|

Qaladkii Ugu Weynaa Ee Uu Madaxweynuhu Gabiley Ka Galey (Magacaabista Degmada Cali-xaydh). Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane axmed maxamed maxamuud (Siilaanyo) waa talaabo uu ku deg-degay magacaabista Degmada Cali-xaydh oo uu dhawaan Digreeto ku soo saarey , Isagoo hoos geeyay magaalo-madaxda Gobalka Awdal ee boorama sidaasina ay ku dhaqan-gashey degmanimadeedii , Run ahaantii Madaxweynaha Somaliland waa odey weynoo mudakar ah waana siyaasi rug-cadaa ah inta maanta ifka joogta halyeyadii Somaliland isagaa ugu miisaan culus oo isagaa ugu xog-ogaalsan , Balse waxa la garan waayey ujeedada uu u marin-habaabiyey dhulka lagu muransan yahay ee taariikhdoodana loo tirinayo meelo kale Sida Magaalo –madaxda Gobalka Gabiley oo ay hore uga tirsanaan jirtey Tuulada Cali-xaydh, lama garanayo sababta uu ugu dhiiradey iyo xiliga gobalada xuduudoodii dib loo saxey , yadoo laga soo guurayo xududihii Lixdankii iyo Amintii mustac-marka hadaba waxa isweydiin leh muxuu madaxweynuhu maanta utunta ula beegsadey degaanadan lagu muransan yahay.

Taariikh ahaan degmada cali-xaydh deegaan ahaan waxay ka tirsanayd degmada gabiley mudo imika laga joogo dhawriyo toban sano ayuun baan laga xukumin haydh-tuulaheeda dawlada hoose degmada gabiley balse awal iyo wixii ka horeeyeyba waxa wakiilkeeda cashuurta iyo haydh-tuulahaba laga diri jirey magaalada gabiley, Inkastoo mad-mad yimidey markii la majara-habaabiyey qaab maamuleedkii iyo halkay hoos tageysay tuulada cali-xaydh waxa bilaabmey muran iyo in laysu khilaafo qaab beelaysan waxaaney caan ku aheyd yada iyo deegaamo fara-badan oo waqooyiga ah, hadaba dhulalkan laysu khilaafsan yahay ee uu muranku into dhan ka taagnaa maxaa keenay in madaxweynaha Somaliland ku dhiirado maanta magacaabis degmo si badheedh ah yadoo aan la ixtiraamin dadyawgii isu hayey iyo cidaha ay wax ku kala maqan yihiin, horta kaasi waa qodob.

Ma xuma haba la magaacaabee waa maxay sabab looga wareejiyey halkii ay hore uga tirsaneyd ama degmadii gabiley , halkaa waxa ku cad in maanta la marin-habaabiyey xuquuq ay laheyd magaalada gabiley taasoo lagu duudsiyey markii deegaan ka tirsanaa laga hoos saarey ka dibna meel kale la geeyay , waxase meesha ku cad iney Baroortu Orgiga Ka Weyn Tahay waayo maanta xiligani hadii la magacaabo degmo yadoo laga goy,nayo gobalkii ay hore uga tirsaneyd waxaaney u muuqataa iney kicin doonto sawaxan siyaasadeed ama xiisado kale madaama wakhtiguna xaas-xaasi yahay marxaladuna ay adeg tahay muranka dhulkanina mudooyin soo jiitamayey oo sheedadaha laga kala eeganayey imikase markii la magacaabey yadoon cidna lagala tashan oon la rog-rogin ayuun baa si toos ah loo soo saarey wareegto degmonimo, uba daayoo haddii degmadeedaa ay iska ahaato oo gabileydii awelba xukumaysay ay xukunto maxaa xumaanaya maxaa caqabad noqonaya ee ay xukuumada iyo madaxweynaheedu u cuskadeen ku dhiirashada kalsoonida leh ee Awdal loogu carab-baabey.

Mid kalena way jirtaa goormaa xuduudaha degmooyinka Somaliland la kala saarey oo la kala xadeeyey mid cusub oon aheyn tii lixdankii mase jirtaa xaqiiqo cad oo hoos gayneysa degmada cali-xaydh gobalka awdal, tani waa wado xukuumadu isu furtey oo ay isu kicisey mooshino laga quustay kuwaasoo ku saleysan xuduudaha kala xadeyntooda, arinkasina ma,aha mid jira xuduuduhuna waxay isugu jiraan Sidii lixdankii lamana kala saarin, Cida maanta cid waxeedii meel kale gayneysaa yadaa cirka roob ku og, runta iyo wadiiqada saxda ahna way ka leexanaysaa waayo umado aaned kala saarin, wixii isugu jireyna aan loo kala soorin in si gaara cid loo casuumaa waa mid xaaraan ah waxaanen leenahay halkaa ha lagu noqdo oo ha loo meel dayo waxa la bixinayo.

Dhinaca kale hadaan ka istaagno horta magacaabistan Degmada Cali-xaydh waxay daaran tahay (Timir Lafbaa Ku Jirta), waxa yadna meesha ka muuqata munaafaqad iyo isku dir laga dhex oloosayo Shacabka reer gabiley Iyo Musharaxa Jagada Madaxweynenimo Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isagu ka soo jeeda Gobalka Gabiley, Waa cida bixisey degmada xiligani waa cid isku soofaynaysa Muuse Biixi iyo umada uu ka dhashey ee reer gabiley, hadaba hadaanu nahay reer gabiley waan fahansan nahay bahashu halkay haysato anaga cidna lana colaysiin maano , cidna lanagu diri mayo , balse yadaa ka jawaabi cida daaha dabadiisa qaladkaa uga fadwootay madaxweynaha inkastoonu isagu u kasin balse cid baa dabin maleegaysa oo shar iyo xumaan sokeeye heer ku gaadh is leh, hadal iyo dhamaantii adeer magacaabista degmada cali-xeydh ee gabiley laga dheereeyey waa muraad halkee haysta??? Goormaase xuduudaha la qaybiyey kuwii sanaag waa sidoodii, kuwii tog-dheer waa sidoodii, kuwii saaxil waa sidoodii , kuwii soolna waa sidoodii , maxaa kala bur-buriyey ee xagal-daaciyey kuwii Gabiley?? Ee Sad-bursiga siiyey Awdal yadoo gabileyna la rifayo.

Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto)

Diplomatic Annalyst
Gabiley/Somaliland.

Comments are closed