|

MARKA HOREBA WAXAA QALAD AH IN CIRRO FOOTEEYO. WAA GUDDOOMIYAHI GOLAHA, ILLAA XILKA LAGALA WAREEGONA DASTUURKU UMA FASAXAYO INUU COD KU YEESHO. MR BUUBAA MALAHA WUU RIYOONAYAA

Sida aynu sharciyada ku aragnay, guddoonka waxaa qabta guddoomiyaha oo aan wali cidi xilkii kala wareegin iyo ku xigeenkiisa, ku xigeenka isagu xilka isu sharaxayaa wuu ka tagayaa guddoonka.Halkaa waxaa ka muuqda in cirro yahay qof aan sharciyadda garanaynin, ama ruux u badheedhaya in golaha la qaso.

Qofka qudha ee aan codka lahayni waxuu noqonayaa cirro, oo weli sii haya jagada guddoomiyaa, kuxigeenkiisuse waxuu xaq u leeyahay inuu footeeyo.Maaha in cirro sidii ilmo yar, masuuliayddiisa ka cararo, oo jabiyo shuruucda golahiisa u taal, oo mudanayaasha golaha soo dhex fadhiisto sidii kursiga laga eryay.

Cirro waa in la anshax mariyaa, sharciyadda uu ka tallaabsaday ee uu soo dhex fadhiistay mudanayaasha codaynayay, ee uu weliba ka cod bixiyay.Mr. buubaa waxaad mooddaa inuu sharci ka hadlaayo, markuu sharaxayo. Miyuu is weyddiiyay sababta qudha ee shirguddoonka qof ka mid ahi kursigiisa banayn karo.

 Hadduu jawaabta u baahan yahay, waxaa bannayn kara oo qudha xubinta shir guddoonka ka mid ah ee isu sharaxaya xilka guddoomiyaha, labada kaleba iyagaa shirguddoonka qabanaya, guddoomiye cirrona waa qofka keli ah ee aan meesha cod ku lahayn, ama aan footayn Karin.

Golaha baarlamanka ma jiro shirguddoon aan ahayn xubnihii shirguddoonka xaqa u lahaa, oo ah guddoomiyaha iyo xugeenka aan musharaxa ahayn.  Golahana waxaa qasaya inta cirro u horreeyo.

Waxuu mar hore idaacadaha ka baahiyay inuu guddoomiyenimada ku wareejinayo, xubin baarlamanka ka mid ah, isagoo weliba sheegay inuu beeshaa uu xildhibaanku ka tirsanyahay uu siinayo kursiga uu ku fadhiyo.

Dadku way la yaabeen, markuu sidaa ku hadlaayay, oo aad moodaysay in kursiga dhaxal loo siiyay.

Waxaa ka sii yaab badan golahii qaatay in baashe ku guulaystay, oo lagu wada qancay in madmadaw dib loo abuuro, oo qolo ma qancayaal ah, oo cirro iyo buubaa hor kacayaan ay qaranka qas galiyaan.

Arrintaa haddii dib loogu noqdo, waxaa imanaysa in cirro dambiile yahay, foodka xaday, iyo cod aanu xaq u lahayn oo uu footeeyay dembina uu qabanayo. Waa shay khiyaamo ah.

Xaq darro badan iyo khiyaamo badan oo cirro soo maleegay ayaa Rabbi dib ugu celiyay oo ku guuldareeyay cirro, iyo intii munaafaqadda wadday ee khiyaamada maleegaysay.

Eng. Yousuf Ahmed

jicsin@hotmail.com

London  U. K.

Comments are closed