|

Cirro iyo waayehii halganka umadeena Qore Khadar Ibrahim

Waxaan salaamaya bahda saaxafada ee qalbiga iyo maskaxda ka xoorta ah ,waxaana salaamaya muwadiniinta Somaliland.

Mar mar ayaan la yaabay markan arko wareyaal qaabka ay u wareystaan musharax cirro marka ayku saabsan yihiin taariikhdiisii siyaasdeed ka hor 1996!!,waxaana ka sii yaaba maqaalada lagau qoreo ee laga leexiyo xaqiiqda ku jirta,, Iyadoo ku jiro tartan siyaasdeed ku wajahan kursiga , waxaan jecla in aan soo bandhigo waraysyaddi oo cirro siiyay warbahiinta isago ka jawaabayay dhowr ariimood oo ku saabsan taariikhdiisa waa kuwan :

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ka jawaabaya shaqadii ugu weynayd iyo xilli ay ahayd wuxuu ku jawaabay; “Waxaan ka shaqo galay Wasaaraddii arrimaha dibedda ee Soomaaliya 1981-kii illaa 1988-kii ayaan joogay xarunta Wasaaradda oo aan meelo kala duwan ka hawlgalay, waxaan mar joogay maamulka iyo lacagta, laakiin intii ugu badnayd oo illaa toddoba sano ah waxaan joogay qaybta dhaqaalaha oo qaabilsanayd xidhiidhka ay dawladdii Soomaaliya la lahayd Dawladaha caalamka gaar ahaan Maraykanka, Jarmalka iyo Japan oo aan ahaa masuulkii u qaabilsanaa wixii macaawimo ah ee ay siinayaan Soomaaliya!!.

(hadaba su’aal ayan weedin laha ) gudoomiye halgankii reer Somaliland wuxuu bilaambay 6/4/1981 marka xagee aad kaga jirtay 1981 ila iyo 1988 ? iyadoo Somaliland umadeeda la xasuuqayay maadama aad xilkaagu ahaa xidhiidhka caalanka iyo lacagaha loogu caawinayay soomaaliya maad kaga dhadhicisay dawladahaas xasuuqa u ku waday umadda somaliland taliskii aad u shaqeen jirtay wakhtigaas??!! .

C/raxmaan-Cirro oo la weediyay inta Wasiir ee Wasaaraddaa ku soo martay intii uu joogay waxa uu ku jawaabay; “Nin qudha ayaa Wasiir ka ahaa oo la odhan jiray C/raxmaan Jaamac Barre oo lagama beddelin-ba,1988-kii ayaa C/raxmaan Jaamac loo beddelay Wasaaradda Maaliyadda xilkaana cidna looma dhiibin ee waxaa sii hayay Maxamed Siyaad!!, In kastoo markii aniga Moskow la ii beddelay ee aan Xamar ka tagay ka dib loo magacaabay Masuuliyiin kale, 1988 markii Caasimadda dalka Ruushka ee Moscow la ii beddelay waxaan noqday la Taliyaha Siyaasadda iyo dhaqaalaha safaarada markii dambena waxaan noqday sii haya Safaaradda Ruushka ee Soomaaliya 1991-1996!!!.

(hadaba su’aal ayan weedin laha ) gudoomiye iyadoo 1988 xasuuqi sii socdo waxaad si waday shaqadaadi ay xukuumaddu kugu badashay ruushka, hadaba maxaad u talaabi wayday gudoomiye maadama ay rag badan oo ka goostay taliskaas oo Somaliland ka soo jeeda maxaad uga goosan weeday 1988ka hore? Amba ado jooga ruushka markii ba maxaad uga tagi weeday kadib 1988??? Iyadoo dawladii siyaad bare ay dhacday 1991 maxa weli ku fadhisiyay sifaaradd bila dawladd ah 1991 ila iyo 1996 si hayahana ahaa safaaradda soomaaliya?

Hadi heli laha cid ka jawaabta dhowrkaas qodob talow ciil ma qabayn !!.

Saadaashu waa khayr!!

Qore Khadar Ibrahim

Khadar338@hotmail.com

Attachments area

Comments are closed