|

War-saxaafadeed Kasoo Baxay Xisbiga KULMIYE Ee North America

 

KULMIYE NORTH AMERICA

TIXRAAC: XK/XKNA0010/2017                                                     

 

UJEEDO: MAGACAABIS XILAL.

KU: Xasan Yoonis Cabdilaahi

KU: Fowsia Maxmuud Nuur

KU: Cabdikariim Muuse Maygaag

OG: Hogaanka  Kulmiye  North Ameirca

OG: Guddiga Fulinta Xisbiga Kulmiye  North Ameirca

OG: Gudoomiyeyaasha Laamaha Xisbiga USA iyo Canada

OG: Xarunta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Hargeysa S/LAND

OG: Xoghayaha Guud Xisbiga kulmiye Hargeysa S/LAND

 

Markaan arkay baahida loo qabo xilalkan ama jagooyinka Xisbiga Kulmiye ee North America iyo muhimadood.

Markaan la tashaday Musdameedka iyo Hogaanka Xisbiga ee North America.

Markaan arkay Xilkasnimadood iyo kartidooda waxaan u magcaabay laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 30 July, 2017.

1.Xasan Yoonis Cabdilaahi inuu noqdo Afhayeenka Guud ee Xisbiga Kulmiye North America

  1. Fowsia Maxamuud Nuur inay  noqoto  Guddomiye ku xigeenka Garabka Haweenka Canada ee Xisbiga kulmiye.
  2. Cabdikariim Muuse Maygaag inuu noqodo Xoghayaha guud Canada ee  Xisbiga Kulmiye.

Waxaan ka codsanayaa guddiyada iyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee North Ameria in ay sii hufan oo fiican ula shaqeeyaan madaxdaas kor ku xusan.Dhamaantood iyagana waxaan u rajaynayaa in Ilaahay ku garb galo xilalkaas loo magacaabay oo ay si xilkasnimo iyo daacadi ku jirto u gutaan.

Waxaan Laamaha North America ku wergelinayaa in ay bilaabmatay dardar gelintii dhaqaalaha laguu uruurinayey, markaa waxaan Laan kasta ka codsanayaa in ay ka hawl galaan hawshaa baaxada leh ee lagu daradar gelinayo Xisbiga Kulmiye.Guul iyo midnimo.

ALLAHA WEYN BAA MAHAD LEH.

cartan

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee North America

Mustafa Cabdi Cartan.

 

Comments are closed