|

Xariirad: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalkii Xariirad Oo Joogsaday Iyo Maxaabiis Lagu Soo Qabqabtay

March 6, 2013 Xariirad (Cadceed) – Wararka laga helayo degmada Xariirad ee Gobolka Salal, ayaa sheegaya in maanta galinkii dambe ay Maleeshiyaadka beesha Ciise (Reer Geedi) ee shalay la dagaalantay Maleeshiyaadka beesha Samaroon(Reer Dudub) ay rasaaseeyeen ciidamada Qaranka ee halkaasi loo geeyay inay kala dhex galaan labada dhinac.

Inkasta oo warar dheeraad ah aan laga hayn shaqaadadaasi, haddana Wararka aan goobtaasi ka helayno ee gobolka Salal, ayaa soo sheegaya in Maleeshiyaadka Beesha Ciise(Reer Geedi) ay rasaas badan ku rideen ciidamada Qaranka, kuwaasi oo galabta u dhaqaaqay dhanka Maleeshiyaadka beesha Ciise oo isku urursanaya meel aan ka fogeyn Dudub oo ah halkii shalay dagaalku ka dhacay.

Waxa la sheegay in ciidamada Qaranka iyo saraakiil la socotay oo doonayey inay la hadlaan Maleeshiyaadka si loogu qanciyo inay hubka dhigaan, ay rasaaseeyeen ciidamada qaranka, inkasta oo aan la sheegin wax khasaare ah oo rasaastaasi keentay.

Dad goobjoogayaal ah oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa sheegaya in ciidamada Qaranku ay iyaguna rasaas kooban oo ay ku hakinayeen rasaasta ay ku fureen saraakiisha iyo Ciidamada Qaranka ay ku fureen Maleeshiyaadka, taasi oo keentay in Maleeshiyaadku dib u yaacaan oo ay galaan buuro ku yaala aagaasi.

Wararku waxa ay intaasi raacinayaan inay Ciidamada Qaranku soo qaqabteen qaar ka mid ah maleeshiyadaasi hubaysnayd iyo hubkii ay gacanta ku hayeenba kuwaas oo uu ku jiro hal xildhibaan oo beesha ciise ah oo ka mid ahaa ragii Saylac iska casilay, sidoo kale waxa ay ciidamada Booolisku maanta ku xidheen magaalada Xariirad qaar ka mid ah oday dhaqameedyada beesha Ciise oo ku guul daraystay inay wax ka qabtaan canaasiirta ka hoos kacday ee nabada waxyeelaysa, halka ay warar kalena sheegayaan in odayaashan ay xukuumadu u xidhxidhay arimo amnigooda quseeya.

Xukuumadda Somaliland, ayaa dedaal ugu jirta inay dhamayso xiisadan oo ku xidhiidhsan khilaafkii ka dhashay natiijadii doorashada deegaanka ee sanadkii hore Somaliland ka dhacday, taasi oo ay beesha Ciise ka biyo diiday tirada xildhibaanada uga soo baxay degmooyinka Saylac iyo Lughaya.

Lama oga halka arinkani ku dambayn doono, iyadda oo beesha Samaroon lafteeda ay Maleeshiyaad ku ururisay meel aan ka fogeyn Xariirad, kuwaasi oo uu hal qof kaga dhintay iska horimaadkii shalay ee Beesha Ciise, kaasi oo dhimashadiisu xaalada sii adkaysay.

Cadceednews Borama

Comments are closed

Akhriso Wararkii U Danbeeyey