|

109 Kamida Shaqaalaha Madaxtooyadda Somaliland Oo Shaqadii Laga Caydhiyey

Jan 11, 2017 Hargeysa (Cadceed) –109 qof oo ka mid ah shaqaalaha Madaxtooyada ayaa lagu wargeliyay in aanay dib madaxtooyada uga shaqayn doonin, islamarkaana ay muddo laba bilood ah fadhiga ku qaadan doonan mushahar intaas kadibna ay sidaas
kaga baxayaan shaqada dawladda. 14 ka mid ah shaqaalaha ayaa la sheegay in ay yihiin bedel meelo kale loo diray*

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo Madaxtooyadu ka soo saartay arrintan laakiin, xogaha Aanu Arintani Ka Helayno**ayaa sheegaya in aan shaqaalaha loo sharraxin sababaha keenay in shaqada laga eryo.*

Nidaamka cusub ee Madaxweyne Muuse ayaa u muuqda in uu soo xero gelinayo dad la soo shaqeeyay intii uu kursiga halganka ugu jiray.*

Waaxda warfaafinta madaxtooyada ayaa ka mid ah dadka shaqada laga eryay iyada oo la soo galiyay waaxdii warfaafinta ee Madaxweyne Muuse kula soo shaqaysay dhinaca xisbiga Kulmiye*

Wariyaha gaarka ah ee Madaxweynaha ee hore Siilaanyo ugu warrami jiray iyo wariyihii Madaxweynaha xilligii musharraxnimada ayaa la sheegay in ay booska isku qabsadeen laakiin, haatan xaal mastuur lagu heshiisiyay.*

Xogaha Ayaa Intaasi Ku Daraaya in wasaaraddaha iyo hay’addaha dawladda ee kale ku jiraan kala hufid dhinaca shaqaalaha ah oo la kawsaday nidaamka xukumadda cusub, islamarkaana dad badan oo shaqaynayay ka warwarsan yihiin in ay shaqadooda waayeen kuwana laguba wargeliyay inshaqada laga fadhiisiyay.*

Comments are closed