|

Gudoomiye Ku Xigeenkii Xisbiga Waddani Ee Gobolka Awdal Oo Goordhawayad Xilkii Iska Casilay

Nov 9,, 2017 Boorama (Cadceed) – Gudoomiye ku xigeenkii Labaad Ee Xisbiga Waddani Ee Gobolka Awdal Mudane CabdiSamad Nuur Dugsiiye ayaa shaaciyey in uu iska Casilay Xilkii iyo Xubinimadii Xisbiga Waddani Xili Maalmo kooban oo kaliya ay ka hadhan Tahay Codaynta Doorashada Madaxtooyada Dalka.

Warar Madaxbanaan oo aan ka helayna Magaalada Borama ayaa sheegaya in Iscasilaada Gudoomiye ku xigeenka labaad Ee Xisbiga Waddani Ee Gobolka Awdal ay Saamayn Togan iyo mid tabanba ku yeelanayso xisbiga Waddani Sidoo kalena waxaa ay Maalmihii Ugu Dambeeyey Siweyn looga Dareemayey Gudaha Magaalada Borama Hoos U Dhac Siyaasadeed.

Mar aanu la Xidhiidhnay Siyaasi Cabdi Nuur Dugsiiye Ayaa Waxa uu noo xaqiijiyey In Maalinta Bariya Uu shir Jara’id Ku Qaban Doono Magaalada Borama Islamarkaana uu Shaacin Doono Sababaha Uu Isku Casilay.
Isku Soo Wada Duuboo Habacsanaanta Siyaasadeed Ee Xisbiga Waddani Iyo Hogaan La’aanta Xisbiga Ayaa Sabab u ah In Taageerayaal Tira Badan OO XIsbiga Ka Tirsan Ay Dhabarka u Jeediyaan Xisbiga Waddani islamarkaana ay Isku biyo shubeen Xisbiga Muxaafidka Ee Kulmiye.

Cadceednews Boorama

Comments are closed