|

DEG DEG:- Somaliland Oo Diiday In Uu Diyaaradda Ka Soo Dego Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Madarka Hargaysa Soo Gaadhay + Halkuu U Socday?

June 18, 2017 Muqdisho (Cadceed) –Somaliland Oo Diiday In Uu Diyaaradda Ka Soo Dego Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Madarka Hargaysa Soo Gaadhay + Halkuu U Socday?

Ra’iisal wasaaraha Somaliya Mr. Khayre waxa uu ka mid ahaa dadkii la socday duulimaadkii Madaarka soo gaadhay 7:17 subaxnimo ee saaka waxaana si caadi ahloo arkay isaga oo damacsan in uu nasasho qadar ah ku qaato Madaarka Hargaysa ka dibna uu u sii dhaafo halka uu u socday balse arintaasi waxa diiday masuuliyiinta Madaarka Hargaysa

Mr. Khayre waxa uu Madaarka kula balansanaa inta uu nasashada yahay koox siyaasiyiin ah oo xisbiga Waddani ka tirsan balse arintaasi ma suurta galin.

Hab dhuumasho ah oo uu doonayey in aan loo garan in uu raysal wasaarihii yahay ayuu kaga soo degay Madaarka balse waa laga diiday in uu xayndaabka diyaaradda dhaafo waxaana uu sitay Koofiyad bulug ah iyo Muraayado madow oo sahlaya in aanu qofku hore u garan.

Lama garanayo u jeedada socdaalka khayre balse dadku waxa ay u fahmeen in uu doonayey inta uu sawiro hoose iskaga qaado uu baraha saxafada wadankiisa ku baahiyo in uu Hargaysa ka degay taasina muujinayso in ay Somaliya tahay.
d

Comments are closed