|

Maxamed  calow  isku  casil  lexejeclo  haday  reer  Awdal  kaa  hayso  sababta  danta  Dhismaha   dariiqa  Borama  illaa  Djabuuti  ee  kulmiye  u  qorsheysan!!Dr.khadar-Libaaxley.

Rag   uu   ka  dhexeeyo   geel

Haday   kala   geeyo   damac

Waxa   isku   geysa   dan   eh

Allow   garansii   nin  moog.

 

Maansadani   waa  tuducyo  kamid  ah  maansadii  gurmad   raxmatulaahi  calaa  abwaan  gaariye.

 

Dan  buu  reer  guuraa,  sida  ooddaba  loo  guro   sida  ay  u  kala  sareyso ; danaha  ay  ummadi  isku  raaci  karto  waxa   kamid  ah ( dano  isir  wadaag  ama  dano  deegaan  wadaag) ha  ahaatee  had  ba  danaha  xilli  oogan  ayaa  kala  qiimo   iyo  darajo  sareeya!!  reer  Awdal  mar  waa  isir   wadaag, markalena  dhamaantood  waa   deegaan  wadaag !!  sax  iyo  dheeraad  waxa  ah  in  ay   mudnaanta  koowaad  siiyaan (  hirgalinta  iyo  meel  uga  soo   wada  jeesadka  danta  qofkasta  oo  reer  awdal  ah  si  siman  uga  wada  faa’idaysanayaan  abb  ka   abb)!!.

Danta  dhismaha  dariiqa  isku  xidhaya ( Borama  illaa  Djabuuti ) waa  dan  ay  u  wada  baahi  weyn  u  qabaan  dhamaan  reer  awdal  iyo  guud  ahaan  reer  somaliland  iyo  reer  Djabuuti,  waa  dan  fududeynaysa  isku  socodka  bulsho  weynta  deriska  ah  dhamaan,  waa   dan  kobcinaysan, kor  u  qaadaysa  dhaqaalaha  iyo  heerka  nololosha  ee  ummadahaasi  somaliland, Djabuuti  iyo  ethoipia; ( baaxada  iyo  muhiimada  dantaasi  leedahay   waxa  garawsaday  oo  garwaaqdasay  xisbul  xaakimka  kulmiye,  afka  oo  kaliya  kama  odhane   xataa  waxa  uu  qormo  ahaan  qorshihiisa  ugu  darsaday  5tan  sanno  ee  foolka  ina  soo  saaray  hadii  uu  rabi  guuleyey!!  dantaasi  cida  koowaad  ee  ay  waxtar  u   leedahay   waa  qof  kasta  oo  reer  awdal  ah;  sax  iyo  dheeraad  ama   waajib  waxa  ah  hindisaha  qorshahaasi  in  xisbiga  kulmiye  lagu  ayido  oo  la  isku  bar-bar  taago  ( dhamaan  qof kasta  oo  gobolka  ka  soo  jeeda  ama  raba  in  uu  soo  dego)    si  uu  u  hirgalo  dariiqaasi  5ta  sanno  ee  soosocota  bi’idni   laahi.

 

Buuga  xisbiga   wadani  qorshaha  5ta  sanno  ee  soosocota ( Awdal  iyo  Salal  uguma  taalo  in  uu  irbad  dun  u  galinaayo !! illa  akhriya  mudanayaal,  ma  hafraayo  mana  nusqaaminayo  himilada  xisbiga  wadani , kaliya  danta  reer  dadweynaha  reer  awdal  ayaan  toosha  ku  ifinayaa)  xisbiga  ucidna  hadalkiiba  daa!!.

 

Gunaanad:

 

