|

Kow iyo toban istraatijiyadood ee kulmiye ku soo caano maaley  

Daraasad yar oo dhawaan la sameeyey laguna eegayeey siyaasada kulmiye ay wax ku soo hogaamineysay yaa waxa lagu ogaadey dhawr arrimood oo ahaa mid habeysan oo u hawlgala sidii loo qorsheeyey

1.     La dhaqanka qabaailka darifyadda:In uu dadaal badan u galo, xaqiijiyana sidii qabaailada darifyadu loogu magacaabi lahaa ama laga soo xuli lahaa dad misaankooda siyaaasadeed ama garasho aad u hooseeyo oo iska ah garab-rarato ama niman iska barakeysan ah. Arrintaasna guul weyn buu xisbigani ka gaadhey. Bari illaa galbeed waxa uu ka soo dabrey dadkii ahaa yoolkiisa siyaasadeed. Tageero buuxda mooye wax critics ah ama caadh-awrnimo ah laguma yaqaan.

2.     In si fiican ula macaamasho, danahoodana fuliyaan ganacsatada waaweyn: sheekadan ganacsatadaa waa tan ugu muhiimsan waayo waxay xisbbiga u ogolaatey in uu wax gato, dad iyo duunyaba. Ganacsatadaas oo ay ku jiraan kuwa wadanada jaarka degan dhamaantood si buuxda yaa loo soo xero-galiyey. Daraasada la sameeyey waxay ogaatey in ay ganacsatadii ay welli leeyihiin waar kulmiye into joogey baan si fiican u macaashney ee waan iskala joogeynaa waan saareynaa kursiga muruq iyo maalba.

3.     In uuku asqeeyo bulshada mashaariic aan majaro lahayn: qawda-maqashii ah, qiiro lagu asley, oo marnaba aan qaan gaadhin. Istratijiyadani muddo ayey si fiican u shaqeysan oo ay ku guuleysteen in dadkuu jidboodo……….oo ay ku heesaan culimadu digriga ma daayaaneeey, culimadu digri ma daayaaneeeey, waar culimadu ma daaayaaaneeey!! Mashaariicdaas waxa laga dhigey degmo walba, tuullo walba, looma aabayeeley tayo iyo dhaxal-gal mid toona ee waa ha socoto. Illaa maanta dadweynaha qaar baa ku hadaaqaya waar kulmiye waxa badan buu qabtey mana oga in ay mar hore duugoobeen.

4.     In uu hanto dadkan loogu yeedho qurbo-jooga: oo gacan fiican ay ka helaan. Istratigiyadu waxay ahayd in yar yarka meelahaas ku dhashey ama ku soo korey ee afka ingiriiska si wacan u yaqaan la adeegsado oo ay la qaxweeyaan dawladaha hoose ee magaalooyinka ama tuulooyinka ingiriiska ama Swedan ama dalal kaleba. Arintani kuma ay qotomin ictiraaf raadis ee waxay u janjeedhay keliya in durmaanku meelahaas calamka ah ka sanqadho.

5.     In lagu goobto ama sida abeydinka loo dhawro golaha loo yaqaan golaha guurtida.Istaraatijiyadani si fiican bay ugu shaqeysay, hase yeeshee ma ay ahayn mid hufan ee waxa asqeeyey musuq, qaraabo-kiil iyo xatooyo badan. Golahani dhaqan ahaan bey bulshadu isaga dhawreysey oo inta badan ay islahaayeen odayada gadhcastu wey indiin habaarayaan. Qaar kalena u arkayeen waa golohii badbaadada ee ha iska cantoobtaan. Golahani waa golahii go’aan kasta xaq iyo dulmiba ku taageeri jirey xisbigan kulmiye.

