|

DIIRADA CAAFIMAADKA & DARYEELKA DADWAYNAHA:  Qalinkii: Jamal A. Muse 

“Gorfeynta & Falanqeynta Arrimaha Caafimaadka, Adeegsiga Diirada Fogaan araga, Daahfurka, Wacyigalinta, & Noolaynta Ka  Hortaga Dilaaga Dedan” 

HORDHAC:

Runtii waa waajib in laga hadlo arrimaha caafimaadka dadwaynaha Somaliland iyo guud ahaan dadka afka soomaaliga ku hadla, waana xaq iyo xuquuq nagu waajib ah, oo xirfadda, masuuliyadda, dareenka insaaniga ah, iyo caqliga suubban ayaa faraya in aannu ka qayb qaadanno kobcinta qaangaadhnimada garaadka ummadda ee dhinaca fahanka ammuuraha caafimaadka iyo ka hortaga cuddurada faafa. Dariiqyada muhiimka ah ee cuddurada faafa looga hortagi karo waxaa ka mid ah Wacyigalinta iyo baraarujinta maanka ummadda, dhiirigalinta nadaafada iyo daryeelka nafaqaynta hooyada iyo dhalaanka.

Arrintani waa mid xili kasta fulinteeda loo baahan yahay, balse waa mid baahi wayn loo qabo maanta oo guud ahaan geyiga Soomaalidu degto ay halakaysay dhibaatada ka dhalatay aafada abaarta aan anigu ula baxay “Magacyo badan”, ee ka jirta geeska afrika. Waxaa la sheegayaa in meelo ka mid ah degmada Soomaalida uu ka dilaacay cuddurka DAACUUN “Cholerae”, siiba meelo ka mid ah Somaliland iyo DDSI. Sidaa darteed, waxaan isku duba-riday diyaarinta qormo la yidhaa Diirada Caafimaadka & Daryeelka Dadwaynaha. 

Run ahaantii sida ka muuqata magaca qormada, waxay diirada fogaan araga iyo falaga fiirada Wacyigalinta umadda dhiban kaga qayb qaadan doontaa in ay badka soo dhigto qodobo badan oo ay ka mid yihiin, kuwa kan soo socda:

  • Waa Maxay cuddurka Daacuun?.
  • Taariikhda cuddurka Daacuun.
  • Meelaha uu ka dhici karo cuddurka Daacuun.
  • Habka faafida cuddurka Daacuun.
  • Waxyeeladda cuddurka Daacuun.
  • Waxyaabaha dhaliya cuddurka Daacuun.
  • Calaamadaha lagu garto cuddurka Daacuun.
  • Hanaanka baadhitaanka cuddurka Daacuun.
  •  Ka hortaga cuddurka Daacuun.
  • Dawaynta, maareynta & xakameynta cuddurka Daacuun.
  • Iyo qodobo kale oo badan.

 

WAA MAXAY CUDDURKA DAACUUN?:

Cuddurka Daacuun, wuxuu ka mid yahay cuddurada faafa amma safmarka ah “Epidemic diseases” amma haddaan si kale u dhigo waa cuddur si baahsan uga dhaca dunida oo dhan xiliyo cayiman iyo aagag cayiman oo xaalad gaar ahi ka jirto. Sidoo kale, waa  mid ka mid ah cuddurada aadmiga aadka u dhibaateeya oo ku dhaca mindhicirka oo keena shuban aad u daran, waxaana sababa caabuq dhaliyaha ilma qabatayga ah ee loo yaqaan “Bacterial infection”, gaar ahaan nooca la yidhaa “Vibrio Cholerae”.

