|

Prof. Axmed I Samatar Oo Ardayda Jaamacada Admas Ee Hargeysa U Jeediyay Khudbad Ku Saabsan Waxbarashada Iyo Horumarka


June 13, 2013 Hargeysa (Cadceed) – Professor Axmed Ismaaciil Samatar ayaa xalay Khudbad aqooneed qeemo leh u jeediyey ardayda jaamacada Admas, kaas oo si qoto dheer uga hadlay Waxbarashada iyo Horumarka. Munaasibad Professorku ka jeediyey Muxaadirada oo lagu qabtay Xarunta Jaamacadaasi ayaa waxa ka soo qaybgalay Maamulka Jaamacada, Macalimiinta iyo Ardayda, Wasiirka Kalluumaysiga iyo xubno kale. Ugu horayna waxa halkaasi hadal kooban oo soo dhaweyn ah ka jeediyey Gudoomiyaha Jaamacada Admas Ixsaan, kaas oo sheegay in Jaamacad ahaan ay farxad u tahay in uu Caawa (Xalay) uu la joogo aqoonyahan Soomaaliyeed Professor Axmed Ismaaciil Samatar oo caan ka ah gobolka, isla markaana sharaf iyo mudanaanba ku leh heer caalami inuu maanta madasha la joogo Jaamacada Admas. Waxaanu Ixsaan u mahadnaqay Mr Samatar inuu caawa (Xalay) halkan uu uga jeediyo Mawduuc ku wajahan waxbarashada iyo Horumarka, waxaanu tilmaamay in Admas ahaan sidii caadada u ahayd cidii ay aqoon ku tuhmayaan ee dalka booqasho ku timaada ay aad u daba galaan oo ugu yaraan ay diirigalin iyo aqoontooda ay wax uga kordhiyaan. Waxaanu intaa ku daray in xafladani ay ka mid tahay mid ka mid ah kuwii hore, balse waxay kaga duwan tahay inay tahay mid aad u culus oo nin bahda aqoonta ku culisi uu caawa la joogo. Waxaanay ardaydu kaa sugayaan diirigalin (Motivation) ay ardaydu marka ay wax bartaan aanay meelahaa u tahriibin oo ay wadanka wax taraan ayuu sheegay Ixsaan, waxaanu intaa ku daray inuu Jaamacada iyo Somalilandba ku soo dhawaynayo Professor Axmed Ismaaciil Samatar. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa isaguna dhiniciisa sheegay in Horumarku uu yahay dad gartay inay isku yimaadaan oo ku heshiiyey mab’dana ka dhigtay dabeecad Irmaan oo ay ka mid yihiin Dhaqaalaha, Siyaasada, Dhaqanka oo ay ku sameeyaan horumarin xoog leh oo aan joogsanayn. Ardayda Jaamacadu waxa ay markii dambe waydiiyeen Professorka Su’aalo kuwaas oo Axmed Ismaaciil Samatar uu si hufan uga jawaabay.

Comments are closed