|

Daawo Sawirada Jaaliyada Somaliland Ee Ottawa Oo Casho Sharafeed Aad U Qiimo Badan Ku Maamuusay Madaxweyn Ku Xigeenka Somalilnd ( SAWIRRO )

April 21, 2015 Ottawa ( Cadceed ) – Maalintii Sabtida ee taariikhdu ahayd April 18, ayaa jaaliyada Somaliland ee reer Ottawa ku qaabileen madaxweyne ku xigenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ( Saylici ) Iyo wefti uu hogaaminayay Casho sharaftii ugu qiimo badnayd ee abid loo sameeyo Masuul ka tirsan xukuumada Somaliland oo booqasho ku yimaad Ottawa.

Madaxweyne ku Xigeenka ayaa casho sharafeedkan loogu sameeyay Westin Hotel oo ka mida hoteelada ugu qaalisan Magaalada Ottawa. Xafladan ayaa loogu talagalay dad kooban oo gaadhaya ilaa 120 qof si ay Madaxweyne ku xigeenka wakhti qiima badan ula qaataan, waxaana Dhamaan Dadkii munaasibada cashada kazoo qaybgalay wajiyadooda laga dheehanayay farxad iyo damaashaad.

Waxaa furitaanka hadalka munaasibada casha sharafta qaatay Wakiilka Somaliland ee Canada marwo luula cismaan iyo xidhiidhiyaha munaasibada Axmed Siciid oo dadka madasha la socodsiinayay jadwalka iyo ajendaha madasha.

Markii la soo gabagabeeyay cunista noocyadii kala duwanaa ee cashada waxaa loo dhaqaaqay dhinacaas iyo goobtii uu fadhiyay madaxweyne ku xigeenku waxaana la bilaabay ciyaarta hidaha iyo dhaqanka ee loo yaqaan Sayliciga taasoo dhamaan dadkii madasha fadhiyay dhiigooda wada dhaqaajisay ilaa odaygii madasha ugu weynaa ee Xaaji Cumar Cabdi oo jaanta la helay ciyaarta Saylicga.

Isku soo wada duuboo, munaasibada ayaa kusoo dhamaatay farxad iyo damaashaad loo muujiyay madaxweyne ku xigeenka iyo weftigiisa.
DSC_0436DSC_0437DSC_0423DSC_0420DSC_0402DSC_0405DSC_0408DSC_0429DSC_0427DSC_0426DSC_0424DSC_0450DSC_0482DSC_0488DSC_0522DSC_042520150418_20325020150418_20332920150418_20480120150418_20480820150418_20481320150418_20482120150418_20485120150418_20491920150418_20493020150418_20540120150418_20560220150418_20564220150418_20564920150418_21385320150418_213906DSC_0580DSC_0570DSC_0569
DSC_0567DSC_0563DSC_0562
DSC_056021DSC_0561
DSC_0587

DSC_0670

DSC_0689
]
]Cadceednew`s Ottawa

Comments are closed