|

Af-gobaadsiga Gobalnimada Gabiley Ee Maanta C/raxmaan Cirro Ka Yeeli-mayno , Waayo Shaley Isagoo Shookaanta Haya Ayuu Gabey. Qalinka C.S.F.(Jeesto).

Musharaxa  xisbiga  wadani  ee  madaxweynenimada  mudane   C/raxmaan  Maxamed  C/laahi  (Cirro)   ,  waxa  uu  ahaa  Shir-gudoonkii  ugu  mudada  dheeraa  jamhuuriyada  Somaliland  isla  markaana  hagayey  Golaha   Sharci-dajinta  dalka  qiyaas  ilaa  Laba   iyo  toban  sanno ,  hadaba  mudada   cadedkaasi  leh   ee  uu  mudane   C/raxamaan  Cirro  Barlamaanka   iska  daa  hadal-qaade  xataa  kamuu   fikirin  Gobalnimada  Gabiley  Issuegeeda.

 

 

Mudadaasi  uu  ku  sugnaa  waxa  u  tagey  codsiyo  ama  dhambaalo  lagu  dalbanayo    in  la  Ansixiyo  gobalnimada  gabiley  lana   agaasimo  mooshinkeeda  ,   Xiliyadani  waa  intii  aanu  furan  xisbiga  wadani  ee  uu  ahaa  kaliyaata  gudoonka  Aqalka  Sharci-dajinta  Somaliland  balse  dhagey-jalaq  umuu  odhan  isagoo  ka  muquuranayey  meelo  yar-yaroo   gabiley   magacaabideeda  lagu  lamaaneeyey  oon  yagu  wali  shuruudaha  base-ka  ah    buuxin.

 

 

Arintan  soo  hadal-qaadkeeda  waxa uu  bilaabey  Cirro  wakhtiyada  uu  xisbiga  wadani  ku  guulaystey  soo   bixistiisa  iyo  musharaxnimadiisa  isagoo  u  fahmey  haduu  reer  gabiley  gaobalnimadoo  ku  weyn  uga  sheekeeyo  targetna  ka  dhigto  inuu  hanan  doono  codka  gabiley,  Arinkaase  laakiin  muu  hir-galin   reer  gabileyna  aayer  kamey  hadhin  ilaa  heer  xukuumadeed  ilaa  madaxweyne  wey  ka  dalbadeed  ugu  danbayntiina  golahaa  loo  gudbiyey  ilaa  maanta  wax  fal-celina  ama  jawaaba  lagama  hayo  ,  hadaba  waxa  weeeyi   nuxurku  Cirrooy  jawaabtii  meeday.

 

 

Ta  labaad   mudane   cirrooy  haday  daacad  kaa  tahay  in  la  ansixiyo  gobalnimada  gabiley  maxaad   aduu  intaad  meesha  joogtey  u  ansixin  weyday  ama  loo  arki  waayey  adoo  maalin  kaliya  uun  sida  mooshinkeeda,  xataa  waxaad  ka  muquuratey  xiliyadan  ugu  danbeeyey  ee  aad  hanka  siyaasiga  ah  laheyd  maad  garan qodobkaa  kaga  faa,iideyso  gabiley,  iska  ansixinteedee  waxa dhawr  sano  ku  hor-yaaley oo   ku  duugoobey  xeerkii  caasimada  jamhuuriyada  Somaliland  oo  isna  juuqla ,  Jaaqla.ku  sugan  waxana  ugu  wacan  eed  cadaalada  uga  dhaceysaa  waa  hankaaga .

 

 

Markaa  maanta   waxaad  masuul  qaran  iyo  mudan  weyn   laakiin  kaa  yeeli  mayno  (Abaalkii  shaley  aad  gabtey  adoo  noo   qaban  karaya  inaad  maanta  nagu  hasaawiso  waan  idiin  garab-galayaa  ama  cid  kalaan  ku  dhaliilayaa,  ku  cambaareynayaa,  ku  dhaleecaynayaa,  waayo  adaaba  dhaleecaysan  maadaama  aad  wado   xoqantey  dib u  soo  faqeyso   waliba  aad  danbigeeda  aad  aduu  laheyd),  midina   waa  gaaroo  kumaad  xisaabtamin  erayo  fara-badan  oo  aad  reer  gabiley  ugu  balan-qaadey  adoo   xilelka  isu  haya  labadaba,  maad  qiimeyn  xataa   codsigaa  aad   ugu  jawaabtey  waan  keenaynaa  balse  xukuumadu  ha  soo  gudbiso, waana  laydiin  keenay  adaase  hoosta  yara  dhigey.

 

 

 

Guntiyo  gaba-gabada  waxaan  ku  soo  koobayaa  musharax   maanta  reer  gabiley  dhamaantood   wey  ka  siman  yihiin  ansixin  gobalnimana  cid  kuma  xidhayaan   waxay  ku  badasheen  Madaxweynenimo,  Sidaa  darteed  maanta   hawsha  u  taal   ayaa  cusul  waa  ku  aroort  raadinta  cod  iyo  abaalo  ay  walaalahood  u  soo  galeen,  markaa  adiga  talo  ahaan   waxba   wakhti   badan  haku  lumin  gobalnimada  gabiley,  yada  laf-tarkeeda  haysu   hawlin   oo  amintu  yey  kaa  dhicin.

 

 

Waayo  maanta  cidna  kama  yeelayno  gobalnimo  iyo  sheeko-sheeko  aan  soo  dhaafney  oo    kaadhkooda  la  xoqdey,  ta  gobalnimaduna  kuma  xidhna  adiga,  xukuumada,  iyo  baarlamanka  midna  toona  ee  meel  kale  ayey  murugsan  tahay   waase  la  gaadhi  markay  guusheedu  timaado  haduu  Eebe  idmo,  adna  waa  kuwaa  inaga  erayo  riqiisa  iyo  raandhiiskii  aad  garan-weyday  maalintaad   shidnayd   eed  Shir-gudoonka  Golaha  Aheyd.

 

 

Qalinka:  C/raxmaan    Sayid   Faarax  (Jeesto).

 

Diplomatic  Annalysts

 

Comments are closed