|

Kala fogaa oo kala aragti duwanaa AUN Abwaan Maxamad Xaaji Ismaciil Maxamuud (Barkhad Cas) iyo siyaasiyiinta somaliland ee maalin dhawrka ahi

Kala fogaa oo kala aragti duwanaa AUN Abwaan Maxamad Xaaji Ismaciil Maxamuud (Barkhad Cas) iyo siyaasiyiinta somaliland ee maalin dhawrka ahi. Sida aan taariikhda ku maqlay abwaan Barkhad Cas ayaa laga codsaday in uu ka qayb galo soo dhawayn 1958 ninka mida boqortooyada Ingiriiska oo socdaal ku marayey wadamadii boqortooyada ingiriiska hoos iman jiray. Sida igu maqaalaha ah, wuxuu boqorkaasi xusayey guushii ingiriiska iyo xulafadiisu ay ka gaadheen dagaalkii labaad ee aduunka 1945. Abwaan barkhad Cas oo la bidayey nin Ingiriiska la soo shaqeeyey ayna ka filanayeen in uu si laab la kaca ugu garbiyo mustacmarkii uu mudada u soo shaqeeyey ayaa qaadan waayey laab la kaca aan meel jirin wax dan ahina ugu jirin saaxiibadiisan xiiqsan. Isaga oo hoga tusaalaynaya hadana aqli xumadooda tilmaamaya wuxu curiyey gabayga taariikhda Somalida galay ee la yidhaa An Ooyee Albaabka ii xidha.

 

Maxamad Xaaji Ismaciil Maxamuud (Barkhad Cas) wuxu diidayey in uu laba quwadood oo isku jinsiya midna amaano midna xaqiro wuxuuna tilmaayey in labaduba yihiin dad xaqira oon xitaa ogalayn in ay dadkiisa xitaa ibnu adam u aqoon sadaan. Wuxuu sidoo kale ka warqabay ujeedada ka danbaysa safarka qoyska boqorka ee u yimid indha indhaynta adoomadiisa u riciyadaysan. Marlay lama waayo qayb dangaara leh oo ka bad badis soo bandhiga waana sobobta ka keentay gabaygan loo yaqaan “An ooyee albaabka ii xidha” Xukumada Somaliland ee Kulmiye gadh wadeen ka yahay waxay qaaday 60 sano kadib talaabadii Abwaan Barkhad Cas ka dhiidhiyey in uu laba nin oon midna dan ka lahayn mid garabka saaro. Maxaa ugu jira Somaliland in ay u kala xagliso laba quwadood oo walaalo ah hadana isku jinsi iyo diin ah oon hadana midkoodna ogolayn qadadiyada umada ay matalaan. Marka laga yimaado macaashka marsada Berbera ee Dubay laga qaatay, Qatar sidoo kale waa wadan qayb wayn ka qaatay nolosha qurba joogta reer Somaliland ee ka xoogsada. Waa wadan ka soo dhawayn fiican, ka xushmad badan marka la garab dhigo wadanka Sacuudi Arabiya iyo Khaliishka kale sida ay ii xaqiijiyeen dad mudo dheer ku noolaa. Tolooow hadii Abwaan Barkhadcas noolaan lahaa, dareen noocee ah buu muujin lahaa? Dawlada kulmiye gadhwadeen ka yahay ma damiir xumaa ka dhawaajisay mise xaalku waa af wax cunay xishoo. Miyayna ogayn in qaranimada Somaliland ku bilaabantay rafaad cagahana isku taagtay iyada oo gaajo dhaqaalo xumo la tiicaysa. Umada iyadu isku tiirsani uma baahno aqoonsi shisheeye. Siyaa siyiin dan gaara wataa, ma matalaan dareenka umada Somaliland oo dhan.

Waakan gabaygii qiimaha lahaa ee abwaanku

 

Awawgay ninkii adoonsaday
ninkii aabahay indhaha tiray
ninkii anigana i iibsaday
hadaan arkayoonan ka aarsan karayn
hadaanan Aadanow unuunka jarayn
aan ooyee albaabka ii xidha.

Isagoo Iglan joogabuu i diloo
ushuu soo fidshaa i iimaysoo
waataa aramidii i oofa tirtaye
itaal dari aan la eedaadoo
aan ooyee albaabka ii xidha.

Bal oggow isticmaarku abidkii
iriduu marinaayo awr raran
irbadbuu ku dayaa ayaamaa horee
Ragan aan arkayee u abasaxayow
ninowna ha odhan soomaalaan ahee
ordoo magacana ka iibsada.

Libaaxa anayiyo Abaarso ka ciyay
Abu Riin Lo’da joogtabaa urisoo
ooday jebisaa intay u dhacdoo
amsaxuu ka guraa idiilkeede
waakaa isticmaarkii ii daayee
Ragan aan arkayee u abasaxayow
in shaahiyo keegu waa urugee
iimawdee axankaaga weynee.

Ugaadha ninkii gatee urursada
ka soo arkabaa aduun ka baxshee
ninkaa imanaaya awgii waa
kaa isticmaarkii ii daayee
Ragan aan arkayee u abasaxayow
ordoo magacana ka iibsada.

Comments are closed