|

Shirka Komishinka iyo axsaabta Qore Khadar Ibrahim

Waxaan salaamaya bahda saaxafada ee qalbiga iyo maskaxda ka xoorta ah ,waxaana salaamaya muwadiniinta Somaliland.

Iyadoo maanta la sheegeyay in kulan isku iman doonaan komishinka doorashooyinka iyo axsaabta qaranku kuna saabsan doorashadda,waxaan huba ocid walba dareemaysa abaarta xun ee aafada ku ah dalkeena iyo umadeena ilaahayna ugu baryana si uga qaadi laha oo raxmadiisa u shubi laha umadiisa isaga raxmaan ah.waxaana haboon in dib ku imaado oo lagu daro madaxeyne axmed maxamamed silaanyo sanad iyo badh oo wakhti munaasib ah noqoto OCT 2018 iyadoo dalku ka kaabmi laha abaartan xun ee haysata.Shaki kuma jiro in Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo ay la timid dedaal iyo waxqabad muuqda oo aan la iska indho tiri Karin, qofkii in uun dareen waddannimo lihina si cad ayuu u qiri karaa, Waa dhacdo dabiici ah inaan cid waliba ku qanaci doonin horumarka bulsho iyo wax qabadka uu qaranku ku tallaabsado, guushuna cadow badan ayay leedahay, sidaa darteed ma aha wax lala yaabo in Xukuumadda M/weyne Silaanyo xasad iyo xag xagasho xeeladaysan oo ay wadaan kooxo iyo shakhsiyaad iyagu mar walba wata aragti, himilo iyo hanqal taag siyaasadeed oo u gaar ah oo ka duwan ta danta guud ee shacbiga somaliland sida xsaabta mucaariidka. Umadda reer somaliland waxay u hayaan madaxweyne silaanyo meel gaar ah hana la yaabin taageeradda balaadhan ay u mujiiyen bulshaweyntu xukuumadiisa taasuna waxay ku tosaysa shacbiyadda iyo jecelka ay umaddan u hayso madaxweynaheeda, waana ta ku guulaysan doono xisbiga kumliye talada dalkana sii wadi doono musharaxiisa gudoomiye MUUSE BIIXI..

Saadaashu waa khayr

W/Q Khadar Ibrahim

Khadar338@hotmail.com
Attachments area

Comments are closed