|

Ra’iisul Wasaaraha oo ku booqday Isbitaal Madiino dad qaba Dhaawacyo kala duwan

June 17, 2017  Muqdisho  (Cadceed) -Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamaal Xasan ayaa booqday qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay weeararkii lagu qaaday hotelka Pizza House ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo wareegay qeybaha kala duwan ee ay yaalaan dhaawacyada, wuxuna gaarsiiyey deeq, isagoona u sheegay dadkii dhibaatadu soo gaartay in dawladdu ay garab taagan tahay isla markaana aan laga hari doonin kuwii waxyeelada u geystay.

“Runtii dadkan waxaa dhibaateeyey gacan ka xaq daran, mana jirto wax dembi ah oo ay galeen, dawladduna waxay ku howlan tahay sidii dalka looga sifeyn lahaa argagixisada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xusay in kooxahan nabad diidku ay marayaan marxaladdihii ugu dambeeyey ee dhamaadkooda.

“Ka sakow dadka dhaawacayadu ka soo gaareen weerarkii Maqaayadda Pizza House ee halkan yaala, waxaa jira kuwa qaba dhaawacyo daran oo ku jira Isbitaalka oo uu kamid yahay wiil 10 jira ah oo xabad ku dhufteen kuwa arxan daran isagoo ciyaaraya banooni magaalada Beledweyne, dhacdooyinkaas xanuunka badan waxay muujinayaan khatarta uu leeyahay hubka nuucyadiisa kala duwan ee ku baahsan dalkeena, waana qeyb kamid ah qorshaheena an ku ciribtirayno hubka ku jira gacmaha dadka aan mudnayn”ayuu yiri R/Wasaare Xasan Kheyre.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan kooxdaan xalaalaystay dhiigooda, ayna gacamaha is qabsadaan si looga hortago dhibaatooyin intaa ka badan oo ay maleegayaan.

d g unnamed-10-1 unnamed-31

Comments are closed