|

Bal dayaay Ayaamuhu Isku Derojo Maahee. Qalinkii: Cabdi Yuusuf

Sida ka muuqata ciwaanka mawduucan waxa aan soo qaatay hees ay wada qaadaan Maxamed Mooge Liibaan iyo Shankaroon Axmed Sagal kana mid ahayd riwaayadii Aqoon iyo Afgarad oo uu midhaheeda iska lahaa Maxamed Warsame Hadraawi, laxankana uu saaray hadaanan qaldanayn Cabdirakiin Jiir, riwaayadaasi oo ay ku jireen Abwaanada kala ah: 1. Hadraawi,2. AHUGaarriye,3. Siciid Saalax Axmed, iyo 4. Muuse Cabdi Oo dhamaantood ka mid ahaa kulliyadii waxbarashada ee lafoole, sida uu hadraawi dhawr jeer sheegay.

n

Haddaan intaynaan u daadegin midhaha heestaasi aynu eegno taariikh ma guurto ah iyo taarikh cusub oo la kowsatay horumarka iyo heerka ay gaadhay Somaliland oo fure u noqon karta qaran la jaan qaada beesha caalamka oo buuxiya kaalintii looga baahnaa qaran u gudbay duni kale oo la talaabsaday waddamo qarniyo soo jiray, waxaana hubaal ah inay Somaliland u dareerayso 21-Oct-2017ka Ololaha doorashadii Madaxtooyada oo ay u tartamayaan saddex Xisbi qaran oo kala ah Kulmiye, Waddani iyo Ucid. Iyadoo codkii guusha ka raadinaya dadweynaha reer Somaliland maalintaasi waxay si weyn uga duwan tahay 21-October 1969kii oo in qilaab hubaysan oo ciidamadii militeriga Soomaaliya taladii la wareegeen waxaanay ahayd maalin murugo u ah dadweynihii ku noolaa gudaha Soomaaliya iyo dibedba sababtoo ah waxa loo fadhiyey tacsidii madaxweynihii la dilay ee Cabdirashiid Cali Sharmaake oo 13 ilaa 15 1969, wuxuu socdaalo ku galaa bixiyey goboladii la isku odhan jiray waqooyi galbeed  Soomaaliya.

 

Madaxweyne cabdirashiid cali sharmaake oo horena u ahaa ra’isal wasaarihii dawladii Aadan Cadde wuxuu ahaa qof qiimayn iyo qadarin ku leh dadka aadna looga qadarin jiray gobolada waqooyi, ka dib markii uu dhamaystay safarkii gobolada waqooyi waxa uu 15-October-1969 ka dhoofay ama ka duulay garoonka Hargeysa Airport, waxaanu u jihaystay dhinaca Muqdisho. balse si lama filaan ah ayuu uga degay Madaxweynuhu magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ilaa imikana intaynu ognahay lama oga qorshe cad oo ay ka lahaayeen isaga iyo qolyihii markaasi u qaabilsanaa mabmaamuuska (protocol) u hayey sababta ay ugu degeen ama ay ka lahaayeen Laascaanood safarkaasi ay ku tageen.

 

Waxa la tuhunsan yahay in madaxweynaha ciidankiisi amniga iyo saraakiishii habmaamuusku inay xog badan oo arrintaa ku saabsan ay hayeen, laakiin aan la faafin, balse AHU Cabdirashiid Cali Sharmaake waxa la dilay abaaro saddexdii galabnimo taariikhdu markay ahayd 15kii-October-1969, waxaana dilay nin dhagar qabe ah kana tirsanaa ciidanka amniga Soomaaliya, wakhti yar ka hor uuna laascaanood loo sii bedelay intaanu madaxweynuhu soo gaadhin.

 

Madaxweyne la khaarajiyaa may ahayn dhaqan Soomaaliyeed iyo mid Afkikaan, balse waa dhacdo xun oo ku suntan saraakiishii ciidankii amniga ee dawladdii Soomaaliyeed ee wakhtigaasi.

 

Maydkii Madaxweynaha waxa isla wakhtigaasi loo qaaday magaalada muqdisho halkaas oo aas qaran loogu sameeyey. Dhacdadaa foosha xun ee dadka soomaaliyeed aad uga murugaysnaayeen tacsina lagu jiray ayaa waxa looma fadhi noqotay markii ay ciidamadii qalabka siday ee Soomaaliyeed ay Afganbiyeen dawladdii shacbiga ahayd ee dadweynuhu soo doorteen intay xeryahoodii ka soo dareereen.

