|

Shacabka  Somaliland  Waxan  Leeyahay  Qofka    Wadani   Rajo   ka sugayow   Doorashadaa  shalay ee  Baarlamaanka   kaga  quuso. Ahmed     A/lahi      Jama  

 

 Shacabka  soamaliland  waxay waayo  aragnimo  badan  u leeyihiin  wax yaabo  badan   oo   dad badani  kaga  dhintaan   hanti  badanina   kaga  lunto   sida  loo  xaliyo   aad  ayay   u yaqaanaan  waayo   aragnimo  badana  way uleeyihiin.

 Hadaan   kunoqdo  taariikhda   C/raxmaan  Ciro    uleeyahay    boobka  iyo  wax is  daba  marinta  

29/05/2005 tii   markii  la doortay     baarlamaanka   oo  ahayd   doorashadii  ugu   horaysay  ee  lagu doortay    baarlamaanka  manta   jooga     wixii  maalintii  C/raxmaan ciro  la dooranayay  dhacay   way garanayaan    dadkii   maalintaa   goob jooga   ahaa,  hadaan  u yara  if tiimiyo  dadka  intii  aan  ogayn.  Waxa  dhacday   Guddomiyihii   xisbiga  Ucid  Faysal  Cali  Waraabe  iyo  Guddomiyihii   Xisbiga   Kulmiye   Madaxwaynaha  manta   Axmed  Siiraanyo  inta   ay   Qol-gaar ah  la tageen    oo  ay   kaxaysteen   xildhibaanadii  kasoobaxay  labdooda   xisbi      kana  dhuunteen    dhamaan  xildhibaanadii  kazoo baxay  xisbigii  talada  hayay ee  UDUB     meel qarsoon waxa  lagu doortay  C/raxmaan  Ciro   Markii  la is qab-qab sadayna   madaxwaynihii  wakhtigaa  ee  Daahir  Rayaale     waxa    uu  yidhi    waxa   ka mihiimsan   qaranka  iyo nabad galyada   shacbiga  sidaasi   halagu daayo.

Dhacdadii   labaad  wakhtigiii  uu  ku qabsaday  xisbigii   ucid   faysal  cali  waraabe   arintiina   ay gaadhay  in  maxkamadi  kala  saarto  oo  xisbigii  loo  xukumo  faysal  sidaasi ayaanu kaga   hadhay  oo  uu  ku furtay  xisbigan hada   ee  waddani   .

Dhacdadii   sadexaad   waxay ahayd     dhacdadii  dadka  Somaliland  oo dhami  ay ka wada  dharagsanyihiin   waxay ahayd   dhacdadii  foosha   xumayd  ee    uu  ku sameeyay     Guddomiye   ku xigeenkiisii    Axmed   muumin seed   oo   dhamaan  umada   Somaliland  oo dhami ay  wada og tahay   sida  uu  ugu  soo  halgamay   xisbiga   Waddani     siduu  ula  dhaqmayna    waa laga  wada  dharagsanyahay   faah  faahina  uma  baahna.

 Hadaan usoo  daadagno    dhacdadan   manta   ee   igu  kaliftay  in aan wax kaqoro     horta  waxan  waydiinayaa   su aal   dhamaan  akhristayaasha .   Qofka   ku qancay    markii  doorashadu  dhacday   in laga  badiyay  oo  waliba  hanbalyeeyay     haduu  yidhaahdo  wixii aan hambal yeeyay   waxay ahayd  waa been  ma la  amini  karaa?      Waxa  kale    dhamaan  shacabka  somaaliland  aad    ula  yaaban yihiin  dhaqanka  C/raxmaan  Ciro   ee   aan  meel loogu   hagaagaba    aan   lahayn maalinba    waji  cusub     la soo baxaya  side  loogu aamini  karaa     Qof  Beenaale  ah  qaranka  jamhuuriyada  Somaliland   iyo   shacabka   dhan    sidee loo  aamini   karaa    in  uu   madax ka noqdo iska  daaye   in  uu  hunguri  ka  galaba  ma  ahayn   shalay   dhamaan wixii  afka somaliga  ku hadlaaba  way dhagaysanayeen     markii  uu  hanbalyaynayay    doorashada    Guddoonka  Baar lamaanka   ee   uu  lahaa    waxa  dhacday  doorasho  xor  iyo  xalaal  ah   waliba  waxa  uu  wariyuhu  waydiiyay     C/raxmaan  waxa  laga  badiyay    ninkii  xisbigaagu watay  sided  u  aragtaa    wuxu  ku jawaabay waan ku qancay  waanan  ham balyaynayaa.

Wuxu   ka daba  keenay   waxan gaynaynaa  maxkamad   waa lana  khaa,imay,     hadii  laga  badiyo  doorashada  soo  socota   siduu  u  qancayaa.   Yaa  aaminaya   waxan usheegayaa   shacabka   somaaliland   dhamaantood   ninkan   ciro   waxa   uu usocdaa   bur burinta qaranka  Somaliland    halaga   digtoonaado.

 

Comments are closed