Qiyaas ahaan 3-5 malyuun oo qof ayuu asiibaa guud ahaan dadka maanta dunida ku nool, waxaana ku naf waaya dad tiradoodu ka badan tahay 100,000 oo qof. Inta badan Calaamadaha cuddurka Daacuun waa kuwo dhexdhexaad ah amma qarsoon, balse mararka qaarkood waxay noqon karaan kuwo aad u adag. Run ahaantii 10-kii qofba hal qof oo ka mid ah ayaa lagu arki karaa astaamaha daran ee cuddurka  Daacuun sidda shuban biyood “watery diarrhea”,  matag “Vomiting” iyo  Casiraad “Cramps”. Dadka uu asiibo cuddurkani hadaan dawayn wuxuu ku keeni karaa fuuq bax daran “Severe dehydaration” argagax “shock” iyo  dhimasho.

Cuddurka Daacuun, wuxuu aadmiga ka soo galaa marinka afka “the fecal-oral route”, wuxuuna weheliyaa waxyaabaha la quuto amma la cabo sida biyaha iyo cuntada. Haseyeeshee cuddurka Daacuunku ma aha mid ka caan ah meelaha ay ka jiraan addeegyo bulsho oo horumarsan sida hanaanka biyo qaybinta iyo nadaafada guud. Run ahaantii daaweynta bukaanka & baadhitaanka cuddurka Daacuun “ Definitive diagnosis and treatments”  ma aha ahmiyadda koowaad ee waxa ka muhiimsan maareynta shuban biyood kasta oo dhaca. Kaasi oo loo samaynayo fuuq-celin “Replacing the lost fluid and electrolytes”, ka dibna waa in bukaanka la siiyaa dawooyinka loo yaqaan “anti-microbial agent”.

TAARIIKHDA CUDDURKA DAACUUN:

Hadaan wax ka tilmaamo taariikhda soo jireenka ah ee cuddurka Daacuun aan tilmaamo inuu yahay cuddur guun ah “Ancient disease” oo uumiyuhu yaqaanay qarniyaal badan. Waa mid bulshada dunida guudkeeda ku dhaqan si baahsan “Sporadically” u asiiba oo saameyn xun leh “Devastating effect”, marka uu Daacuunku dilaaco “Outbreaks of cholera”. 

Taariikhda sugan ee cuddurka Daacuunku waxay ka soo bilaabmaysa ka hor dhalashadii nabi Ciise. Marka laga duulo kayd taariikheedka uu ka tagay ninka loo aqoonsan yahay aabaha culuumta caafimaadka bahda reer galbeedka ah oo lagu magacaabi jiray Hippocrates amma Hippocrates-ii oo xusay in gacanka Hindiya uu ka dhacay cuddurka Daacuun.

Qarnigii 19aad dhakhtar u dhashay dalka Britain oo lagu magacaabi jiray john Snow ayaa markii ugu horaysay bixiyay addeega hoos dhigida hanaanka faafida cuddurka Daacuun. Isaga oo hoosta ka xariiqay in biyo nadiif ah oo bulshadu heshaa tahay dariiq hoos u dhigi kara khatarta faafida cuddurka. Xiligaa oo cuddurka Daacuunku dib uga qarxay magaalada London, gaar ahaan degmada Soho, ayuu john Snow ku dooday in qasabadaha addeega biyaha magaalada London ay yihiin isha soo burqanaysa cuddurka daacuunka.

Inkasta oo  uu john Snow goortaa amma xiligaa ka hadlay arrimo badan oo muhiim ah, hadana daahfurkii caabuq dhaliyaha cuddurka Daacuun, waxaa lagu tixgaliyaa Robert Koch oo u dhashay dalka Germany, oo bartay culuumta bakteeriyada “Bacteriologist”.  Si kastaba qarniyadii 19 iyo 20 aad cuddurka Daacuun, wuxuu ahaa mid halis badan ku haya meelo badan oo ka mid ah dunida, weliba nooca loo yaqaan V cholerae O1 of the classic biotype”. Xili dayreedkii sanadkii 1992-kii ayaa ka lagu arkay dalka Bangladesh nooc cusub oo ka mid ah caabuq dhaliyaha Daacuun oo la yidhaa Vibrio cholerae serogroup O139 or Bengal”. Isaga oo sanadkii 1993-kii gaadhay dalka India, wuxuuna noqday daacuunkii ugu baaxada waynaa ee dhaca muddo ku siman 11 qarni.

