|

TACSI Ku Socota Reer Daauud Ibraahin Xuseen

Hiilsan International Rural

Development Organisation

2-128 Woodridge Crescent

Ottawa (ON) K2B 7S9

Canada

www.hiilsan.org

info@jiilsan.org

INAALI LAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN

OTTAWA, ON, September 30, 2017–  Waxaa magaalada Jigjiga ku geeriyoodey Allah ha u naxariistee Daauud Ibrahim Xuseen  maalintii Jimcaha ahayd (September 29, 2017). Geeridaa naxdinta leh oo gilgishay dhamaan xubnaha Ururka Hii-San International Rural development Organisation, ayaa ah mid ku habsatay dhamaan xubnaha Ururka gaar ahaan Cali Dauud Ibrahim oo ka mid ah Gudiga Fulinta Ururka.

Ururka Hii-San International Rural Development Organisation wuxuu tacsi tiiraanyo leh u gudbinayaa Dhamaan reer Daauud Ibrahim oo aabahood Xaqii Eebe ku yimid. Waxaan Marxuunka Ilaahay uga baryaynaa inuu Janatal-Farduussa ka waraabiyo isla markaana Samir iyo iimaan buuxa ku hagoogo dhamaan Reer Daauud Ibrahim gaar ahaan Cali Daauud oo Gudiga Fulinta Ururka ka tirsan.

Waxaan hoosta ka xariiqaynaa inaan Reer Daauud Ibrahim Xuseen iyo Reer Cawale Xuseen la qaybsanayno tiiraanyada geerida anagoo si buuxda ula qaybsanayna murugada ay sobobtay dhacdadan xaqa ah oo dhamaanteen aan dhandhamin doono. Ilaahay samir buuxa ha idinka siiyo Aabihiin waxaanan Raxmaanka ka baryaynaa inuu dambigiisii ugu badalo xasanaad isagaa Qafuura-Raxiimee. Amiin.

Marxuunku oo 95 jir ahaa wuxuu ifka kaga tagay ooridiisii hooyo Amina Ciise, 5 wiil iyo 3  hablood iyo 46 qof oo ay sii dhaleen oo laftoodu dad badan sii dhaley.

Alle ha u naxariistee Marxuunku wuxuu ahaa Muumin caan ka ah madaqada Geeska Africa gaar ahaan Ittobiya Muqdisho iyo Awdal.

 

Jama Osman Geele

 

President & CEO

Comments are closed