Musharax  maxamed  cali  waxa  uu  reer  awdal  ugu  yaboohinayaa( qayrkiin  iyo  qayr  xigeenkiinba  ka  hadha )  musharax  c/raxamaan  c/laahi  ismaaciil  saylicina  waxa  uu  reer  awdal  ugu  yeedhayaa ( gaadha  qayrkiin  oo  hiigsada  hirgalinta  himiladiina  iyo  tan  reer  somaliland);  waxa  aan  u  soo  jeedinayaa  Amb. Maxamed  cali  iyo  dhamaan   taageerayaashiisa  reer  awdal  meel  ay  joogaan   ba (  in  ay  iska  casilaan  xisbiga   wadani  oo  ay  isku  casilaan  dantooda,  danta  dadweynaha  reer  awdal  oo  ah   danta   dhismaha  dariiqa  Borama  illaa  Djabuuti  isku  xidhaaya,  dantaasi  oo  haloosigeeda  iyo  hirgalinteeduba  ku  caddahay  qorshaha  waxqabadka  Awdal  5tan sanno  ee  soosocota  oo  uu  xisbiga  kulmiye  balan  qoran  ku  qaaday  bi’idmi laahi;  taasi  oo   dhigiisa  xisbiga  wadani  ka  madhanyahay  waxqabad  qoran  dhanka  Awdal  buul-casna  allaha  ka  yeelee!!;  mudane  amb. Maxamed  iscasilaad  aad  musharaxnimadaada  iyo  xisbiga  wadani  aad  kaga  go’aan  qaadato  waxa  aad  yeeli  kartaa  oo  kaliya  hadii  lexejeclo  iyo  isdaba-qabatayn   wax  uun  kugu  hadheen  oo  aad  u  daneynayso   danta  dadweynaha  reer  awdal;  waxa   aad  markale  isku  casishaa  mudane  amb.maxamed   sababta  aanad  horey  awdal  iyo  reer  awdal  xataa  aanad  irbad   dun  ugu  galinin  danahaaga   gaarka  marka  laga  yimaado, hadii  aaney  lexejeclo  kaa  hayn  oo  jiidh  kuugu  oolin   oo   aanad  dan  iyo  muraad  ka  la  hayn  adiga  iyo  taageerayaashaadu  dariiqa   BORAMA  IYO  DJABUUTI  isku  xidhaya  dhismihiisa  waa  hadaad  fursadaa  foolka  soo  leh  ee  kulmiye  ku  dhiiraday  aad  indhaha  ka  fureysataan  adiga  iyo  taageerayaaduba.

 

Waxa   aan  jeclahay   adiga  iyo  taageerayaashaadu  in  aad  xisbiga  kulmiye  ku  soo  biirtaan,  awdal  oo  dhan  la  mideeyo,  xilkan  ku  xigeenka  ah  ee  joogtada  noqday  si   aaney  jiilka  kacayaayiyi  u  aaminin  ku  xigeen  mooyee  waxkale  uba  gayin ,  taas  waa  muhiim  in  aad   ka   kortaan  dhalinta  hankoodana  ka  korisaan,  waa  muhiim  in  reer  awdal  la  mideeyo, oo  madaxnimo  ay  dhexdooda  kaaleysi  ku  heshiiyaan  isla   meeldhigaan  isla  mar  ahaantaana  u  diyaar  garoobaan;  jeegaan  siyaasadeed  ama  iskaashi   siyaasadeed  ay  la  sameystaan  ( awr-qaad)  reeraha  kale  ee  somaliland  tusaale   ahaan  saddex  haku  noqdaan  reer  awdal  jeegaanka  hada  u  dhexaysan  ( habar  Awal   iyo  Habar  jeclo  oo  reer  awdalna  haku  3dexeeyaan  si  dhanka  kalena  u  abuuranto   jeegaan  lamid  ah   oo  ka  kooban   Arab +  Garxajis  iyo  Harti ;   sidaasna  wadaag  iyo  hab qaybsi  kaaleysi  ah   looga  galo  xillalka  madaxweyne  iyo  ku  xigeen  hab  tallantaali  ah, oo  had   ba  reer  loo  raro,  markaasi  ayuu  tartanku  qurux   yeelanayaa;  qurux  iyo  qaayo  malaha  mana  kordhinayso  in  reer  awdal  la  soo   jiifaan  ku  tartamida  kaligood  xilka  madaxweyne  xigeenka, oo  ay  dhici  karto  in  aan  ku  qiimeeyo  xillkaas ( manxiis  caroos, sababta  uu  manxiis  xillkani  u  yahay  waa  magaca  xukuumada  oo  dhan  waxa  uu  u  dhacayaa  had  ba  qofka  madaxweynaha  ah)  ma  mudna  in  reer  awdal  isugu  uur  xumaadaan, ama  isku  qoonsadaan  ama   ku  kala  fogaadaan, xill  kaasi  gacanta  bidix  ee  guran  ah, waxase   haboon  in  ay  midoobaan  oo  ay  hiigsadaan  iskaashi  siyaasadeed  oo kabaxsan  gobolka  iyada  oo  awdal  ay  dhantahay iyo  hiigsiga  meel  sare).

 

Dr.khadar -Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Regional political analysts

 

Comments are closed