Taariikh ahaan cuddurka daacuunku wuxuu aad iyo aad ugu yar yahay bulshooyinka horumarka ka gaadhay dhinaca warshadaynta, koboca dhaqaalaha iyo nadaafada guud, balse wuxuu ku xoogan yahay qaarada afrika, gaar ahaan waddamada ka hooseeya saxaraha iyo qaarada yar ee Hindiya. Inta badan cuddurkani waa mid la arko oo dilaaca:

  • Dagaalada ka dib, siiba aagaga ay xasilooni daro ka jirto.
  • Meelaha ay ka dhacaan masiibooyinka dabiiciga ah ee biyaha iyo cuntadu wasakhawdo.
  • Iyo meelaha isku raranta ah ee bilicda nadaafadu ka liidato.

MEELAHA UU KA DHICI KARO CUDDURKA DAACUUN:

Haddii aan wax ka xuso meelaha uu ka dhici karo cuddurka halista badan ee Daacuun, waxaan tusaale usoo qadan karaa meelahan soo socda:

  • Wuxuu ka dhici karaa waddamada danyarta ah ee aan yaraatee haysan nadaafad guud iyo biyo nadiif ah oo ku filan.
  • Wuxuu ka dilaaci karaa waddamada la dhiban aafada dagaalada oo laga yaabo in ay ka burburaan kaabayaasha guud, sidda dhismayaasha, biriijyadda, waddooyinka iyo hanaanka tamarta korontada.
  • Wuxuu ka qarxi karaa meelaha ay ka jirto abaarta, macaluusha iyo deegaamada isku raranta ah sida xeryaha qoxootiga iyo goobaha dadka lagu quudiyo.
  • Wuxuu dhibaateeyaa waddamo badan oo ka mid ah kuwa soo koroya sida kuwa Afrika, Aasiya, & badhtamaha iyo koonfurta qaarada Ameerika.

Halkaa waxaa ka cad in cuddurka kan Daacuun laga filan karo geyiga somalida ee abaartu halista ku hayso maanta. Sidaa darteed, walaal ma la socotaa xaalada ka taagan degmadeena?. Haday jawaabtu haa tahay, bal ku dhereri sheegmada sare ku xusan xaalada geyiga ka jirta ee dadka soomaaliyeed ay ku sugan yihiin maanta. Waxaan halis ugu jiraa xaalad adag  iyo cuddurro badan oo sababi kara shuban biyood ee fadhiga ha laga kaco.

HABKA FAAFIDA CUDDURKA DAACUUN:

Run ahaantii cuddurka Daacuun, waa mid ku faafa amma ku fida liqida cuntada iyo cabitaanka biyaha wasakhaysan. Faafida cuddurkani waxay u dhacdaa labo siyaabood oo waawayn. Kuwaasi oo kala ah faafid toos ah iyo mid dedban oo ka timaada wasakhaynta cuntada iyo biyaha ee sindhada “Saxarada” amma mataga, ka dibna waxyeelo wayn ayuu gaadhsiiyaa aadmiga uu asiibo.

La soco oo ha ilaabin in cuddurka daacuunku yahay mid kaliya asiiba aadmiga, oo aannu jirin cayayaan gudbiya iyo xayawaan marti galiye  toona. Waxa adag in la iskugu gudbiyo taabashada jidhka, gacan qaadka & Waddaagida dharka, balse waxa jira arrimo kor u qaada faafida cuddurka kan.