6.        Dallicinta tuulooyinka (upgrading to districts): Ka hor xisbigan arrinku beelahaan buu ku saleynaa hase yeeshee waa la iska la tegy oo aradaayo iyo kooxo bey ku adeegsataa. Dad looma eego, duunyo looma eego, daaqsin looma eego ee xukuumadu wixii durmaan tumey ee doonaya qolqol gaaar u ah way raali –geelisaa waxaynu kula talisaa waar bal soo eegta buur meelahaas ku taal oo aan cid kale sheegan. Waxa dad is weydiiyaan waar waxaas oo degmooyin ah yaa dakhli u hayo loogu dhiso maamul

 

7.     Ka qeybgalka qallin jabinta dugsiyada: Dugsi quraan illaa jaamacadaha dabarka furtey si wacan bey xukuumadu isku tustaa oo ay ugu diraan madaxda inta badan kuwa maqaarka ah ka qeybgalka fursadaha furitaaan dugsi ama qallin-jabin. Istratijiyadan oo ah mid qiiq isku qarin ah in badan baa dadka rumeysaneysa oo leh waar xukuumadu cilmigii iyo waxbarashadii kor bey u qaadey. Istratijiyadan si weyn buu dalku ugu hoogey. Waxa la odhan doonaa ayax teg eelna reeb. Hal malyan oo wada engineer ah, dhakhaatiir ah, siyaasiin ah, garyaqaan ah, mufti ah, duuliyayaal ah, maareeyayaal ah, dhaqaaleyahan ah.

 

8.     Isku shaandeynta dawladda ee joogtada ah: daraasadu waxay daaha ka qaadey in ay saddex jeer ka badan tahay heer beega dunida loo cayimey in ay dawladi sameyso shaandheyn. Istraatijiyani waxay daraasadu barbardhigtey ama ku sifeysey geel-jire wadaaanta u haya hormo geel ah oo kolba dhawr halaaad la waraabinaayo. Isku shaandheynta inta badan wax aka dambeeya haddii xukuumadda si xoog leh oo mararka qaarkood hubeysan loogu hanjabo…………waxana caam ku ah kunna ceesha nimanka daarood ee shanta lugood leh oo midiba ay meel taallo

9.     Ciidanka RRUda loo yaqaan ama xakameynta degdega ah: Istratijiyadan waxay ka mid tahay kuwa cabudhinta dadban ama u turuqsheegashada bulshada ee, ahna nidaamka gacanta birta ah ee dadban. Ciidankani si fiican baa loo mirqaamiyey, indhahaa wada cas, waa buti-wadh-leh, xabadu ma karto, ilbidhiqsi bey ku gaadhaan meesha loo dan leeyahay.

 

10.  Gacan ku-heynta xeer-ilaalinta iyo maxkamada sare: Xisbigana sida daraasadu cadeysey wax badan bey ku soo macaasheen gacanku heynta kooxaha ama golaha fulinta sharciga. Waxa la ogyahay in maamulkani si cad ugu diidey in maxkamadu ay xor noqoto, ilaa heer hoose oo xataa qaadigu markuu labo isku meherinaayo la tashi buuxa la sameeyo.

 

11.  Heshiis lagalka  dibada: daraasadu waxay heshay ujeedooyinkii laga lahaa heshiisyo badan ay ka mid yihiin kan Imaaraadka, kuwo shidaal, ku dalxiis iyo qaar kale oo yar yar. Wey shaqeysey istratijiyadani oo dad badan baa illaa hada aaminsan in dawladu ay aduunka soo jiidatey………….waana sirta ka dambeysey hawlgalkaas ama aragtidaas ku saabsan dibadda. Dhinaca dhaqaalaha, si fiican ummadu waxba uga oga loomana saafsaafin waxa hanti eek a soo galay heshiiyadani.

 

12.  Saxaafadda iyo la dhaqankeeda: daraasadu waxay arrinkan ka fiirisey dhawr docood: intee ayay xor tahay saxaafadu? Intee ay qodantahay farogelinta dawladda, Intee wariye ayaa lagu xidhey shaqadiisa asagoo gudanyaa. Waxay daraasadu ogaaatey in marka loo eego heerbeega caalamiga ay dawladani in afar jeer ka badan ay talax tegtey saxaafada.

La soco qeybta labaad! A.O.A

Comments are closed