â

 

  • Horumarinta Shaqaalaha Dawladda:

 

Haddaba, si wax looga beddelo arrimahan, Kulmiye waxa uu sameyn doonaa arrimahan soo socoda:

  • Kordhinta saacadaha shaqadda “8 saacadood”,
  • Kor u qaadidda Mushaharooyinka “300%”,
  • Sameynta cawil-celinta iyo daryeelka shaqaalaha dawlada.
  •  Dib u eegidda tirada iyo tayada shaqaalaha “Civil Service Reform”,
  • Siinta tababar joogto ah “continual Education”
  • Dejinta nidaam, siyaasado, xeerar lagu daryeelo shaqaale hawl gabka ah “Pension”.
  • Dhiirigalinta yagleelka ururada shaqaalaha “Kuwo madaxbannaan iyo kuwa dawladda”.

Â

 

  • Difaaca iyo Sugidda Ammaanka Qaranka

 

  • Horumarinta Ciidanka Qaranka,
  •  Booliiska Qaranka,
  • Ciidanka Asluubta,
  • Dhisidda Laanta Sirdoonka Qaranka “Bureau of National Intellegence”,

Â

 

  • Horumarinta Waxbarashada Asaasiga ah iyo Tacliinta Sare

 

  • Dugsiyada Farsamada Gacanta,
  • Tacliinta Sare,

 

  • Daryeelka Cafimaadka Bulshada

 

  • Dhisidda Hay’adda Fayo-dhawrka Qaranka,
  • Barnaamijka HIV/AIDs,
  • Kor u qaadidda adeegga daryeelka cafimaadka hooyada iyo dhallaanka,Â
  • Kor u qaadidda tayada iyo tirada Dugsiyada/kulliyadaha lagu barto xirfadaha caafimaadka,
  • Kor u qaadidda tayada adeega caafimaadka gaarka ah,
  • Hubinta daawada iyo sameynta Shuruucda daawadaha,

 

  • Horumarinta Dhallinyarada,
  • Kobcinta Dhaqaalaha iyo la Dagaalanka Saboolnimada,
  • Iwm. La soco qaybo kale oo muhiim ah.

 

 

Jamal A. Muse

Hargeisa Somaliland

jamalabdiya@gmail.com/dankaabo@hotmail.co.uk

Comments are closed