Hadaba, haddii ad hoos isku waydiisay goorma ayuu qofku qaadi karaa cuddurka daacuun?. Waxaan ku leeyahay wuxuu qaadi karaa marka uu qofku cunno amma cabo cunto iyo biyo wasakhaysan. Khatarta ugu wayn ee cuddurka daacuunka faafisaana waa wasakhaynta Saxarada ee biyaha iyo wasakhowga cuntada. Xaqiiqdii fiditaanka cuddurkan, waxa kaalin waafiya ka qaadan kara biyaha iyo bilaacaddaha khashin sidka ee aan la daaaweyn.

WAXYAABAHA DHALIYA CUDDURKA DAACUUN:

Run ahaantii, cilmiyan cuddurka daacuun waxa sababa dulinka ilma qabayga ah ee la yidhaa Vibrio cholera, gaar ahaan nooca ku abtirsadda jilib hoosaadka “Vibrio cholerae bacteria of serogroups O1 and O139”  waxa jira qodobo dhawr ah oo  ka qayb qaata faafida cuddurka halista badan ee daacuunka, waxaana ka mid ah:

  • Dadka: Waa marka ay ku liitaan nadaafada iyo iska warhaynta shaqsiga ah “Low personal hygeine”.
  • Deegaanka: Waa marka nadaafada iyo bilicda guud ee goobta, degmada amma guud ahaan deegaanku liidato “Inadequate public sanitation”.
  • Biyaha & Cuntada: Waa marka ay wasakhaysan yihiin cuntada iyo biyaha dadku quutaan amma ay cabaan “Contaminated”.
  • Nafaqo-daro: Waa marka ay cuntadu yar tahay sida xiliyada abaaraha, waxayna kor u qaadaysaa u nuglaanta cuddurka daacuunka.

Dhanka kale waxaa iyaguna aad iyo aad ugu nugul qaaditaanka cuddurkan dadka ka shaqeeya arrimaha bini-aadannimada ee ka hawl gala goobaha ay ka dhacday masiibada daacuun iyo dadka ku jira xeryaha qoxootiga amma goobaha quudinta dadwaynaha aafada abaartu saameysay ee isku raranta ah, oo laga yaabo in ay ku liitaan nafaada guud iyo addeega suuliyada.

WAXYEELADDA CUDDURKA DAACUUN:

Waxyeeladda uu leeyahay cuddurka daacuun waa mid aad u wayn oo aan qormo iyo laba toona lagu soo koobi karin. Haseyeeshee waxaan maanta ka hadli doona siyaabaha amma hanaanka fulinta dhibaateynta uu aadmiga gaadhsiiyo marka uu asiibo. Runtii marka bakteeriyadu ay gaadho mindhicirka  aadmiga waxay adeegsataa labo walxood oo la isku yidhaa ilma “Antigens”. kuwaasi oo u kala baxa labo ardaa oo kala:

  • Walax timo dheer ah qaab ahaan “Flagellar H antigen” oo sababa dhaqdhaqaaqa bakteeriyada.
  • Walax unugeed “Somatic O antigen”, waayo waxay degan tahay gidaarka unug yaraha ilma qabatayga bakteeriya ee la yidhaa gram negative iyo postive.

Sidoo kale, Waxa xusid mudan in noocyada ilma qabayga daacuunka keena ee Vibrio cholera loo kala saaro labo waaxood oo waawayn, kuwaasi oo kala ah:

  • Nooc waxyeelo wayn gaadhsiiya aadmiga “Pathogenic strains” iyo
  • Nooc aan waxyeelo lahayn oo la yidhaa “Non-pathogenic strains”.

Inkasta oo tirada guud ee Vibrio Cholera lagu sheego in ka badan 200 oo nooc “More than 200 serogroups of V cholerae”. Hadana waxa la xaqiijiyay in labo nooc oo ka mid ah 200 ee nooc ay gaystaan waxyeeladda ugu badan. Kuwaasi oo la kala yidhaa Vcholerae O1 and Vcholerae O139”.  Balse xiliyadan danbe waxaa la ogaaday in ay jiraan labo nooc oo kale. Kuwaasi oo ah kuwo dhibaato wayn u gaysta aadmiga, kuwaasi oo kala ah “The El Tor biotype of V cholerae O1”. Hadaba, labadan ilma qabatay ee danbe, waxa loo sii kala saaraa dhawr jufo hoosaad oo kala ah:

  • Serotype Inaba – O antigens A and C .
  • Serotype Ogawa – O antigens A and B.
  • Serotype Hikojima – O antigens A, B, and C. 

