|

Si  la  inoo  aqoonsado  3 dan  Sababood  Somaliland  haku  dhiirato  ku  dhawaaqida   aqoonsiga  Kurdistan  iyo  Catalonia  !! Dr.khadar-

Inkastoo    wanaaguba   ku  jiro

Waxaad     shar     moodayso

Xaqaan   waabashada    aqoone’

Wadaa    kuu  furan  kaa   xidhnayd   wiigagii  hore

 

Ku  dhawaan  30  ka  hor   maanta   oo   kale  1884  shirkii   barlin  ee  isticmaarka   reer  urub  ku  arinsaday   sidii  ay   dunida   inteeda  kale   u  qaybtami  la  haayeen;  qaybtankaasi   oo  ay  uga  golahaayeen   danahooda   khaaska  ah   ee  dhinacyada  badnaa,  talladii  sabankaasi   u  taaba  gashay   waa   ta  maanta  u  horseeday  reer  urub   in  ay  ku  tanaadaan   ku  sugnaashiyaha   hormuudnimada   wajiga   dhulka  iyo  basharkaba  dhan   siyaasadeed,  cilmi  iyo  tiknoolajiyada,  dhaqaalaha  iyo  dhiska  dhanwalba  leh  oo  xaalkoodu   noqday  (  tallo   mar  kuu   toostaa   baryo  damba  aad  ku  tamarisaa )  xataa  ay  gaadheen  heer   bini Aadamka  kale  oo  dhami   inta  ay   toodii  ka  tageen  iyo   iyaga   la  gudaydo  oo  la  hiigsado  dhan  walba ( xumo  iyo  same  intaba ).

 

Qorshayaasha  muuqda  ee  shikaa  ka  soo  baxay  waxa  ugu  xusid  mudnaa  (  sameynta   xuduudaha  oo  sumad  u  ahaa  inta  gumeyste  kastaba  astaan  u  ah  oo  ay  ku  dheehnayd  siyaasado  guracan  oo   aan  dan  u  aheyn  afrika  iyo  eeshiya  toona  ,  ayaan  darada  ugu  weyni  wuxu  ku  dhacay  degaladii  ay  yaaleen  dunida  muslimka   ku  abtirsada,  sababtuna  aheyd  meel  kasta  oo  uu  rabo   gumeystuhu  in  uu  qabsado  intaanu  maamul   u  sameynin  waxa  ceelalyo  iyo  sahan  u  qaabil  sanaa  MISSIONAREIS  diin  fidiyayaashooda  oo  marka  ay  degalada  muslimka  joogaana   rag  muslim  ah   isu  eekaysiin   jiray,  meelaha  aan  muslimka  shaqo  ku  lahayna   shaqadooda  cadeysan  jiray,  somaliland  diin  fidiyayaasha  inoo  yimi  ee  ingiriiska  sahanka  u  ahaa  waxa  ugu  door  roonaa  RICHARD  BERTAN-  SHEEKH  CABDALE  ku  matali  jiray  fadhigiisuna  ahaa  magaalada  saylac  38  sanno,  ujeedadoodu   aheyd  in  ay  ku  ciyaaraan  2 dan  kaadh  mid  kood ( GOBEYN  iyo  GUMEYN) hab  maamul,   dhulka  ay  qabsadeen  meelaha   raad  maamul  muslin  ah  ka  jiray   isla  markaana   ka  dhashay  hogaamiye  muslim  ah   oo  gaalada  horey  u  liciifiyey   haduu  jiro ,   waxa  uga  meel  yaalay  in   ay  gumeeyaan  sida  ( Saylac  oo  kulansatay  horey  in  ay  u  aheyd  boqortooyo  muslim  ah   oo  ku  darsatay  in  uu  ka   dhashay  xukumay  boqortooyadaasi  hogaamiye  AXMED  IBRAAHIM  GEESAALE- Axmed-gurey,  oo  xabashida  oo  haysata  tiinta  kiristaanka  oo  boholo  iyo  laaley  ka  riday  xabashidii ,  fogeeyey  oo  ku  kalifay  in  ay   cunaan  hilib  ka  qaydhiin,  yoolkii  gumeynta  inagoo  diirada  ku  hayna  (maanta  saylac   iyo  dadkii   sabankaa   qiimaha  lahaa  waa   sidee?  Ingiriisku  miyuu  gumeeyey   mise  gumeeyey ? gumeystuhu  isagoo  u  aaraya   mabda’  diintiisa  kiristaan  iyo  dadkii  haystay  ee  xabashida  ahaa  ee  uu  axmed  gurey  haligay  cawaaqibkeedii  wuxu  noqday   dadkii   reer  saylac  ahaa   waxa  uu  u  qaybiyey  sadex  dal   in  uu  aasaas  uga  dhigo  degmada  Borama  iyo  in  Jabuuti  iyo  itoobiya  u  kala  yaacda , isagoo  uga   gol  leh   duminta  saylac  oo   lagu   qoonsaday   taliskii   muslimka  ahaa   ee  ka  dhisnaa   gayigaasi   iyo   geesigii   ka  dhashay  ee   axmed   gurey   ee   huqda  u  gaystay   dadkii  iyo  diintii  kiristaanka   aheyd  ee  ay   aaminsanaayeen    waa    sababta   saylac  iyo  ehelkeedii  iyo  taariikhdoodiiba   uu  hoos   ugu   dhigay   gumeysigu  !!!).

