|

Sir : Saddexdii  Daldalay  6 da  gooboob  ee  Awdal  ee  loo  tirinaayey  Dilkii  dariiqa  Borama  laftoodii   ayuu  X .Wadani  soo   wadaa  barito   hurudooy!! Dr.Khadar-

Mus   daleemay  baa   jira  

Bahal   baa    dudada   tuban

Damanaanta   ubadkayga   iyo  

Daylo   lumisteeda  iyo  dacawa  deer   buuxda

Anigiyo   dadaalkayga   markaan  dayo   amuurtayda

Daacadow   laxdaydani   dar  alley   ku   socotaa.

 

(naxariistii  jano  rabi  haka  waraabiyee  waa  tuducyo  ka  mid  ah  maansadii  dirsoo  ee   abwaan   ibraahim  gadhle)

 

Xisbiga  kulmiye  uu   gilgishay  sida  xooluhuba  u  gil-gishaan,  waxa   uu  iska  daadiyey  hugufkii, hangaralihii, sangaalihii,  shilintii  iyo   gafanihiiba  ee  qarankan  dulinka  iyo  dulsaarka   ku  ahaa;  dulinka  iyo  qaniinkuba   neef  markuu  ka  gil-gisho  ee  ay  daataan  mid  kale  ayey  koraan  waxa  la  mid  ah  kulmiye    kuwii   ka   yaacay  ayaa    xisbiga  wadani   ku  biiray   oo   ah   lugufkuu   kulmiye   iska  soo  hurgufay ;  kulmiye  inta  ka  xumaatay  ee  aad  tabeysaan   kuwii  xumeeyey  weeyi ;  halkan  waxa  aan  idiinku  soo  bandhi  doonaa   gaf , godobta  iyo  jariimadihii   ay  reer  awdal  ka  galeen   wasiiradani  (  ismaciil  yare ,  c/laahi  ciro,  abiibtima  cad,  xirsi  xaaji  cali,  maxamed  jaamac  abgaal,  geedoole  iyo  kuwo  kale  oo  gadaal  ka  xusi  doono)  maanta   qormadan  waxa  aynu  ku  qaadaneynaa  wasiiradii  Awdal  godobta  illaa  maanta  aan  diifteedii  laga  soo  waaqsan  oo  ay  jariimadaa  gaysteen  ( ismaaciil  yare  ,  c/laahi  ciro  iyo   abiib   timo  cad   oo  xisbiga  kulmiye   iska   soo   eryay  waayo   dambiyadii  ay  horay  gobolka  awdal   uga   galeen  ayuu   ogaa  kulmiye  ciilkii  iyo  cadhadii  ayey  xisbiga  wadani   u  soo  harqado  qaateen,   xisbiga  wadani  xaabo  ururso  mooyee  uba  xidigo  eegi  maayo !!!.

 

  1.  ismaaciil  yare   oo  horey   lixda  goobood  awdal  uga  xanibay   xiligii   dawladii  daahir   rayaale   ee   ismaaciil  yare   ahaa  wasiirka   arimaha  gudaha ; waad  wada  ogtihiin   xanibaada  lixda  goobood  ee  ilaa  maanta  deldelan  waxa   sameeyey  ismaciil  yare  tani   waa  sababtii  galaafatay  in  xilka  laga  qaado;  xanibaadaa   ciday  isla  ogaayeen   gadaal  ayaan  ka  sheegi  doonaa !!!  Borama  markii  uu  doraad  ka  qubadaynayey  hadalkiisa   waxa  uu   ku  furay (  2ba  habeen  ayaan   borama  joogay  ma’aan   seexanin   labadaba  ayuu   yidhi   sababta  uu  u  seexan  waayey  gefkii   iyo  godobtii  lixda   goobood   darteed  uu   baqanaayey  ,  baqasho   darteed  buu  u   seexan  waayey  hadalka  intiisa  kale  food qabsi  bay  ahayd  oo   huteelkaa   lagugu   dilli  buu   islahaa   illayn  waa  dambiile,  bal   u  fiirso    hadalka  hadalkiisa   xigay    shaydaan   iska  naarid  ayey  aheyd  oo   uu  ku  celceliyey   sababta  riyooyinkii   baqdinta   ayuun   baa   marba  soo  hormaraayey,   daliil  waxa   u  ahaa    hadalkiisa   ayaa   isku   dhexyaacsanaa,  isagoo   xaflad  borama  jooga  oo  beelaysan   ayuu   markiiba   berbera   iyo  dekadii  u  booday,  nuxur  uu  yidhina  may  jirin !! .)

