|

Tacsi Marxuun Saalax Xasan Xirsi oo ku geeriyooday dalka Jabuuti

NAALILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJUCUUN

Waxaan ka warhelnay geerida naxdinta leh ee u timid SALAX XASAN XIRSI oo malintii jimcihii bishu ahayd 27-ka october 2017 ku geeriyooday dalka Jabuuti, jidka u dhexeeya caasimada Jabuuti iyo Cali-sabiix oo shil gaadhi ku heley. Alle ha u naxariistee Marxuunku wuxuu ifka kaga tagay afar caruura, ooridiisi Deeqa Ducaale, hooyadii Fadumo Ducaale iyo lix Walaalihiisa(Maxamad; Cabdalle; Safiya; Fadxiya; Xamda iyo Saleebaan).

 

Anigoo ku hadlaaya magaca Hiil-San International iyo magacayga gaarka ah waxaan halkan ka soo gudbinayaa tacsi tiiraanyo leh oo Ururku gaadhsiinaayo Xaaskiisii Deeqa Ducaale; hooyadii Faduumo Ducale; caruurtiisii iyo walaalihii, qaraabadii iyo dhamaan ehelka uu ka baxay Marxuun Salax Xasan Xirsi oo loo yaqaanay Xaamud.

 

Dhamaan xubnaha Hiil-San International waxay Marxuunka Saalax Xasan Xirsi Rabigeena uga baryayna inuu Janatal-farduusa ka waraabiyo dambigiisiina xasanaad ugu badalo, inta ka hadhay iyo ehelka ideylkiina waxaan leenahay Ilaahay samir iyo iimaan buuxa haku hagoogo isagaa Qafuuro Raxiimee.

 

Ilaahay ha u naxariistee, Salax Xasan Xirsi wuxuu ahaa sarkaal sare oo agaasime ka ah laanta Cali-Sabiix ee Baanka ugu weyn dalka Jabuuti oo uu shaqaale ka ahaa muddo dhan 35 sanno. Wuxuu ahaa shaqsi dabeecad macaan oo intii taqaanay marnaba ka xiiso goynayn. Wuxuu ahaa shaqsi dalka Jabuuti caan ku ah, axsaabtiisuna aad u badantahay, jeclaana inuu dadka u gargaaro oo wax qabadkiisu ahaa mid jacayl aadaminimo ku dheehan tahay.

Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu maqam sare ku soo dhaweeyo marxuun Salax Xasan Xirsi, dhamaanteena samir iyo iimaan buuxa Rabigeen inaga siiyo. Aamiin

 

Ali H Hersi (Chair)

Comments are closed