 

Kurdistan  waxa  ku  nool  qoomiyad  aan   isir  ahaan    carab  aheyn,  muslim  ah, waxa   ka  dhashay  geesigii   weynaa   ee  (  SALAAXU  DIIN  AL  AYUUBI  ee  Baytul  maqdas  furtay  mar  labaad  kii   )  markii  uu  gumeystaha   ingiriis   qabsaday  dagalkaasi,  mudo  uu  ka  baaraadegay ,  darsay   dadka  kurdiga  ah    ee  muslimka  ah   hadimooyinka  ay   soo  gaadhsiiyeen   dadka  iyo  diinta   kiristaan  ka,   waxa  u  soo   baxday  gumeystihii  in  uu  ka   aar  goosto   doorkaa   iyada  ah,  illeyn  dunidaa  iska  ayaan  ba  ayaan  ah,  sida  ay  u  taalo  e’ ,   xuduud  maamuleedkii  uu  sameeyey  ayuu  ku  wiiqay   qoomiyadii  kurdiga  aheyd,  oo  uu   ku  qaybiyey ( iran, turkey iyo ciraaq)  sidaasay   ku  laasimeen  nolosha  cusub  ee  casriga   gumeysta  ka  abuurantay  in  qoomiyadaasi  noqdaan   dad  aan  qiima  badan  iyo  muuqaal  maamul   dawliya  oo  tamar  gal  ah  la  hayn.

 

Dawladaha  kurdistan  iyo  catalonia  somaliland  ha  aqoonsato  sababahan  dartood :

 

Dayax  gacmeed   ka  marka  la  gano  qarax  ayuu  sameeyaa,  mudo  samada  marka  uu  u  sii  baxaba  si  uu  tamartiisa   iyo  xawaarihiisa  u   sii  kordhiyo  qarax  kale  ayuu  sameeyaa ,  qarni  iyo  dheeraad  ayaa  laga  joogaa  xuduudihii  hore  ee  uu  dawladnimo  u  dhisay , aqoonsaday  gumeystihii  reer  yurub   ee  ay  la  macaasheen,  waxa   muuqata  ifafaale  hore  leh   isla  qarnigan  cusub  horaantiisa  oo  odhanaya  aqoonsiga   maamulo  cusub  si  ay  u  noqdaan   dawlado  buuxa,  oo  ay  ugu  horeyso  DAWLADA  KURDISTAN  IYO  CATALONIA  oo  aan  rajeynayo  in  DAWLADA  SOMALILAND  ay  ku  xigto .

 

Dawlada  kurdustan  sida  aynu   woqooyi  u  naalno  ayey   kurdistan  waqooyiga  ciraaq  ku  taalaa,  toddobaadkan  dhamaaday  badhtan  kiisii  ayey  baarlamanka  dawlad  goboleedka  kurdistan  92%  u  codeeyeen  madaxbanaani  buuxda  in  ay  ciraaq  ka  qaataan , carabtu  may  aqoonsan  iyo  dunida  inteeda  kale  oo  ay  taa  la  wadaagto  dawlada  somaliland  aqoonsi  la’anta,  hayeeshee  waxa  jira  dawlado  badan  oo  reer  galbeedkii  horeyba  u  aasay  oo  cadhadii   salaaxu  dii  ka  ba’day  oo  raba  in  dal  buuxa  oo  ay  la  macaashaan  noqoto   kurdistan,  sababtuna  tahay  keydka  shidaal   ee  ay  haystaan  iyo  ceelasha  ku  yaale  hada  iyo  sida  ay  nabadgalyadooda  u  xafideen  dartood,  hadii  dawlada   somaliland  ku  dhawaaqdo  in  ay   aqoonsatay  dawlada  cusub  ee  kurdiga  oo  u  qalanta  aqoonsi,  waa  hubaal  in  somaliland  magac , manfac  iyo  xulufo  ba  u  soo  kordhayaan  somaliland  oo  ay  ka  helayaan   kurdistaan  lafteeda  iyo   daneeya  yaasha   dahsoon  ee   reer  galbeedka  iyo    israel   ee   raba   in   kurdistan  noqoto   dawlad  buuxda.