 

  1.  c/laahi  ciro    wasiirkii  badalay   markii  la  eryay  ismaaciil  yare  oo  qabtay  xilka    wasaarada  arimaha  gudaha   oo   masuul  ka  ah   amaanka  dalka  gudihiisa,  oo   ay   ciidanka  sirdoonka , asluubta, booliska  iyo  ciidanka  bada  dhamaantood  wadashaqayn  joogta  leeyihiin  habeen   iyo  maalinba  ayaa   ay   dhacday   dhacdadii  ugu  foosha  xumayd  taariikhda  dhaw  dilkii  iyo  gawracii  ka  dhacay  gabiley  iyo  dilla  inta   u  dhexaysa  ee   loogaystay   rayidkii  aan  waxba  galabsanin;  cida   loo  tuhunsanyahay  abaabulka  falalkaasi   arxan  darada   ahaa  ee  iyaguna   isog   waa  c/laahi  ciro  iyo  abiib  timacadkii  loo  xidhi  jiray  isagoo   xil  wasiirnimo  haya   dhacdadii  saameel  iyaduna;  c/laahi  ciro  iyo  abiib  timacad   gobolada   bariga  wey   tagaan  lakiin   Awdal  ma  yimaadaan  umana  hoyan  karaan  xataa  weftigii  ciro  wey  ka  hadheen  sababtuna  tahay    (  fule   xantii   ma  mooga,  waxa  ay  ka  sii  baqe  daran  yihiin   ismaaciil  yarhaa   2dii  habeen   hurdada  seexan  waayey  ee  uu  borama  joogay  waa   dambiilayaal   dambigoodii  iyo  dunuubtoodii  laga   nastay   intii  kulmiye   xilka   hayey,  hayeeshee  maanta  ilka  cusub  soo  gashaday  iyo   xisbiga  wadani  oo  aan  kheyrba  u  sidin  gobolka   awdal ).

 

*** Ayaan  darada  ugu  weyni  waxa  ay  fadhidaa  ( boqonta  oo  aad  isgoyso  adigu )  Reer   Awdalow   waxshigaaba  dida   surin   haday   wax  u   fadhiistaan !! witirka   iyo  shabaga  is-agyaal   wiil  yar  baan  garan!! waraabaha   alwanayaayi  idinkuu  idiin  wishiiriyayaa !! hadii  aad   u  codeysaan   doorashadan  dhaw   xisbiga   wadani   kuwaa  miciyaha  soo  lisanaya   ee   aad  ogtihiin   huqda  iyo   hadimada   ayey  shacbiga   reer  awdal   u  gaysteen   wuxu  idiinku  abaal  gudayaa  barito  xisbiga  wadani  in  uu  wasiiro   uga  dhigo  indinka  iyo  ummada   reer  somaliland  intaba;  kulmiye   wasiiradiisa   barito  wey  qarsoonyihiin  , ma   kuwa  hada  jooga ?  ma   kuwo  wada  cusub  baa  ?   ma  qaarbaa   kaga  jiri  doona?  Waa  gacan  uur  ku  jirta ,  wax   wanaagsan  iyo  waxaad   ku  faraxdaan  ayaad  kala  kulmi  doontaan   hadaydaan  idinku  gacmihiina  isku   daldalin   oo  hohhiyo   laandeyr  wadaniyeysan  aydaan  ka  dhicin ( reer   Awdalow  waxaan  idin  leeyahay  ubadkiyo   kasgaabkaa  waxkale   loo  akhrinayaaye  oo  badh   baa  ku   andacoon  shido  maleh  e’   ujeedada   ha  weydiin   cidaan  meel  fog  wax  ka  arkayne’   abeesooyin  iyo  aar-goosato  badan   baa   jirtee   aad   wax  ugu   fiirsada  oo  ciridkaa  xisbiga  wadani  ee   aad   arkaysaan   ilko   kama   soo   jeedaane   baraaruga   oo  ka  kaca    hurdada , Good  iyo  abeesiyo  inta  halaq   idiinsoo  gurguuraneysa  iyo  sida  maxamed  cali  ceelalyo  ugu  yahay  ( hombaro  libaax  bay  soowadaa)  eersiga   hadhow  iyo  iskaga   riyaaqida   imaka   waaba  kala  maan ).

 

Gabagabo :

 

Qabyaaladu   ha  dhacdo  ayey  gobol  walba  iyo  masrax  walba  ka   shubayaan  colka  wadani  , masrax  walba   oo  ay   ka  hadlayaan  ( gadaashooda  waxa  ku  sawiran  sawir  weyn  oo  ku   xardhan  astaantii  xisbiga  iyo  beesha  reer  hebel….. ama  beesha  habar  heblaayo  oo  maanta  ku  soo  biirtay  xisbiga  wadani !!!!;  afkoodiyo  dhagahoodu  miyaanay  iska  war  haynin  tallow  waa  yaabe !!  isku  soo  xoori  gundhigu  sow  maaha  ( bakhtiga  ma  cunee   fuudkiisaan   aad  u  cabbaa !!)

 

abwaan  cashuur  ayaa  waxa  laga  hayey :

(  Qoshe   uma  hirgalo   cidaan  hoosta  ku  sidan  bahashii.

Hadaan  lagu   dhaqmeyn  joojiyadu   waa  iska  huu  haaye

Hoygeedu  meelkastaba  waa  tan  hormuud  ka  ah,

Hinjinteedu  waa  idiin  bilaash  inaad  u  heentaane

Had  ba  kii   muraad  ley  u  tahay  hootiyo  gaashaan.)

 

Dr.khadar -Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Regional political analysts

 

Comments are closed