|

Wasiir Cadaani Halyey aan gaban

Waxaan salaamaya bahda saaxafada ee qalbiga iyo maskaxda ka xoorta ah , waxaana salaamaya muwadiniinta Somaliland.

waxaan shaki ku jirin layskuna khilaafi karin inay daacada iyo kartidu ay u tahay dhagaxa u asaaska ah ama tiir dhexaadka wax waloo la qabto ama hawl waloo biniaadamku u dhaqaaqo, labadaasna hadii laga waayo howl loo dhaqaaqo mid qaran ama mid gaaraba, midha badani kama dhashaan,waxaa soo raaca aqoonta ,planka iyo kudhaca ama ku dhiiriga,lakiin intaa hadaanad ka daacad ahayn waxbadani kuuma qabsoomayaan. hadaba masuuliyada aad qaranka u qabataa hadaanad daacad ka noqon oo dadaal gelin masuuliyadaa laguu igmaday midha sidaad uga dhalisaa way kugu adkaanaysaa,qaranka howshaad u qabataa marka hore waa mid aad eebahaa raali kaaga noqonayo bulshaduna kaaga marag kacayso markaad si daacada ugu shaqayso.

waxaan intaa uga socdaa xukuumadeena maanta ka talisa waxaa ka soo mudhay shakhsiyaad runtii ka tilmaaman mas’uuliyinta kalee xukuumada fartana lagu fiiqo haday noqoto wasiir ama mid ka sii hooseeyaba waa wasiirka warfaafinta Md.cismaan saxadiid CADAANI.

shacabweynaha aya ku faana in ay Somaliland maanta leedahay wasir sida CADAANI oo runti ka shaqeya danta guud ee Somaliland,ninka waxqabadkiisu a fara badan yihiina sxb tv.gamar walba wad ka daawanaysa amba diid amba yeel !!!,mashaariicda u uu wasir CADAANI ka wado qarankana waa la arka dadaalkiisa min ceerigaabo ila boorama , taaso waxay tusaysa dadka aan si wanaagsan u garanayn CADAANI inuu yahay siyaasi khibrad weyna ku leh diblumasiyadda. runtii waxaa wax lagu farxo ah markaad aragto shakhsi mas’uula oo qarankan howl u haya weliba mid culus sida wasaarada warfaafinta oo aynu wada garankarno culayskay leedahay ,hadana markuu masuulkaasi ka soo dhalaalo shaqadiisa waa mid farxad dheeraad ku gelinaysa taas waxaa u raacad markaad aragto daacadnimada iyo kartida ka muuqata waa mid kaloo farxad dheeraada kugu abuuraysa iyo kalsooni. Waa nin mabd’ leh waligiina wuxuu ah kulmiye kaadidiisana u soo cabay,mana baqdo.

lagama yaabo inaynu isku khilaafayno wasir CADAANI waxqabadkiisa iyo kartidiisa, daacdnimadiisa iyo shakhsigiisaba waa shakhsi ka madhan qabyaalada iyo ku dhaqankeeda ,waa shakhsi jecel inuu sinaan iyo cadaalad wax ugu qabto umadiisa Somaliland,bal eeg wadooyiinka ka socda dhismahooda bari iyo galbeedba . waxaan ku soo gabagabaynaya runtii waa mid waajib aan u arkay in kelmed wanaagsan aan ka idhaahdo shakhsi ku tilmaaman waxqabad iyo siirad wacan, ilaahay hala garab galo wasiir CADAANI hawshiisa qaran, waxaan leeyahay inta joogta wadanka shacab iyo masuulba in lagarb istaagno wasiir

CADAANI guulaha u uu wado qaranka,waxaanu ku garab taaganahay wasir .WADDANI kitaab muqadas maaha in la galo ,kuwa sheegayna hala khaarijiyo adeer CADAANI dadkiisa iyo shicibkiisaba garab istaagee ee aayar u fadhista !!.

 

Saadaashu waa khayr …

Qore Khadar Ibrahim

Khadar338@hotmail.co

Comments are closed