|

Af-gudhiye: Shumuc Ka Damay Afka, Dhaqanka iyo Suugaanta (1964 – 2018) Qaybtii 2-aad Qalinkii: C/risaaq Saalax

Af-gudhiye: Shumuc Ka Damay Afka, Dhaqanka iyo Suugaanta (1964 – 2018)
Qaybtii 2-aad
Qalinkii: C/risaaq Saalax
Waxaan kugu idhi warmooge
Wadaad baa reerka joogga
Wadeeco ka faalinaaya
Waddaran raadkeed guraaya
Wardigu waaxyaha hilbeysan
Indhaha wuu ku weeciyaaye
Ayaan Waclalaaf ku sheegan
Wankeyga Cadoow ha naaxin!

af-Gudhiye, Wankeyga Cadoow ha Naaxin; 1988
Waxa aan ka cudur-daarayaa in aan la habsaamay qaybtii labaad ee qormadeenan xuska ah ee Abwaankeenii Ilaahay Naxariistii Janno ha ka waraabiyee Axmed Siciid Diiriye “af-Gudhiye”. Mar labaad aynu u ducayno in uu Ilaahay jannooyinkiisa tan ugu mudan ku casuumo.
Af-gudhiye awal hore dhegaha ayaan kala saaxiib ahaa oo heesihiisa caanka ah ee ay kooxda deegaan qaadaan ayaan aad u dhegeysan jiray. Nasiibse maan lahaynoo, waxa aanu is barannay goor ay xaaladdiisu iska jilicsanayd. Sannadkii 2016-kii dhexdiisii ayaan habeen habeennada ka mid ah u soo mir kacay in aan xaaladdiisa wax ka qoro. Goor dambe oo habeenimo aniga oo warka fiirsanaya, ayaa sidii aan majaraha (rimoodhka) u rogayay waxaa mid ka mid ah Telefishanada ka soo baxay Abwaanka oo uu gurigiisa ku booqday mid ka mid ah masuuliyiinta dalka u sarreeya. Sawirkaas iyo wixii dhex marayba isaga iyo masuulka, waan ka gam’i waayay. Run haddaan u hadlo, ma aqaan goorta aan qalinka haabtay ee aan dareeriyay maqaal dhan “Ku Quuso Qudhaanjo: Af-gudhiye, Abwaan Aan Abaalkii uu Lahaa La Marin”.
Maalintii dambe ayaan gurigiisa ku booqday. Isaga oo markaa iska xanuunsan, oo tabaalaysan. Waxa aan is waydiiyay waxa aan u qaban karo. Waxaa igu soo dhacday in aan suugaantiisa weeleeyo, oo inta uu nool yahay buug u iibsama qoriddiisa aan ka caawiyo. Si ay isna wax ugu tarto; magac ahaan iyo manfac ahaan, oo uu baahida yaboohda uga maarmo; suugaantiisuna u noqoto mid weelaysan oo si cilmiyaysan buug qurux badan oo la akhrisan karo dadku uga raacan karaan. Isna sharaf iyo faa’iido ayay u ahaan lahayd, dadka maanta raadinaya suugaantiisii, isaga iyo in badan oo la mid ahiba ay badideeda la hoydeenna raadcadeeda uga baaqsadaan.
Nasiib darro buuggaasi ma soo bixin, arimo farsamo iyo duruufo jiray aawadeed. Wax yar haddii aan ka qabtayba, si deg deg ah ayaan Hindiya ugu baxay. Haddii aan soo laabtayna, isagii ayaa i waydaartay oo Hindiya loo qaaday.  Hawshaasi waa mid wali joogta, cid kasta oo ururinta Abwaanka waxa aan jeclaan lahaa in aanu si uun isku haleelno.
