|

Saldhiga Berbera iyo Saameyntiisa xoogan ee Dagaalka Gacanka Cadmeed . qalinkii A/rahman fidhinle UK

Waxaa fo’gaan aragu  ku doodeen in heshiiska Saldhiga Berbera  ansixintiisu uu ka hor imanaayo Dastuurka Qaranka Somaliland maadaama aan si hufan oo daahfuran loo soo bandhigin heshiis rasmi ah oo dhameys tiran. sida lawada ogyahay taariikhda  12/2/2017  Waxaa golaha baarlamaanka si jujuub ah lagu marsiiyey nuqul yar oo qabyo qoraal ah oo lagu sheegay nuxurka heshiiska.  Xukuumada Somaliland ayaa Baarlamaanka u gudbisay xog kooban ama qoraal lagu sheegay nuxurka heshiiska oo intiisa badani aaney hufneyn waxna ka sheegeyn faa’iidooyinka buuran ee laga helaayo Saldhiga Berbera iyo guud ahaan waxa lagu tilmaamay maalgashiga Imaaraatiga ee Somaliland.Waxaa Shacabka reer Somaliland kala garan waayeen Mashaariicda horumarineed ee Heshiiska Saldhiga Berberi Xanbaarsan yahay. ka dib markay Xukuumada kulmiye ee cusubi ay ka dhawaajisay Mashaariicdii ay hore Shirkadii DPWorld ee Dekeda Berbera la wareegtay ay hore ugu balan qaaday  in ay dalka ku horumarinayso  sida Mashruuca Berbera Corridor oo ka mid ahaa Mashaariicdii DPWorld ku kasbatay Dekeda Berbera.

 Qaar ka mid ah kuwa ugu aqoonta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland  ayaa hore u sheegay in sababta ugu weyn ee Xukuumada Somaliland usoo bandhigi weyday heshiiska ay la gashay dowlada Imaaraatiga ay tahay mid muujineysa in heshiiska ay wax ka saxeexday Dawlada Federaalka ah ee Somaliya taa soo dawlada Itoobiyana ka biyo diiday arintaas.
Heshiiskan dhexmaray Somaliland iyo Imaaraatiga ayaa waxaa la xaqiijinayaa inay si dhaw ulla socotay Dowlada Federaalka ee Soomaaliya, isla markaana Xukuumada Abu Dhabi ay arrintan u bandhigtay Somaaliya oo ogolaatay in Imaaraatigu saldhigan sameysto balse ku xidho “Shuruudo adag ”. Sida aanu ka soo xiganay  Diblumaasiyiin u dhuun-daloola hawlahan oo ku sugan Safaarada Somalida ee Abu Dhabi ayaa sheegaya in Dawlada Federaalka Somaliya kula heshiisey dowlada Imaaraatiga in dhulkaas Saldhiga Berberi uu ka tirsan yahay dhulka hoos yimaada Dawlada Federaalka ee Soomaaliya iyagana mar walba loo baahan yahay in lagala tashado, arrintaas oo meesha ka saareysa qorshihii ahaa ictiraaf raadinta ama madax banaanida Qaranimada Somaliland.
.
Shuruuda Dawlada Federaalka Somaliya ku xidhay saldhiga Berbera ayaa la sheegay inay aqbashay Xukuumadii dhacday ee Siilaanyo taa soo la isku raacay in Xukuumadii Siilaanyo uu marwalba yoolkeedu ahaa dhaqaale raadin si ay marwalba dha-dhamo kasta dheecaan u siisato waxaana ay wada xaraashtay dhamaan illihii dhaqaalaha ee dalka oo dhan.Waana arrintan ta keenaysa in ay durba  sirihii qarsoonaa ay qar qarxaan oo ay kala hadlaan hawlwadeenada arimahan u qaabilsan  xukuumada Somaliland ee cusub. Imaaraatiga ayaa hada kamid ah dawladaha gacanta xoogan siinaya Dawlada Federaalka Soomaaliya sidii dib loogu dhisi lahaa ciidankooda xooga dalka, waxayna dawladaasi sidoo kale deeqo waafiya ah siiyaan Dawlad gobaleedyada tirada badan ee Federaalka Soomaaliya ku abtirsada iyada oo marwalba iyadu raadinaysa danaheeda u gaarka ah oo keliya.

Danaha isku lingaxan ee  Somaliland iyo Itoobiya.
Dawlada Itoobiya oo iyadu si gaar ah isha ugu haysa deegaanada Somaliland iyo Dekada Berbera ayaa markii hore ku taageersaneyd Imaaraatiga inuu maalgashto Dekada Berbera maadaama iyaduna saami ku leedahay mashruuca DPWorld ee Dekeda Berbera iyo waliba inay iska kaashadaan khaliijka cadaadinta Eritereya balse Addis Ababa ayaa fikir kale keentay kadib markii dawlada Somaliya iyo Xukuumada Siilaanyo ogolaadeen Saldhiga Militari in Imaaraatigu ka  sameysto khooriga magaalada Berbera. Waxaa hubaal ah in Dawlada Itoobiya u aragto Saldhiga dal Carbeed ka sameysto Somaliland mid ka horimaaneysa qorshahooda dheer ee Geeska Africa mustaqbalka, Waxaana ay Itoobiya mudnaanta siinaysaa  faa’iidooyinka dhaqan dhaqaale ama ganacsi ee ay ka helayso Dekeda Berbera ee ay Saamiga ku leedahay. Itoobiya ayaa sidoo kale ka cabsi qabta in dalka Masar ay ku lug leedahay danaha Imaaraatiga ku doortay Madaarka Berbera, maadaama dawladaha Masar & Sudan iyo Itoobiya ay isku heystaan weli mashruuca biyo xireenka weyn ee Wabiga Nile oo ay ku xidhan tahay nololasha labadaasi dal ee Carbeed.

Dawlada Imaaraatiga oo kamid ah xulafada dalalka Khaliijka ee hada dagaalka kula jira Shiicada Yemen ee Xuutiyiinta oo taageero ka hela dowlada Iran ayaa horey saldhigyo uga sameystay gudaha dalka Yemen gaar ahaan koonfurta iyo nawaaxiga magaalada Cadan halkaasi oo ay ka taageeraan dawlada Cabdulrabi Hadi Mansuur.Balse qorshaha Saldhiga Berbera ayaa ah mid ku aadan mustaqbalka fog iyo dagaalka u dhaxeeya Khaliijka, Sacuudiga  iyo Iran oo iyaduna dooneysa inay awood ku yeelato gacanka Cadmeed ee muhiimka ah. Taa soo khatarteeda leh hadii aanay Somaliland si dhow iyo si fogba uga fiirsan ansixinta Heshiiska Saldhiga Berbera oo hada mugdi iyo mad-madow badani ku gedaaman yahay.
Allaa Mahad Leh-Wa Billaahi Towfiiq.
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.

 

Comments are closed