 

Guud ahaan, noocyada kala gedisan ee ilma qabayga sababa cuddurka daacuun ee la yidhaa Vibrio Cholera ayaa ka siman soo saarida sun aad u awood iyo tamar badan oo la yidhaa enterotoxin. Waxayna dhiirigalisaa in dareeraha dhiiga iyo walxaha dhiiga la socdaaba ay tagaan marinka mindhicirka yar ee ka tirsan habdhiska dheefshiidka. Tani ayaa aad u sahlaysa in xanuunku tisqaado oo uu si sahlan u dhaco. Inkasta oo ay ku xidhan tahay cudduda iyo cadadka jeermiska ah ee qofka soo gala. Ka dib marka difaaca qofka la jabiyo waxaa muuqanaya calaamadihii cuddurka oo bahda caafimaadku aad u wadda taqaan.

 

CALAAMADAHA LAGU GARTO CUDDURKA DAACUUN:

Caadiyan cuddurkani wuxuu ka mid yahay koox cuddureedka ku faafa biyaha iyo cuntada oo si degdeg ah usoo bandhiga matag iyo shuban. Kuwaasi oo loo yaqaan “Acute enteric disease”. Wuxuu leeyahay waxyeelo badan oo kala gedisan, balse waxaa la og yahay inta badan inuu yahay mid  astaamo dahsoon “asymptomatic infections”.

Marka ay waxyeeladiisu fududdahay waxaa lagu arkaa shuban biyood degdeg ah, oo aanay la socon astaamo amma calaamado kale oo lagu xaqiiqsado cuddurka. Hadii ay waxyeeladiisu daran tahayna wuxuu soo bandhigaa amma lagu arka qofka uu asiibo cuddurka daacuun, shuban biyood degdeg ah, matag, yalaalugo, iyo fuuq bax degdeg u dhaca.

Bukaanka noocan ah hadaan markiiba lala gaadhin fuuq celin iyo dawayn, waxaa la saadaaliyaa inuu saacado kooban gudahood habdhiska wareega dhiigu ku dumi karo oo u sabab u noqon karo dhimashada bukaanka. Calaamadaha waawayn ee lagu arko qofka uu asiibo shuban biyoodku waxaa ka mid ah:

  1. Shuban: Run ahaantii shubanka daacuunku waa mid u janjeedha dhinaca degdegsiimaha, oo si dhakhso ah u keeni kara fuuq bax halis ah. Qiyaastii hal litir oo dareere ah ayaa ka baxa halkii saac qofka cuddurkani asiibo. Muuqaalka sindhada amma Saxarada ayaa noqda midab isku badhsan “Pale & milky colour” oo caddaan ku jiro, balse aannu aad u muuqan, waxaana loo yaqaan “Rice-water stool”.

 

  1. Matag & yalaalugo: Yalaalugada waxaa la arkaa foolka amma wajiga koowaad ee cuddurka, hadii ay sii dabo dheerato oo ay saacado qaadato, waxay keentaa matag qayb wayn ka qaadan kara fuuq baxa bukaanka.

