|

Qaranku dastuur ayuu leeyahay, ee culimadu hadday ummadda khayrka u tilmaamayaan wasiirada hantida qaranka dhunsanaysa, ee carruurrtooda xaaraanta siinaya hala taliyaan.

Waxaa la yaab ah in siiraanyo maalinba laga sheego warar iyo dikreetooyin beena oo laga sameey.
Waynu ognay in siiraanyo hadal laga la’yahay, oo aanu haleelin inuu waajibaadka saaran ee diiniga ah dhibaato ka haysato.

Waynu ognay inaan siiraanyo xataa naftiisa meel dhigi karin, oo loo taliyo, iska daa dal uu maamulee.
Culimada la sheegayo hadday jiraan waa dad doonaya in dastuurka iyo sharciga qaran uyaalla ee doorashooyinka la labo, oo sharciyo kale oon meesha lahayn lagu dhex milo.

Culimadu ha ka waantoobaan inay aakhiradooda adduunyo yar dhaafsadaan.
Waynu ognay in musuq ka socota somaliland, ee dhac iyo boob ka jira, culimaduna ka hawl yaraysatay, siday u badan yihiin, ee in yar mooyaane, intooda badani wajiga Eebbe ka door bidaan inay ka haybadaystaan wasiir iyo wax la mida oon if iyo aakhiro midna waxba uga taraynin.

Qarandhan oo xaaraan quutayaal u gacan galay, hadday culimaduna ugu darsanto, waa aakhiro gaddoon. Ma garanayo intay la gaadhi doonto, waxaanse ogay inay dulli iyo lacnad ka dhaxli doonaan.

Carruurta ay ku korsadaan maalka xaaraanta ah ee xilkii lagu aaminay ay uga faaiidaysanayaan, ee carruurtooda caloosha uga buuxinayaan xaaraanta iyo maalka dulliga ah, agoon iyo inta itaalka daran laga boobayo.

Ummaddaa xaaraanta ku bahowday Rabbigeen wuu arkayaa, ubadkooduna dulli iyo foolxumo ayay ku noolaan doonaan, iyaguna lacnad iyo cadaab ayay ka dhaxli doonaan, iyo rafaad ay ku noolaadaan intay noolyihiin

Eebbaheen ha lacnado kuwa xaaraanta ubadkooda ku koriya, iyo culimada ku taageerta ee xaqa ka leexata, ee ka haybadaysata ruux ilaahay nacay.

Eng. Youssuf Ahmed
jicsin@hotmail.com
London U. K.

Comments are closed