Haddii aynu shaqsiyaddii abwaanka iyo suugaantiisaba wax kaga noqono, af-Gudhiye waxa uu ahaa nin dhaqanka Soomaaliga aad u yaqaan. Nin suugaanta u abtiriya. Afka Soomaaligana ah Diiwaan uu hadhsado. Nin yaqaan godadka suugaanta iyo sida ay u kala saamayn badan yihiin. Intii aan suugaantiisa  darsanayay, waxyaabaha aadka iiga yaabiyay ee uu abwaanku gaarka ku ahaa waxaa ka mid ahaa; in godka ugu badan ee uu maansooyinkiisa iyo heesihiisa ugu shilis uu ku abyay uu ugu wayn yahay godka “Hobeeya, Hobeeya”. Waa godka ay hooyadu ubadka ugu heesto (Hobeeya, Hobeeya, Hobeeya… Af-yare Wiilkay samoowah… )
Haddii aan waydiiyay sababta uu godkaa ku jeclaaday, waxaa iga yaabisay jawaabta uu i siiyay:
“Inta badan maansooyinkayga, [iyo heesaha qaarkood], gaar ahaan kuwa bulshada la hadlaya, waxa aan adeegsadaa godkaa. Sababtuna waxa ay tahay, wacdi iyo wax la isku sheego, waxaa ugu qiimo badan, runtana ugu dhaw ka ay hooyadu ilmeheeda siiso. Anna waxa aan jecelahay in aan halkeeda isa soo taago”
Waxa aad halkaa ka garan kartaa Af-gudhiye halka uu bulshada u taagnaa, Waxa uu bulshada u ahaa iyo sida lexo-jeclada leh ee uu waxsheeggooda ugu dirnaa. Waxa aynu odhan karnaa, Af-gudhiye – iyo in badan oo la mid ahiba – waxa ay bulshada u joogaan halka uu waalikdu ubadka u taagan yahay!
Maansooyinkiisa ugu caansan ee uu godkaa ka abyay waxaa ka mid ah maansooyinka; ‘Baruurtu Wadkaaga Weeyi (Wanka Cad)’ ‘Oday Biiqay’ (Wuxuu yidhi Inan Ragoo wah!’ iyo qaar kale oo badan.
Waxyaabaha uu xaq-u-dirirka intiisa badan kaga duwanaa waxaa ka mid ahaa; af-Gudhiye waxa uu ahaa nin ka maansooda mawaadiic bahdiisa maansooleydu inta badan aanay iskuba hawlin. Tusaale ahaan, suugaanleydu cidda ugu badan ee ay warmaha ku fiiqaan waa cidda hadba majaraha ummadda haysa – siyaasiyiinta iyo maamulka hadba jooga. Isagu waa uu ka duwanaa. Waa ninka qudha ee bulshada loo adeegayo iyagana koobka dhaliisha markooda dhansiiyay.
Gabay aad u layaab badan oo uu u bixiyay ‘Xog-warran’ ayuu ku darsay dabeecadaha iska hor imanaya ee ay bulshadu markooda ku siyaasadayso siyaasiyiinta. Waa cilmi dhan “school of thought” oo la yidhaa ‘Cilmiga Siyaasaddaynta Siyaasiyiinta’. Waxa uu leeyahay, ‘Bulshadu markii ay siyaasiyiinta la joogaanna indho ayay ku eegaan; markii ay ka maqan yihiinna indho kale oo aan kuwii ahayn ayay mar kale ku daawadaan’. Wuxuu yidhi isaga oo u waramaya siyaasigii;
Nin xil qaaday eed qaadye, Kaan aayaha u xulanayoow,
een Xamilkay saarnoow, dadkii xadhiga kuu dhiibtay

waxay kugu xantaan xigtiyo inaad, xayn yar korisaaye
inaanad gaar cidna u xaninin, bay kugu xariiraane

Xun-xun iyo waxay ku xantaan, gaalo daba xiine
Xaafidul qur’aan diiniyay, kugu xariiraane

Ma xisaabtamay ku xantaan, xaalka jira mooge
Xeegada nin aad ula socday, kugu xariiraane

Bilaash xayte waxay kugu, xaalka jira mooge
Xawaaraha nin dheeraynayay, kugu xariiraane