 

  1. Fuuq-bax: Wuxuu u dhacaa si degdeg ah, weliba wakhti yar ka dib marka la arko Calaamadaha cuddurka daacuun. Sheegmada heerka fuuq-baxa iyo halistiisu, waxay ku xidhan tahay kolba inta dareere ah ee bukaanka ka baxa. Sida la wada ogsoon yahay fuuq-buxu wuxuu degdeg u lumiyaa walxaha macdanta ah “Minerals or solid inorganic substance of natural occurrence” ee  dhiiga aadmiga la socda. Ammuurtan ayaa ah mid aakhirka dhantaasha  dheelitirnaanta walxaha muhiimka ah ee loo yaqaan Electrolytes sida Potasium, Sodium iyo Chloride. Hadaba cawaaqib xumada ka dhalata xaaladan waxaa loogu yeedhaa Electrolyte imbalance”, waxayna muujisaa astaamo khatar ah gaar ahaan:

 

  • Muruq- garaac “Muscle cramps. Waa natiijo ka dhalata lumida walaxda isku dhiska cusbada sodium chloride “Nacl2” iyo walaxda muhiimka ah ee potassium.

 

  • Argagax “Shock”: Tani waa waxyeeladda ugu daran ee fuuq baxa, waxaana yaraada xadiga dhiiga ah ee ku sugan habdhiska wareegga dhiiga. Taasi oo keenta xadidnaanta caddaadiska dhiiga iyo cadadka oxygen-ta jidhka ku jirta “A drop in blood pressure and a drop in the amount of oxygen in your body. Hadii aan bukaanka daawo lala gaadhin, wuxuu u gudbaa marxalad adag oo la yidhaa “Severe hypovolemic shock, oo laga yaabo in ay dhimasho u horseedo daqiiqado gudahood.

Ugu danbeyntii, guud ahaan ciyaalku calaamadaha lagu arko, waxay kala siman yihiin dadka waawayn, balse waxay aad iyo aad ugu nugul yihiin hoosaynta heerka macaanka dhiigooda ku jira “Hypoglycemia”. Waxaana sabab u ah fuuq baxa ku dhacay oo dhalin kara:

  • Miyir la’aan “unconscious”.
  • Suuxdin “Suizures”.
  • Koomo “Coma”.

HANAANKA BAADHITAANKA CUDDURKA DAACUUN:

Si kooban shuban biyoodka waxaa laga baadhi karaa meelo badan oo ay ka mid yihiin Saxarada iyo mataga qofka, cuntada iyo biyaha wasakhaysan. Waxaana loo adeegsan karaa baadhidooda dariiqyo kala gedisan oo ka kooban baadhitaan degdeg ah  iyo mid  muddo qaata.

Baadhitaanka degdega ah waxaa ka mid ah in Saxarada amma mataga la soo qaado oo la eego astaamaha ka muuqda muunada sidda midabka, urta iyo waxyaabaha weheliya “Dhiig amma axalo iwm”. Deetana qadar yar oo ka mid ah saxarada iyo dhibic faleebo ah “Normasaline 0.9%”   la isku laaqo, ka dibna lagu baadho Microscope-ka. Dariiqan amma jidkan ayaa loo yaqaan “Direct Method or direct examination”.

Baadhitaanka daaha amma mudada qaata waxaa la yidhaa tubta korinta “Culture method”, halkan marka la joogo waxaa muhiim ah in la eego astaamaha koriinka bakteeriyada iyo adeegsiga baadhitaanka “Biochemical test” lagu kala sooco wax soo saarka noocyada kala gedisan ee bakteeriyada.

CALAAMADAHA LAGU GARTO CUDDURKA DAACUUN: 

Caadiyan cuddurkani wuxuu ka mid yahay koox cuddureedka ku faafa biyaha iyo cuntada oo si degdeg ah usoo bandhiga matag iyo shuban. Kuwaasi oo loo yaqaan “Acute enteric disease”. Wuxuu leeyahay waxyeelo badan oo kala gedisan, balse waxaa la og yahay inta badan inuu yahay mid  astaamo dahsoon “asymptomatic infections”.

Marka ay waxyeeladiisu fududdahay waxaa lagu arkaa shuban biyood degdeg ah, oo aanay la socon astaamo amma calaamado kale oo lagu xaqiiqsado cuddurka. Hadii ay waxyeeladiisu daran tahayna wuxuu soo bandhigaa amma lagu arka qofka uu asiibo cuddurka daacuun, shuban biyood degdeg ah, matag, yalaalugo, iyo fuuq bax degdeg u dhaca.

