|

Jawaab: Gabay Deelaydii Uu xirsi Furay By: Eng C/Samad Muuse

Waxaan Jecelahay Anigoo ah Muwaadin u Dhashay Dalkani Somaliland Inaan ka Jawaabo Deelaydii Uu Furay Wasiir Xirsi. Taasi Oo ah Dhaqan ku Cusub Hab-Dhaqanka Masuliyad.

Inkastoonan deelayda gabay deelka ka higaadin

Inkastoonan dadkuba igu aqoon inaan

ku daanshood

Hayeeshee danbaa tidhi cabdoow maanta soo diho,e

Damiirkaygu raguu diidanyaa gabay difaac bidaye

Dagalkeena sida looga dido bal aan dareensiyo

Qurba jooga dunidow bal maqal waan dardaarwarin

Shacabkiyo dareenkiisa dhugo iyo dalkii hooyo

Dahir iyo markii aad dirteen odayo doorroon

Daruur curatay baa la islahaa way idiin diye

Duubkiyo markii dawladnimo kulmiye loo doortay

Mar qudhay dadkii kala tageen dawlada ahaaye

Ul iyo diir dadkii isku ahaa haatan kala durugye

Darqabiil ah ayay dhaafsateen qaran dantiisiiye

Maaditada dayacan ee xabada laga daryeelaynin

Daldoorsiga dhalintaa danbiday dhimasho doormooday

Hooyada dayacan ee darbiga lagu duduucaayo

Doorashad la boobee dadkii xooga lagu didiye

Saxaafadan waxay daabacan xadhigu daba joogo

Afartaa dayacii bulashada iyo dantii guud dheh

Dabuub kalana dawaladiyo qaran dareenkii dheh

Dal qaran ah hadii aan ahaa oo leh damac buuxa

Dawaladaa adduuunyada hadii aan ku dayanaayey

Waydinkaa dadkii kala diroo qoloba daangeeyey

Ingiriis waa idinka diday diidna hadafkiina

Inaad damac shiishiyo lahayan dawaladanimo buuxada

Ood damaca qabiil leedihiin dunidu waa gartay

Deelayada gabay lama sii tirshee waxaan ku soo duubay

Dar kalana gabayga waan kaaga duway oon dareesanaye

Dadka uun intaad yeeshay baan kuu dardaarwariyey

Dadku khaatii weeyee wasiir ha isku daandaansan

By: Aqoon-Yahan C/Samad Muuse Hassan

Hargeysa/Somaliland

Comments are closed