 

Askartaa xukunka afduubatay oo uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre waxay ku dhawaaqeen inay dastuurkii dalka ay lab-laabeen, barlamaankiina ay kala direen oo ay albaabada u xidheen, asxabtii qarankana la kala diray. Dhacdadaasi waxay marlabaad daboolka saartay dilkii Madaxweynaha iyo baadhitaankii sheegashada dembiga (criminal mentions), kiiskiina sidaasi ayuu ku xidhmay isagoon la marin dariiqiisi sharciga ahaa waxaana lagu koobay uun in loo dilo ninkii dhagarta galay, iyadoo lagu marin habaabinayey casaabadii dilka ku lugta lahayd.Haddaba aynu u soo noqono 21-oct-2017 xigmada aynu ka leenahay waa cadceed taariikh ah oo u soo baxday dadka reer Somaliland oo ay taariikhdu ku abaalmarinayso soo noolaynta dimu-quraadiyada tartan xor iyo xalaala maalintaasi qiimaha ay ku leedahay Somaliland nin raggina wuu garanayaa doqona loo sheegi maayo.

 

Hadaba aynu iswaydiino maxaa gobolada koonfureed ka dhacaya maalintaa, bal aynu eegno, waxa taariikhdu ay qori doonto. Madaama ay somaliland isu diyaarinayso xor iyo xalaal ah.

 

Shacbiga Somalilandna waxa la gudboon oo ay tahay inay dareensanaadaan in taariikhdu qori doonto waxa ay qarankooda gudoonsiiyaan iyagoo isku dhan asxaab qaran iyo shacbi weynaba, waana mid beesha caalamku ku eegayso indho dheeraada Soomaalida kalena ay il qaloocda oon farxad iyo naxariistoona lahayni ay hoosta ka eegayso madaama ay yihiin kuwo Somalilandnimadu damqayso oo ka xun jiritaanka Qarankan Jamhuuriyadda Somaliland ee mudada 27ka Sanno ku istaagay cagihiisa kuna talaabsaday horumar iyo dimu-quraadiyad taabo gashay oo ka soo gudubtay jalaafooyin iyo hagardaamo lala daba socday muddo dheer balse maalinba maalinta ka sii danbaysay sii aasanaya baroosinka qarannimo.

 

Dardaaranka ugu danbeeya ee aan u dirayo shacbiguna waxa uu noqonayaa in meel looga soo wada jeesto cadawga Somaliland weliba inooga isu dhan oo hal qaran ah balse aan ahayn saddex xisbi qaran oo ay ka dhaxayso xafiltan iyo loollan balse aanay ahayn cadaawad iyo wax lagu kala tegayo, kana dhaxayso dal jacayl iyo muwaadinimo xeel dheer oo gunta u fadhida qof iyo xisbiba.

 

Heestani waxa aan uga dan leeyahay uun in Alle Hoggaanka inoogu dhiibo kii dani ugu jirto qarankan

 

Jidhku wuxuu dubaaxshaa Damqadaa halbowluu

Xididadu darooraan Ama dhiiga daadshaan

Afku hadalka daayaa Dibnihiisa haystaa

Doqontaa nasiib lihi Marka ay ku dooxdee

Birta kaala daashee Kugu celiso daabkee

Waxay doodi furantahay Ruux kuu daraan jiray

Marka aad ku digatee Xaqu kuu duleeyee

 

 

Alahayow nin daacada Allahayow nin daalina

Deeqdaada haw simin

 

Iyadoo la degayoo Caradii la duuboo

Degelkii la taagay Dadku caafimaadoo

Rabigay daweeyoo Dambar laga waraabshoo

Dedkii layga qaadoo Dabku ii iftiimay

Indhihii dilaacay Laga furay daboolkoo

Doogiyo barwaaqada Farxad daawanaayee

Bal dayaay ayaamuhu Isku darajo maahee

 

Alahayow nin daacada Allahayow nin daalina

Deeqdaada haw simin

 

Deeqaay wanaageey Dawo caafimaadeey

Hantidii dadkaygaay Dhaxalkii dalkaygaay

Dhaxantiyo daruuraha Dadab laga galaayeey

Dayax iyo cadceedeey Dabka lagu hirtaayeey

Duco qabi ka xeeldheer Dabinkiyo Maleegtee

Digarogashadaadana Degdeg laygu keenayoo

Aniguba daraadaa Waan soo dabaashee

 

Allahayow nin daacada Allahayow nin daalina

Deeqdaada haw simin

 

Dantu wada jirguud bay Dayac kaga fogaataa

Karti iyo dadaalbaa Gobonimo daryeeshee

Dadku wuxuu ka maalaa Kolba siduu u daajee

Ma dabaal degaygiyo Caawa dadab galkaygaa

Dumarkiyo caruuruu Igu diirsadeenoo

Doogiyo barwaaqada Farxad daawanaayee

Bal dayaay ayaamuhu Isku darajo maahee

 

Alahayow nin daacada Alahayow nin daalina

Deeqdaada haw simin

 

 

 

By Cabdi Yuusuf

 

Hargeysa/Somaliland

Comments are closed