Bukaanka noocan ah hadaan markiiba lala gaadhin fuuq celin iyo dawayn, waxaa la saadaaliyaa inuu saacado kooban gudahood habdhiska wareega dhiigu ku dumi karo oo u sabab u noqon karo dhimashada bukaanka. Calaamadaha waawayn ee lagu arko qofka uu asiibo shuban biyoodku waxaa ka mid ah:

  1. Shuban: Run ahaantii shubanka daacuunku waa mid u janjeedha dhinaca degdegsiimaha, oo si dhakhso ah u keeni kara fuuq bax halis ah. Qiyaastii hal litir oo dareere ah ayaa ka baxa halkii saac qofka cuddurkani asiibo. Muuqaalka sindhada amma Saxarada ayaa noqda midab isku badhsan “Pale & milky colour” oo caddaan ku jiro, balse aannu aad u muuqan, waxaana loo yaqaan “Rice-water stool”.

 

  1. Matag & yalaalugo: Yalaalugada waxaa la arkaa foolka amma wajiga koowaad ee cuddurka, hadii ay sii dabo dheerato oo ay saacado qaadato, waxay keentaa matag qayb wayn ka qaadan kara fuuq baxa bukaanka.

 

  1. Fuuq-bax: Wuxuu u dhacaa si degdeg ah, weliba wakhti yar ka dib marka la arko Calaamadaha cuddurka daacuun. Sheegmada heerka fuuq-baxa iyo halistiisu, waxay ku xidhan tahay kolba inta dareere ah ee bukaanka ka baxa. Sida la wada ogsoon yahay fuuq-buxu wuxuu degdeg u lumiyaa walxaha macdanta ah “Minerals or solid inorganic substance of natural occurrence” ee  dhiiga aadmiga la socda. Ammuurtan ayaa ah mid aakhirka dhantaasha  dheelitirnaanta walxaha muhiimka ah ee loo yaqaan Electrolytes sida Potasium, Sodium iyo Chloride. Hadaba cawaaqib xumada ka dhalata xaaladan waxaa loogu yeedhaa Electrolyte imbalance”, waxayna muujisaa astaamo khatar ah gaar ahaan:

 

  • Muruq- garaac “Muscle cramps”. Waa natiijo ka dhalata lumida walaxda isku dhiska cusbada sodium chloride “Nacl2” iyo walaxda muhiimka ah ee potassium.

 

  • Argagax “Shock”: Tani waa waxyeeladda ugu daran ee fuuq baxa, waxaana yaraada xadiga dhiiga ah ee ku sugan habdhiska wareegga dhiiga. Taasi oo keenta xadidnaanta caddaadiska dhiiga iyo cadadka oxygen-ta jidhka ku jirta “A drop in blood pressure and a drop in the amount of oxygen in your body”. Hadii aan bukaanka daawo lala gaadhin, wuxuu u gudbaa marxalad adag oo la yidhaa “Severe hypovolemic shock”, oo laga yaabo in ay dhimasho u horseedo daqiiqado gudahood.

Ugu danbeyntii, guud ahaan ciyaalku calaamadaha lagu arko, waxay kala siman yihiin dadka waawayn, balse waxay aad iyo aad ugu nugul yihiin hoosaynta heerka macaanka dhiigooda ku jira “Hypoglycemia”. Waxaana sabab u ah fuuq baxa ku dhacay oo dhalin kara:

  • Miyir la’aan “unconscious”.
  • Suuxdin “Suizures”.
  • Koomo “Coma”.

HANAANKA BAADHITAANKA CUDDURKA DAACUUN:

Si kooban shuban biyoodka waxaa laga baadhi karaa meelo badan oo ay ka mid yihiin Saxarada iyo mataga qofka, cuntada iyo biyaha wasakhaysan. Waxaana loo adeegsan karaa baadhidooda dariiqyo kala gedisan oo ka kooban baadhitaan degdeg ah  iyo mid  muddo qaata.

