|

Hanka Masuuliyiinta Gabiley Oo DHaafi Waayey Soo DHaweynta Ciduu Kulmiye U Yeedhiyo. Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax{Jeesto}.

Deegaanba Awrbaa
Ku kor dibinaayoo
Waxay daawadaan hebal
Lagu yidhi dartiinbaa
Duubka loogu xidhey
La yidhaa kama dage
Nin daardaari kara male
Markuu duryaabaa
Laga daba qufacaa.

Waa maansadii daba-taxan ee muhandis, mukhtaric, maansoyahan, macalin, mafakir, AUN Marxuun maxamed xaashi dhamac (Gaarriye).

Gobalkan masnada ah Ee gabiley oo asal ahaan bulshadiisu Somaliland ay ka dhex muuqato ayaa waxa la moodaa marka gabiley ahaan loo cabirayo umadiisa mid liita oo ah Reerka, reerka dabayaala, waxana runtii ugu wacan mansabkan han-yarida, hogaan la,aanta, hiil la,aanta, kala hugunka, is hanfarka, kala huleelsiga dhamaan la kala dhex dhigey bulshada gobalkan yadoo looga dan leeyahay tafaraaruq iyo kala tagsanaan dhexdooda markay taasi timaadana ragbaa ku faa,iidaya.

Hadaba waxa caado ama darajo looga dhigey gobalkii gabiley Hogaamiyaha qiirada hadba cidii haysa shookaanta, kuwaasi oo uga faa,iideysta oktoobarada siyaasiga iyo soo dhaweynaha xubnaha dheg-weynta ah ee kusheenka dalka laga ogol yahay.

Magaalada gabiley umada ku nooli inta badan waxan wey ka fayaw dahay marka laga reebo madaxda magaalada oo yagu arinkan kuraastooda ku ilaashada ama ku kasbada kas-darnaantaa mansab ileyn dameer u diran nina diidi maaye, arintan oo loo aaneeyo waxyaabaha magaalada la dagey ee axsaabta iyo cidii hadba mixwarka ahi aaney waxba iskaga tirin gabiley, sababtoo ah wey sii hayaan hankoodu inta uu leeg yahay.

Isweydiinta iyo ileysku iiga baxayaa waa tolaw madaxdan magaaladu miyaaney ka khashaafeyn in ay soo dhaweyno sameeyaan yagoon waxba cidna u qaban mashruuc iyo maw toona aan midna fulin, sidoo kalena shacabkaa masaakiintaa cashuurtoodii lagu soo dhaweeyo inamo yar-yar oo calooshooda la ciyaara oo noloshoodii maareeyey dadkan ku dibira-dhacsanaya, waxase ka sii liita intaba kuwa masuuliyiintee reer gabiley een waxqabad iyo isbadel midna aan laga hayn ee hadana wax soo dhaweyna, xaqiiqaduna waxay ahayd haday damiir leeyihiin iney is casilaan oo ay bulshada han-yarida iyo hungada kala fadhiistaan.

Maxay magaaladan heer gaadhi masuuliyiinteeda isku laaluusha xukuumadana iskaga dhaadhiciya siday kuraasta ugu sii fadhiyi lahaayeen taasina waa cawaaqib-xumada keentey in gabiley laga dhex waayo liiska meelaha adag ee wax layskaga tiriyo xaga tayada iyo tun-weynidaba.

Guntiyo gabagabada waxaan leeyahay maamulka waxqabad iyo wax lagu xasuusto midna aan hayn ee hadana umada durbaankiyo hagar-daamada la dul joogaa haysla xishoodo, ileyn dadku ma waalee barigii hore ayuu indha-sarcaadku shaqayn jirey hadeerse dadkii waxbey wada fahmeen oo intaa waa lays eegayaa oo talaabadaa layskala socdaaye, ha ku lug gu,ina.

Kalkana waa kal ceebeed doqmuhu adeegayaan yagoo loo cuskanayo fulin siyaasad rag kale oo aaney isaga faa,iidiyo nacfi ugu jirin kala fogaansho umadiisa mooyaane, sidaa darteed waxaan reer gabiley kula ineynu noqono sida tixda ninkan odeyga ahi dareenkiisa siyaasadeed ku cabirey.

Hadaan Han-yaraan lahaa
Ragbaan ugu horeyn lahaa

Hadaan hagrashada aqaan

Kor baa lay hayn lahaa

Hagaagaan doonayiyo

Hayaankaa dib ii dhigee

Nafteydaay hoos u hadal

Haakaciyo qushida badi

Qalin: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto)

Diplomatic analysis

Gabiley /Somaliland

Comments are closed