|

MAANSO, KA HADLAYSA DOORASHADA SHIRGUDOONKA & SAAMIGA SOMALILAND. ( Abdishaur Gande )

Wakhti gabaabsiya iyo
Xiligoo gebo-gabo ahiyo
Mudadoo kala guur ah
Saamigii laguu gooyo
Galad tirsan ha moodin
Waxaad gaysaan iyo
Waxaad gar uleedahiin
Haddaanad garaacasho iyo
Miduun kuhelin garrasho
Hamoodin guul dhitaysan
Waxaan uga gon-leehay
Kuraasta shir-gudeenke
Geeska bari iyo Awdal
Dan kumeel gaadhiyo
Xaajo gaara weeyaan
Olole xisbiyo galayaniyo
Shanta guudee sare iyo
Arimo gooniya weeye
Ama gaaraadkaygo gaaban
Waxse lakala guri golaha
Golaha xigee danbeeya.
Waajib guudkaaga saaran
Gudashadiisu waxay tahay
Garashada inaad yeesho
Oo geediga reerka dejiso
Barwaaqo sahanku toyday
Marbaa gabadh lagusiiya
Heedhee guur kuwaydaa
Oo gole kaga kaciyo
Geed kagatag ahaatay
Gocosho raagta kugudisha
Marka kursiga guudkiisa
Baashow  lagu geeyo
Qaar kale galaafanayo
Sida wasiirka gudahe
Gedgediga  ha uriyaaqin
Gabankii Ina sh.ayaanlow
Geesigii gobalkiyo dalkoow
Runta intaad garwsato
Sidaadii uun u garnaqsoo
Ha la gaban dooddahaagii
Xisaabta ugee-da iyo
Haddanna kasoo gooya
Gobal kubedel gobbal
Garaadkiinu miyuu aqoon
Kaba gayoonin dulmiga
Ganacsadow heedhe ganacsade
Gurcud baad wax iibsataa
Gurcud baanad gaddaa
Gurcud aan cado lahaynbaad
Shacabkiyo dadka galaafattaa.
Abdishaur Gande …………..
Gandeabdishakur@gmail.com

Comments are closed