|

KALA MAAN, ISKU MAAN, MA NOQON KARTAA?: Qaybtii 1-aad

“Falanqeynta Haykalka Ummadnimo Ee Shalay & maanta, Isa Seeganta Hoggaamintii Hore & Hoggaamiyeyaasha Maanta, 10 Sanno iyo Dharaarihii Jameecada Caynaanshe, Dariiqii Ogaal doonka, Sababaha Isku maankii shalay & Kala Maanka Maanta”

Hordhac:

Waxaa mudnaan wayn leh muuneynta iyo ka jawaabidda is waydiinta cinwaanka u ah qormadan ee u dhigan “Kala maan, isku maan, ma noqon kartaa?”. Shalay ayaan la wadaagay bulshada ku xidhan baraha xidhiidhka bulshada sheegmo kooban oo hal ku dheggeedu ahaa “Kala maan”, deetana rag badan oo aannu aad saaxiibbo u nahay ayaa i waydiiyay waydiinta tan sare ku xusan ee ah “Kala maan, isku maan, ma noqon kartaa?”.

Hadaba, aniga oo mudnaan iyo muuneyn wayn siinaya waydiinta saaxiibbaday ayaan holladay diyaarinta qormadan oo aan summad uga dhigay “Kala maan, isku maan, ma noqon kartaa?”. Runtii waa waydiin mudan ka jawaabid, falanqeyn, gorfeyn iyo daah-qaadidda shalaydii ummadda iyo taaganta maanta.

Guddaha qormadan aadka u muhiimka ah, waxaan diiradda foggaan-aragga ku dul qotominneynaa dabshidka hoggaamintii, kala dan iyo isku maankii ummadda, dhisnaantii/dhisnaanta bulsho ahaanshaha, shalaydii qoomiyadda, dhawriddii magacsamaanta guud, dheeliga, dhoohannaanta, doollaalinta hoggaaminta taban ee hoggaamiyaha maanta, han jabka, halloosiga laallan, xuska iyo xasuusta sheegmadii maan furka ii ahayd ee odaygii aan kula kulmay deegaanka jameecada Caynaanshe, 10 sanno ka dib iyo u kuur-galkaygii  kala gedisnaanta Gadhle iyo Gafuur oo aan u qaatay girid aroorka siyaasiyiinta geyiga Soomaalida.

 

Dharaarihii jameecada caynaanshe:

December horraanteedii sannadkii 2008, waxaan ka mid ahaa dhallinyaradii ka hawl gashay fulinta diiwaangalintii koowaad ee laga hirgaliyay dalka Somaliland intii ay dib ula soo noqotay qaranimadeeda oo ku aaddan gu’gii 1991. Deegaanka Jameecada Caynaanshe oo dhaca Koonfurta degmada Oodwayne ee gobalka Togdheer ayaan ku sugnaa muddo toddobaad ah, markii aan dhugtay hal-beegga garashada dadka deegaanka jameecada Caynaanshe, waxay iigu muuqdeen dad han wayn oo maankooda hoggaamintu aad uga horreeyo kan dadka kale.

Hadaba, xili galab ah oo ay hawada ku jirtay laanta af-Soomaaliga ee idaacadda BBC- da ayaan la kulmay odayaal cariish hoostii ku dhegaysanayay BBC-da oo aad ula dhacsan aragtidii hoggaamineed ee Nuur cadde “Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya” iyo doodda wadaadkii markii danbe noqday madaxwaynaha Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed.

Deetana oday ka mid ah odayaashii goobta ku sugnaa ayaan waydiiyay sababta ay u door bidayaan dhegaysiga, u riyaaqa iyo danneynta wararka laga warinayo arrimaha Soomaaliya. Maadaama oo aannu markaa wadnay diiwaan-galin qaran oo kor u qaaddi karta qadiyadda dawladnimada Somaliland?

Odaygii oo ahaa caqli-yahan amma caqli-maal wayn ayaa iigu jawaabay ” Adeer hoggaamiyeyaasha Soomaalidu waa Gadhle iyo Gafuur oo waxba isma dhamaan”. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu intaa ku daray:

  1. Dawladdii Aadan cadde kamay duwaneyn tii gumeystihii dalka laga xoreeyay.
  2. Dawladdii Cabdirashiid Cali Sharmaarke na waxba may dhaamin tii Aadan Cadde, ee iyada ka horreysay.
  3. Kacaankii Afwayne muu dhaamin Dawladdii Cabdirashiid Cali Sharmaarke,
  4. Burburkii dawladnimada, marna kama fiicnaan kacaankii belaayo,
  5. Dawladdii Cabdiraxmaan Tuur, may dhaamin kacaan dhiigga dadka jaqay ee dalka laga kiciyay.
  6. Dawladdii Ina Cigaal kamay wacneyn tii Cabdiraxmaan Tuur, waayo dagaal sokeeye ayuu dalka ka riday,
  7. Dawladdan Riyaale Kaahin kan hadda xilka haysaa, waxba ma dhaanto, tii  Ina oo Cigaal  oo waxaad mooddaa gaadh-haye bilaa curin ah, oo dawladnimada ku haya halkii Ina Cigaal ku lingaxay ee uu kaga dhintay,
  8. Siilaanyaha aad hadda taageersan tahay “Markaan sheekaysanay baan u sheegay in aan taageersan nahay Kulmiye” ma dhaami doonno tan Rayaale Kaahin ee liidata.
  9. Adeer waxaan oo dhan waxaa ka wanaagsan hab is xukun keennii dawladnimada ka hor, oo ummad is wadata ayaan ahayn, halka maanta aynu luminay in aynnu ummad ahaanno.
  10. Odaygii caqliyahanka ahaa ee aan 10 sanno ka hor ku kulannay deegaanka Jameecada Caynaanshe ayaa hadalkiisa ku soo xidhay oo si dhiiran u yidhi “Adeer hal tijaabo ayaa iigu hadhay hoggaaminta hoggaamiyeyaasha geyiga Soomaalida, oo waxaan eegayaa in Nuur Cadde iyo Sh. Shariif ka gedisnaadaan hoggaamiyeyaashii hore iyo in kale”. Waxaan ku leeyahay tan “Somaliland” dadkeedii weli dhallan eh, hawshiina iska wata, iskuna daya fahanka Gadhle iyo Gafuur. La soco qaybo kale oo muhiim ah.

 

Jamal A. Muse

Hargeisa

Somaliland

jamalabdiya@gmail.com/dankaabo@hotmail.co.uk

 

 

Comments are closed