Kursi xoog waxay kugu xantaan, sheegtay xubin wayne
Nin dadkiisu taashka u xidhay, kugu xariiraane

Xabaan nololiyay kugu xantaan, xaaqay aadmiga’eh
Xabad nugule xamasta u tudhay kugu xariiraane

Xulad ololiyay kugu xantaan, xaabo baas shidaye
Nabad ku xamdi xooraan nacay, kugu xariiraane

Xagliye iyo waxa ay kugu xantaa dhan u janjeedhaaye
In aad eexa xaashaa ka tahay kugu xariiraane

Xintame iyo waxay kugu xantaan reer u gogol xaadhe
Nin xiskii qabiil laga xalay kugu xariiraane

Xod-xodtiyo waxay kugu xantaan, xamar u sii jeede
Nin xaggaaba daymoonin bay kugu xariiraane

Kacaankii waxay kugu xantaan xididadiisiiye
Xisbigaa ninkii dumiyay bay kugu xariiraane

Nin xanaaq dhaw bay kugu xantaan oon xamilin deeqe
Nin xoriyatal qawlka ogol bay kugu xariiraane

Waxba yaan xujiyo yaab warramin boogo xadantayne
xaqiiqadana ka sheekayn haddey niman xali hakayne
xog ogaalna waayaha u noqon eedda xaabsadaye
xumaan iyo samaan tii u rabo labada xaaloodba
xag kastaba masuulka u xorow xiisad baa shidane
maxaa xala xarraantoo bulshadu waa xakama goyse…

Imisa goor baad is leedahay abwaanku adiga ayuu kaa dhex sanqadhay. Imisa sifo oo aad ku dhaqantay buu sheegay? Waan hubaa haddii aad xayndaabkaa uu ka hadlayo mar uun cagaha galisay, in uu si uun sawirkaasi uu meel kaaga eekaanayo.
Markale ayuu heesay. Waxa uu hal hees ku soo gudbiyay adduunyada khayrkii oo dhan laga guuray ee sharkii loo biyayaystay. Isaga oo naftiisa la hadlaya, ayuu haddana nafeheena oo dhan sifeeyey. Wuxuu yidhi.
Adduunyadan rubucu hadhay
Inteedii badnayd la rogay
Run iyo rays iyo deegaan
Danteeda ka reebanee
Ratiga loo qalay runta ah
Markaan raadcee is idhi
Talaa tidhi ha i rogrogin
Run baa car i sheeg i tidhi
Samaa yidhi ha i rajayn
Xaq baa ha i raadin yidhi
Balaa tidhi ii riyaaq
Been baa tidhi ani i raac
Tuug baa yidhi ila rafiiq
Xalaal baa tidhi i riiq
Xaraan baa tidhi i ruug
Rishwaa tidhi ha iga tagin!
Beydkani waxa uu ka mid yahay heestii ‘Aduunyadan Rubucu Hadhay’ Heestani waa mid ka mid ah heesaha calculus ee ay qaaddo fanaanadda waynn ee Nimco Jaamac Migil, codka la yaabka lehna waxaa u sameeyey, sida lagu doodo, ninka ugu cod-samaynta badan Mullaxaniinta Soomaalida C/raxmaan Cali Xirsi.
Abwaanka mawduucyada adag, sida; Siyaasadda, Nolosha, Dhaqanka, Waxsheegga, iwm oo qudh ahi ma ahayn ardaa dhigiisa. Waxa uu ahaa, sidoo kale, xiddigiye galay hawada mucaashaqiinta oo baalasha ku kala fidsaday. Waxa uu abyay tulud heeso ah oo caan baxay oo caashaq gaamuray ku xaradhaaminaya, qaarkoodna aanay isaga laf ahaantiisa dhanna u dhaafsanayn.
Waa inoo toddobaadka dambe iyo qaybo ka mid ah suugaantiisa kalgacalka iyo dhaqanka.
La Soco…
Abdirasak Salah
Abdirasaksalah@gmail.com
+252634466677   
Mogadishu, Somalia

Comments are closed