 

hadii  ay  somaliland  aqoonsato  kurdistan  iyo  catalonia  oo  labadaba   xaalada  hooda  aqoonsi   raadis   maalimahan   aad   u   ooganyihiin,  somaliland  lafteedu  ku  dhawaaqdo  in  ay  2daba  u  aqoonsatay  wadamo  madax  banaan,  somaliland  waxa  ay  helaysaa   libinta  ah  in  ay   aad  u  soo  jiidato  indhaha  beesha  caalamka  ee  somaliland  hagraday  oo  ay  u  aqoonsadaan  dal  iyo  dad   la  jecel   madaxbanaanida   ay  raadinayaan   umadaha  kale  ee  raadinaya  xuquuqda  aynu  inaguba  tabayno    dareen  kaasina  sabab  u  noqdo  in   ( somaliland , kurdistan  iyo  catalonia  intaba    qaraar  meel  mar   ah   dunidu  ka  qaadato  oo  aqoonsi  ah ).

 

Murti  baa  ah ( be  a  reflection  to  what  you  want ) somaliland  waxa  ay  rabtaa   aqoonsi  caalamiya !!  sax  waxa  ah  somaliland  lafteeda  haka  yimaado  aqoonsigu  ugu  horeyn  oo  iyadu  ha  bilowdo  taas,  aqoonsiga   kurdistan  iyo  catalonia   haka  bilowdo  si  la  inoo  aqoonsado  inagana!!.

 

Baaq  iyo   dhambaal  dunida  inteeda  kale   u  dirnaayi  culeyskiisa  ayuu  leeyahay  oo  waliba   ku   fariimaysan  ka  hadalka  taageerada  xuquuqda  ummad  ka  baxsan  xuduuda  somaliland;  hayeeshee   bilow  iyo  cusayb  inagu  ma’ah  oo  waatii  madaxtooyada  somaliland  bil  ka  hor  qaramada  midoobay  iyo  dunida  inteeda  kale  kula   hadlaysay  baaq  cod  dheer  siday  ( baroor  diiq,  taageero  iyo  isgarabtaagid  signal  muujinayey  in  aynu  ka  xunnahay  oo  barbar  taaganayahay, qoomiyada  isir  sifeynta  lagu   hayo  ee  dhulkoodii  laga  barakiciyey   ee  rihiingaha  qaarada  aasiya)  

 

Dhambaalkaasi  culeys  weyn  buu  la  haa  marka  loo   eego  fariinta  uu  siday  iyo  aragtida   guud  ee  reer  galbeedka  iyo  sida  ay  uga  gaabsadeen  wadamadii  dunida  muslimka  oo  idil  marka  laga  reebo  dawlada  turkiga,  inagoo  ka  tusaale   qaadaneyna   dhambaalkaasi  hore  ee  culeyskiisa  la  haa  wax  inoo  diidayaa  ma  mirto  in  aynu  ku   dhiirano  aqoonsiga   kurdistan  iyo  catalonia   ee  aynu  isku  duruufta  nahay ,  waliba  kurdustan  calankeeda  iyo  calanka   somaliland  wey  isku  eegyihiin  dhanka  midabbada  uu  ka  kooban  yahay ee ( casaanka, cagaarka  iyo  cadaanka,  kaliya  halka  inaga  xidigta  madaw  ah  ayaa  iyaga  qorax  ah ).

 

Markale   dawlada  somaliland  waxa  aan  u  soo  jeedinayaa  aniga  oo  dareensan  wanaag  ay  inoo  soo  jiido  moo  yee  in   aan   waxba  inagaga  wiiqmayn, in  dhamaal   aqoonsi  ah  loo  diro   dawladahaasi   reer  galbeedku  dabada  ka  riixayaan  in  aynu   ( tis  u  ridano   ama  wadheena  u  ridano,  waxay  somalidu   odhan  jirtay  : hadaad   aragto   ama  u  timaado  reer  la   oodaayo    oo  hada  soo  dagay   tis  baa  loo  ritaa!!)  .

 

Gebogebo :

 

Hadii   dadaalka   dawladnimo   iyo  wax  tarkiisu  tahli  kariyaayo  in  uu  dalka  gaadhi  kariwaayo;  waa   mahuraan  in  dhulkii  maamulka  iyo   boqortooyada  ADAL  ka  oognaan  jirtay   ee   uu  gumeeyey  gumeystuhu  sababta  maamul  diinaya  oo  ka  dhisnaa, dhulkaas  oo  maanta  uu  ka  sii noolyahay  magaca  AWDAL  in  markale    uu  siraadmo;  hab  maamul  (dawlad  goboleed  ka  mid  ah  somaliland,  ujeedadeeduna  tahay  kor  u  qaadida  nolosha  dadka  iyo  deegaankaasi  oo  muwadiniinta  reer  somaliland  ku  qalooneynin  gees  ay  tahayba  si  ay  somaliland  ugu  soo  korodho   maamul  daadajin,  dhaqaale   laxaad  leh   iyo  nolosha  ummada  oo  kor  u  kacda.

 

Dr.khadar -Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Regional political analysts

 

Comments are closed