|

Bayaan Kasoo Baxay Hogaanka Qurba Joogta Beesha Muusafiin: Qalalaasaha Boorama Ka Aloosan

baaqOct 1, 2017 Boorama (Cadceed) – Taariikhdu markey ahayd September 27, 2017, abaaro 7:30 aroornimo, ayaa mar qudha la maqley rasaas ka dhacaysa xaafad magaalada Boorama ka mid ah. Waxa xusid mudan in ilaa dagaalladii sokeeye aaney dhacda noocan ihi soo marin magaalada.

Sida markii danbe la ogaadey, ciidamo booliis lagu sheegey ayaa weerar hubeysan kula waaberiistey qoys aad looga yaqaan gayiga; waa reer Xaaji Cabdillahi Xuseen (Dabshid). Waxa argagixiso loo geystey xamastii naawileysey iney nabad ku waaberiistaan. Waxa si ula kac ah loo toogtey qof kasta oo dhaqaaqey guriga gudihiisa iyo hareerihiisaba. Waxa eega dhakhtarka lagu baxnaaninayaa laba (2) shicib ah oo askarta duullaanka ahayd ee uu soo direy ninka lagu sheegey taliyaha qaybta booliiska ay toogasho u geysteen.

 

Haddaba, annaga oo ah qurba joogta beelweynta Muusafiin, waxan: 

 

  1. Dhaleecayneynaa weerarkaa waxshinimada leh ee lagula kacay shicibka gurigoodii joogay. 
  2. Waxan xukuumadda ugu baaqeynaa in gacan ku dhiiglahaa amrey weerarkaa hubeysan, isagoo dano siyaasadeed iyo xaalad abuur doorashada ku lug leh ka lahaa, in sida ugu dhakhsiyaha badan gobolka looga bedelo.
  3. Shirkii jaraa’id ee ay qabteen taliyaha qaybta booliiska iyo duqa magaalada Borama, oo isagu u muuqdey nin la isticmaalaayey, ay ahayd fitno hurin, si danbiga uu galey ninka taliyaha booliiska loola wadaago.
  4. Waxan ayideynaa in wixii murumo ah ee ku saabsan dhulka la isku haysto ay maxkamadaha iyo haya’adaha xeer ilaalintu shaqada kaga haboon ka gutaan.
  5. Waxan ku baaqeynaa nabad ku wada noolaashaha dadka aan is hureynin, wixii is maan dhaaf ah ee yimaadana hay’adaha xeer ilaalinta ama xeer dhaqankii soo jireenka ahaa lagu kala xaliyo.
  6. Ugu danbeyn, waxaan xukuumada u soo jeedinaynaa in wixii khasaara ka dhashay hawl galkaa gar darrada ahaa, sida hantida la burburiyey iyo dhaawaca dadka shicibka ahba, ay mag dhow ka bixiso, maadaama la adeegsaday booliskii dalka

 

Allah baa mahad leh

Qurba Joogta Beesha Muusafiin

MuusafiinQ@gmail.com

Comments are closed