Baadhitaanka degdega ah waxaa ka mid ah in Saxarada amma mataga la soo qaado oo la eego astaamaha ka muuqda muunada sidda midabka, urta iyo waxyaabaha weheliya “Dhiig iwm”. Deetana qadar yar oo ka mid ah saxarada iyo dhibic faleebo ah “Normasaline 0.9%”   la isku laaqo, ka dibna lagu baadho Microscope-ka. Dariiqan amma jidkan waxaa loo yaqaan “Direct Method or direct examination”.

Baadhitaanka daaha amma mudada dheer qaata waxaa la yidhaa tubta korinta “Culture method”, halkan marka la joogo waxaa muhiim ah in la eego astaamaha koriinka bakteeriyada iyo adeegsiga baadhitaanka “Biochemical test” lagu kala sooco wax soo saarka kimikaad ee noocyada kala gedisan ee bakteeriyada.

KA HORTAGA CUDDURKA DAACUUN:

Waxaa jira arrimo badan oo muhiim u ah ka hortaga cuddurka shuban biyoodka, kuwaasi oo ay tahay in laga hirgalinayo aagaga cuddurku ka dilaaco. Waa sidatan:

  • Cabitaanka biyo nadiif ah sida biyaha caagaha yar yar ku jira ee la sifeeyay amma sifaysan “Bottled water”, biyo la kariyey amma biyo karsan “Boiled water” iyo biyo daawaysan “Chemically treated water”.
  • Ka fagow cabitaanka biyaha baanbaddaha “Tap water” haddii aad ku nooshahay aag daacuur ka dilaacay iwm.
  • Ku maydh amma ku dhaq gacmahaaga saabuun iyo biyo nadiif ah. Haddii ayna biyo oollin aagga aad joogto, fadlan isticmaal alcohol-ka gacmaha lagu nadiifsado. Fadlan nadiifi gacmahaaga ka hor iyo ka dib cunto cunista, marka aad cuntada diyaarinayso iyo ka dib jidh maydhashadaba.
  • Biyo nadiif ah ku maydh weelka cuntada laga cuno, sidoo kale cadayashada u addeegso biyo nadiif ah sida biyaha caagaha yar yar ku jira ee la sifeeyay amma sifaysan “Bottled water”, biyo la kariyey amma biyo karsan “Boiled water” iyo biyo daawaysan Chemically treated water”.
  • Cun cuntada warshadaysan ee xidhan amma isticmaal cunto cusub oo diirran. Ha cunin cunto qaydhiin “caydhin” iyo hilib aan la karin, hana isticmaalin khudradda diirka ka xoqan.
  • Ilaali nadaafada iyo bilicda deegaanka, oo isticmaal suuli si looga hortago wasakhowga deegaanka, biyaha iyo cuntada.

DAWAYNTA & MAAREYNTA:

Daaweyntu waxay ku xidhan kolba xaaladda bukaanku sida ay tahay, waxaana lagu daweeyaa qodobadan halkan ku xusan:

  • Dareere fuuq-celis ah oo afka iyo xididka laga qaato, bukaanka loogu sameeyo fuuq-celin.
  • Dawada waxa ugu muhiim nooca liidka ku ah bakteeriyada “Antibiotics”, taasi oo hoos yarayn karta muddada shubanka, islamarkaana ka hor tagta sii fiditaanka cuddurka.
  • Runtii maareynta iyo maamulka ugu wanaagsan ee loo sameyn karo bukaanka cuddurkani asiibaa waa in degdeg loola gaadhaa cisbitaal, si loo siiyo daaweynta fuuq-celinbta ah.

 

Jamal A. Muse, Kuala Lumpur.

 

jamalabdiya@gmail.com/dankaabo@hotmail.co.uk/hirdanheer@gmail.ocm

 

Comments are closed