|

Reer Awdal Wax ay isku yihiin iyo intay isku jiraan ayaa ka wayn Wax ay isku hayaan iyo Siyaasada

Umad waliba oo ilaahay meel ku wada uumo inta badan waxaa ka dhexeeya dhalasho, taasi Ayaana keenta in ay meel ku wada hirtaan kuna wada abtirsadaan, Shacab weynaha gobolada galbeedka waxay ku wada abtirsadaan magac weynaha GADABUURSI, magacaasi iyo inta magac ee la halmaasha ee  ay wadagaan waa lama taabtan , ceeb ka saliima mudan in la dhawro oo la ilaaliyo.

Shacab hadii rabi meel ku wada uumo , waxaa qurxoon inay gartaan inta ay isku jiraan, is riix riixa iyo wax  kala qaadasho marnaba lama waayo, waana sunaha nolosha in mar walba midi wax tawdo oo kale farta ku fiiqo.

Waxaad moodaa baryahan dambe in arimaha gobolada galbeedka xiinka siyaasada ee xisbiyadu dhex wadaan aad moodo in ay keentay in kala shiki aad u balaadhani oo kala dhex galo dil dilaacna u muuqdo, shacabka intooda jilicsanina ay run moodaan xiinka ay abuurayaan siyaasiyiinta iyo ay siyaasi cuqaashu.

Waxaa nasiib daro ah in nus dambeekii dhaqanka ee goboladan sidan Suldaan Salebaan, Suldaan Dhawal , suldaan Samatar iyo Suldaan Wabar, saladeen iyo cuqaal kaloo badan, aad moodo in ay ku fashilmeen in ay shacabkood u matalaan hogaankii dhaqanka ee  loo  cumaamaday, waxay ku milmeen nidaamka siyaasada ee ku dhisan beelaysiga iyo reer hebel waxay ka saaqideen in shabcabkooda ay u ahaadaan nus dambeed dhaqan oo markay arimo nuucan oo kale ah soo kala dhex galaan iyago furdaamiyaan.

Shacabka goboladan galbeedka waxaan mar labaad xusuusinayaa , waar inta aan isku jirno ayaa ka saraysa siyaasiyiinteena.SAYLICI, SEED , IYO MAXAMED CALI.nimankan iyo inta la safataa waa siyaasiyiin raba kolba sida ay ku helayaan kurisigooda, sadexduba waxay isku dilayaan oo ay shacabka u kala gaynayaa waa kursi  siyaasadeed  ay yartahay awood fulineed.

Duqayda dhaqanka ee kumilmay Siyaasada waxaan leeyahay waar adeerayaal ilaahaybaan idinku dhaarshee, talaabo dib u qaada oo garta wixi laydiin cumaamaday ee laydiin doortay, waxaa iska cad in nimankaasi siyaasiyiinta ah ay jeebka gashadeen oo ay julmateen  , waxaan la gudboon in ay gartaan in shacabkana dhulkan ilaahay dhigay yahay mid barkaysan oo ka soo bad baaday maleegyo siyaasadeed oo hore , cida kaliya ee ay abaal u hayaan waa duqaydii soo jireenka ahayd ee soo martay goboladan kuwaasi oo dhamaantood ahaa duqay xalaala ilaahayna garansiiyey ujeedada ilaahay shacabkan horjooge uga dhigay, kuwan waxaan leeyahay adeerayal garta wax awoowyasheen  horay u garteeen bal dib u jaleeca, Suldaan Muxumed Nuur (Guray) Suldaan Muuse Jaamac goodaad iyo salaadeeni badan oo aanan magacood halkan ku soo koobayn oo qiimo iyo qaayo inoogu fadhiyey(ALLAHA U NAXRIISTO DHAMAANTOOD)siday shacabka u kala hayeen iskugu hayeen .

Dhalinyarada waxaan leeyahay idinka ahayd inaad gartaaan wax xun iyo wax san, shirarka iyo urur duceedyada ku dhisan anaa reer hebel ah ,waa farta siyaasiyiinta wax ma garatada  ee miciinkoodu noqday ,aniga reer hebel iyo inaga celiya reer hebel.

Waar dhalinyarooy wax badan ayaa idiin qaydhiin oo idin horyaal, mar walba waxaa ku xiga wiilka ama gabadha aad wadaagtaan fikir ee kuma xigo ka aad isku abtirsataan, waxaa ku xiga ka aad isku kursiga tihiiin, waxaa ku xiga ka aad jaarka tihiin waxaa ku xiga ka aad isfahantaan, dhalinyaroow wax shacabkeenu kaga duwanaa somalida kale ee aan mandaqada kuwada noolnahay waxaan ka foyoobayn qabyaalada iyo reer hebel, yaan layna dagin ,yaan layna kala qaybin, waxaan wadaagna hal magac oo guud , waa magaca GADABUURSI ,magacaasi wax ka hooseeya oo aad isku yeedhan yaanu jirin , runa ha moodina hugunka iyo xiinka siyaasiyiinteena ay ugu badiso inaad reero ukala fadhiisataan .

 

C/casiis M jama

London.

Comments are closed