|

Xukuumada Somaliland Oo Markii U Horaysay Ka Hadashay Dilkii Gaadmada Ahaa Ee Ka Dhacay Deegaanka Xariirad.

Mar 6,2013 Hargeysa(Cadceed) -  Kadib hal qof oo ku geeriyooday dagaalkii gaadmada ahaa ee ay geysteen qaar ka mida Nabadiidka Beesha Ciise ayaa waxaa maanta markii u horaysay ka hadlay xukuumada Somaliland oo uu u hadlaayay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta mudane Cabdilaahi Cakuuse ayaa uu sheegay inay jirto colaad sobabtay dhimashada halqof islamarkaasina ay ka xukuumad ahaan ka hawlgaleen sidii ay u baajin lahaayeen shaqaaqadaasi islamarkaasina ay u soo celin lahaayeen xasiloonidii iyo amaankii.

Hadba wasiirku waxaa uu si toosa u cadeeyay in ay ka xukuumad ahaan ay ka galeen dadaal  xoogan oo ay u direen gurmad kala dhexgala labada beelood ee haatan isku horfadhiya deegaankaasi Xariirad oo kala ah Beesha Reer Dudub iyo Beesha Reer Geedi, waxaanu sidoo kale farta ku fiiqay inay xukuumadu masuul ka tahay dadka iyo dalka islamarkaasiana aanay ogolaanayn in colaadi kabilaabanto.

Wasiirka ku xigeenka oo arimahani ka hadlaayana waxaa uu yidhi “Dawlada Somaliland, waxay samaysay dedaal faro-badan  oo ka  gashay oolinta colaadaasi, dedaalkaasi iyo xoogaasi Wasiiraa tagay habeen walbana waa loo soo jeedaa arrinkaasi sidii lagu dhamayn lahaa ILAAHAY-na, waxaanu ka baryeynaa inuu nagu garab qabto imikana arrinta Xariirad may ahayn arrin sidaa u sii balaadhan, waana arrin aanu ILAAHAY ka baryayno inuu qaboojiyo ciidamo faro badan ayaanU u dirnay oo kuwa amniga ah ilaa shalay , xalay baanay gaadheen, markaa waxaan ku niyadsamahay inay halkaasi dhawaan aRrinteedu dhamaanayso oo hadalkeeda soo noq-noqday ILAAHAY-na ha nala qabto.”

geesta kale wasiirku wuxuu canaan dusha uga tuuray qaramada midoobay oo uu sheegay inay ku khaldanyihiin hubka ay ansixiyeen in loo fasaxo dalka Soomaaliya oo uu sheegay inuu yahay fikir khaldan kaasiyoo bilaabi karacolaad aan kala joogsan, waxaanu intaasi ku daray Wasiirkuxigeeenku in hubka oo lafasaxaa aanu ahayn wax sahlan balse ay saxtahay in laga fiirsado.

Cadceednews Desk Hargeysa.

Comments are closed