|

Maangaab Wadani Ma laguu Waramay.

MaagaabWadani, Ma laguu waramay
Curadadii Cafaan, Inay Cudud yihiin
Oo ay Wadar ahaan, Talo meel dhigeen
ay ku aarsadaan, Ma laguu waramay?
***
Huunow walaal, Amba habar Cafaan
Yaa ii waramay, Nimankii I wadey
Warba kama hayoo, walaac baajiree
Yaa ii Waramay?
****
Magaabow Wadani, Annaa ku Warami
Oo kuu wadee, Wacad qabe Cirriyo
Wax aan dhaaminbaa, Taladii wacnayd
Ku waydaariyoo, Cidladaa ku wadhay
Ma laguu waramay?
****
Maangaab Wadani, Ma laguu waramay?
Warlaawow anigu, Wadkaagaan ahoo
Inaad wiiqantoo , Udub waheshataan
Wacad aan ku maray, Ma laguu waramay?
***
Maangaab Wadani, Ma laguu waramay?
Wiil laba-afle ah, Waadaame goo
Wax ma qaybsanee, Kulmiyaan Wadnaa
Oo kugu wadhwadhan, Ee Ma laguu Waramay
***
Maangaab Wadani, Ma laguu Waramay
Wiil wacad ka baxay, oo laba waji leh
Wadankaan jeclahay, Maba wadi karee
Kulmiyaan Wadnaa, Ma laguu waramay

Maangaab Wadani , Ma laguu Waramay.

Gud.Naasir Osman Omar.
Gudoomiyaha Kulmiye ee Ottawa.

Comments are closed