|

GAFKA XIRSI KAGALAY GOBOLKA AWDAL

Khudbadihii maalmihii udanbeeyay ay jeedinayeen madaxda xisbiga mucaaradka ah ee WADANI
oo u badnaa kuwo madhan, dadka kahadlayayna ayba u badnaayeen dad faaruq ah– oo micno iyo
wax-lataabankaro  aanba sheegi karin– ayaa waxaa iila yaab iyo amakaag badnaa markii
khudbaddii uu kajeedinayay BORAMA maalinkii
shalay  uu hogaamiye XIRSI XAJI CALI qarsan Kariwaayay
cuqdada iyo xisdiga kabuuxa uurkiisa iyo sida uu reer awdal nacaybka ugu hayo markii uu sheegay
 dadkii aadka utirada badnaa– ee qariyay islamarkaana buuxdhaafiyay khayriyadda borama maalintii
koobaad ee ololaha xisbiga kulmiye, soomaaliduna uqirtay magaalada boorama inay
kamid-tahay magaalooyinka ugu dadka badan guud ahaan gayiga soomaalidu dagto- in dadkaa
laga keenay gobalada kale ee soomaaliland gawaadhina lagu keenay! MICNAHA meesha kujiraayi
waxaa weeyaan reer BOORAMA waa inta usoo baxday xisbiga wadani oo qudha, in kabadanna
suurtagal maaha inay boorame kunooshahay?
XIRSI wuxuu kaloo sheegay in xukuumaddii madaxwayne SIILAANYO garwadeenka ka ahaan,
isaguna  (waa Xirsiye)  qaybin-teeda madaxtooyada ufadhiyay ee reer AWDAL lagu dulmay,
inbadanna lagu bahdilay waxgaradka gobalada AWDAL ay ahayd mid cadaalada,  siwacanna dalka
 wax ugu qabatay.
Hadaba, ninka noocaas ah oo aan kuu ogolyn wixii eebe kusiiyay illeen waa baryay sacabbada
laguma qarin-karee, markuu ahaa wasiirka madax-tooyadana la ogaa siduu wax umaamulay inaad
 usacabisaan codna aad siisaan waxay  ila tahay  isyeelyeel iyo damiir xumo. Waxaad kasugtaanba waa
bahdilaad yo dibin-daabyo dheeraad ah.
Abdillahi Dahir.  Deheeye

Comments are closed