|

Xoghayaha Guud Ee Garabka Haweenka Xisbiga KULMIYE Ee North America Oo Hambalyo U Dirtay Xubno Iska Casiley Xisbiga Kulmiye Laantiisa Toronto

Xoghaya guud ee  waqooyiga ameerika ee xusbiga kulmiye Marwo. Samia Fishar ayaa ugu horayn mahadnaq u soo jeedisay gudidii toronto  xusbiga kulmiye iyo afhayeenkii guud ee waqooyiga ameerika ee dhawaan xilalkii ay xusbiga u hayeen iska casilay, iyagoo ahaa xubno taariikhda xusbiga kulmiye kaga qoran baal-dahaba isla markaana ahaa dad karti, aqoon, iyo firfir-cooni rabi ku galaday oo ay daacadnimo u dheer tahay ay xusbiga ugu hawlgali jireen marwalbana ahaa xubno aanu xusbiga kulmiye ilaawi karin wax qabadkoodii iyo waliba sida tudhaalaha leh ee ay uga door-bideen wax kastaba jiritaanka xusbiga kulmiye laantiisa Toronto ee waqooyiga ameerika iyagoo ay la noqon wayday inay sii dugsadaan khilaafadkii jiray isla markaana dan u arkay inay soo afjaraan khilaafkaa oo ay baneeyaan xilalkii ay xusbiga halkaa uga hayeen maadaamo xusbiga kulmiye ay tahay sunahiisa in markasta tanaasulaadku  noqdo midka uu caanka ku yahay xusbinimaduna ay ku xidhan tahay iyadoo ujeedo qudha laga wada duulayo taasina ay noqotay mid xunahaasi uu xusbiga kulmiye galad ugu hayo.
hadaba anigoo ah xoghayihii guud ee xusbiga kulmiye ee waqooyiga ameerika waxaan bogaadintaydan uga gol-leeyahay waa wakhtigii qaaliga ahaa ee aanu xubnahaa soo wada shaqaynay oo ah mid aan la hilmaami karin iyo waliba sida aan kor ku soo xusay ee ah sida tudhaalaha leh ee lexejeclada xusbinimo ay u muujiyeen ugana door-bideen inay iyagu noqdaan kuwo ku guulaysta daminta khilaafka oo la noqotay mid ku xidhan iscasilaadooda kana run sheegeen macnaha iyo xigmada ay xusbiga kulmiye ku matalyeen, taasi oo ah hal-bawlaha dimuqraadiyada iyo mabaadiida siyaasada aynu ku wada halgalno.
waxa aan ku soo gunaanadayaa dhamaan xubanahaa oo aan leeyahay hambalyo iyo bogaadin gudoon wacan iyo waliba xusbigi kulmiye oo aynu gabi ahaan ba u wada hawlgalno inagoo ka duulayna ujeedada siyaasada guud ee xisbiga aynu nahay bahwayntiisi wakhtiga badan ku soo wada qaadanay isla markaana mudan inuu qofkastaaba halkii kaga soo hagaagta uu hasha xusbiga ka sii hado.
Allaa mahadle
Xoghaya guud ee waqooyiga ameerika
Marwo, Samia Fishar

Ottawa Canada

Comments are closed