|

Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Ka Doorbiday Guul Uu Kulmiye Gaadho Doonistiisa Wareejinta Gudoomiyenimada Kulmiye

July 26, 2017 Hargaysa ( Cadceed ) -Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa bilaabay
dagaal ka dhan ah Xisbiga Kulmiye, isagoo ku goodiyey inuu guuldaro badi doono Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, hadii aan lagu wareejin Gudoomiyenimada Xisbiga Kulmiye.
d

Sidoo kale waxa uu Wasir Maxamuud Xaashi Sas ka qaaday Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Muj. Maxamed kaahin iyo weliba Wasiir Cali Mareexan, oo iyaggu daacad ka ah guul uu gaadho Xisbiga Kulmiye, isla markaana Dib u yara dhigay Hankii iyo himilladoodi shaqsi ee Mustaqbalka dambe.

Ficillada Wasiir Maxamuud Xaashi ku hawlan yahay ee uu kula dagaalamaayo Xukuumadda uu ka tirsan yahay iyo xisbigeeda kulmiye ayaa ah, kuwo uu jeedada uu ka leeyahay tahay, sidii uu hantiyi lahaa Gudoomiyenimada xisbiga Kulmiye ee Mustaqbalka, isagoo ka shakisan inay saxadda ka saran rag-waaweyn oo siyaasiyiin ah oo ay isku beel kasoo jeedan. Ragaas oo la sheegay inay hormuud u yihiin Siyaasi Maxamed Cabdilahi Ducaale oo mudooyinkii u dambeeyey Cilaaqaad Siyaasadeed la lahaa Musharraxa Xisbiga Kulmiye iyo sidoo kale Gudoomiye ku xiggeenka Xisbiga Kulmiye Muj. Maxamed Kaahin oo isna dhinaciisa u ordaaya Gudoomiyenimada mustaqbalka ee Xisbiga Kulmiye.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu qaadday Tallaabooyin kala duwan oo uu kaga gaashaamanaayo Siyaasiyiinta Culeyska Siyaasadeed ku haya ee ay isku beesha yihiin iyo sidoo kale gabood kale oo uu dhabbaha usii xaadhay oo isna ah Xisbiga Ucid oo uu damacsan yahay hadii hankiisa Siyaasadeed ee Kulmiye socon waayo inuu bedelka dhigto, waxanu Lacag kaga Iibsadday Faysal Cali Waraabe Gudoomiyenimada Ucid, waxanu Wasiir Xaashi balan ku Qadday inuu Codka Beesha Habar-jeclo geynaayo Ucid oo hadii hankiisa Kulmiye Socon waayo uu beeshaas ula wareegaayo Ucid.

La soco xogo kale oo kashifaaya ficillada ka dhanka ah Xukuumadda ee Wasiir Maxamuud Xaashi ku hawlan yahay.

Source:- Qaran

Cadceednews.com

Hargaysa/ Somaliland

d

Comments are closed