|

Wer Degdega: Dagaal Xoogan Oo Dhawaqa Rasaasta Laga Maqlaayo Xariirad Iyo Deegaanada Ku Xeeran Oo Ka Bilaabmay Dhinaca Koofur Galbeed Ee Degaankaasi.

Mar 6,2013 Xariirad(Cadceed) – Waxaa goordhawayd laga soo sheegayaa magaalada Xariirad ee ka tirsan degmada Zaylac dagaal culus oo dhawaqa rasaasta si xoogan looga dareemay deegaanada ku xeeran Xariirad, dagaalkani ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu u dhaxeeyo Qolyihii gacanku dhiiglayaasha ahaa ee ka soo jeeday Beesha Ciise iyo Ciidamada amaanka ee Somaliland balse ilaa haatan inta la ogyahay lama soo sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi inkasta oo laga cabsi qabo in uu sii xoogaysto.

Waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay marxuum Faarax Axmed Cige oo ku shihiiday maalintii shalay ahayd deegaanka Xariirad, kadib markii laga soo dareeray aaskii ayaa waxaa la sheegay in ay beeshii laga dilay marxuumka ay ku goodiyeen inay u soo aari doonaan. Wararka qaar ayaa sheegaya in dilka marxuumka ay ka ay ka dambeeyeen 10kii xildhibaan ee iska casilay golaha deegaanka Lughaya iyo Zaylac oo uu hogaaminaayo Mr. Geesh oo la sheegay in uu ahaa ninkii ka danbeeyay dilka Marxuumka.

Geesta kale, deegaankan oo mar kaliya isku rogay goob colaadeed, ayaa waxaa bilaabmay daadguraynta Ciidamada kaladuwan ee xukuumada Somaliland ka socda kuwaasi oo uu hogaaminaayo Taliyaha Ciidamada Bilayska Somaliland. kuwaas oo iyaguna dhinacooda ku dadaalaaya sidii ay u soo afmeeri lahaayeen Colaadaasi, ilaahaatana ma jiraan wax khasaare ah oo la soo sheegaayo.

Waxaananu idiin sheegaynaa hadii ilaahay idmo in aau idiinsoo gudbin doono waraka u danbeeyay ee dagaalkaasi.

Warqabadka Cadceednews Xariirad.

Comments are closed