|

Damiir la wayaal kamid ah gollaha wakiilada JSL kana soo jeeda xisbiga WADANI, oo qas kawada dalka.by maxamed jeex

Dalka JSL laga bilaabo 1993 markii qarankan SL lagu dhisay magaalada nabada ee borama waxaa hana qaaday nabad galyo isku duubnaan ,wadajir iwm ah sidaasi awgeed waxaad modaa in maanta dad badani ay wadaan qas & dhibaato waxaana kimid ah xisbi beeleedka wadani oo musdambeedka beesha gudoomiyaha CIRRO ay masuul ka yihiin arintaas ay wadaan nimankaa sheeganaayan iney yihiin golaha wakiilada.

Doorashadii xalaasha ahayd ee golaha wakiilada qaranka somaliland waxay u dhacday si xalaal ah oo habayareetee aaney ku jirin wax mad madaw ahi.Somalidu waxay ku maahmaahdaa.* Saddax rag waa ku heshiiyaa, 1- Kaaga haray rag waa ku heshiiyaa.2- Kuu hambeeyay rag waa ku heshiiyaa.3- Kuu hurayna rag waa ku heshiiyaa.markaa waxaan odhan lahaa xisbiga wadani ma wuxuu qaldanyahay markuu hambalyeynaayo in laga badiyey mise markuu qaska wado?

Hadaba xsibiga wadani waxaan leeyahay waar dhamaan shacabka reer SL wey inila yaabeen inaad marna hambalyeysaa marna dalka aad nabad galyadiisa khalkhal galisaa taasina waxay la mid tahay maahmaahdii ahayd: saddaxse waa ku halaagmaa 1- Hammi been ah rag waa ku halaagmaa.2- Hanti boob ah rag waa ku halaagmaa.3- Hoogid dagaalna rag waa ku halaagmaa.

Guuldaradii xisbiga wadani ka soo gaadhay doorashadii gollaha baarlamaanka JSL ayaa waxay ku noqotey dhabar jabkii ugu weynaa ee abid soo gaadha taasina waxay daliil u tahay in guushii xisbiga kulmiye ay soo dhawaatey.

Umada reer sl waxaan u sheegaynaa iney iska ilashaan qas wadayaasha tageera xisbiga wadani ee kujira gollaha wakiilada JSL .

Alaa mahad leh
By maxamed jeex
Brussels belgium

Comments are closed