|

Wadahadalada Dhexmaray Somaliland iyo Somalia Madaxdooda ee qarsoodiga ah siyaasad ahaan samayn inteelagbay ku yeelan kartaa Somaliland By Fuad Cabd i Ismaciil.

Sida uu sheegay madaxwaynaha Somalia waxay yeesheen madaxda Somaliland wadahadalo iyo waraaqo qoraal ah oo lays dhafsaday oo qarsoodiya hadii ay dhabtahay taasi iyo hadii uu arimo siyaasad uun kalahaaba waa in madaxwayne siilaanyo kajawaabaa sida ay wax ujiraan waayo markay noqoto mustaqbalka umadda Somaliland waa wax ubaahan in laga wada tashado marka hore .

Dawladnimadu maha in mustaqbalka iyo fiyuujarka umadda lagu dhamayn karo waraaqo laqoro waana qayro sharci, dawladu waa inay ahaataa mid udaacada shacabkeega kan qabgalisa, dhawrtaha rabitaan kooda ( open govermant). Sikastaba ha ahaatee way cadahay in umadda Somaliland iyo dawladoodu ay na meel u wada socon tasina waa formula dii baaba’a, waxayna keeni in umaddii is ku danta ahayd kala shakido, kala qaybsanto taasina umadda Somaliland dan umaha.

Umana arko siyaasad ahaan in ay guul keenayso marnaba guuldaro mooyee waayo dawlada fiicani waata ka baqda shacabkeegu kal soonida inay kala noqdaan iyo aminkaba ay ku qabaanba , mana jiro wax ku kalifaya xukuumada siilanyo inay qarsoodi kula shaqayso dawlada Somalia aan ka ahay dan gaara iyo dan kooxeed uun , waa in madaxda dawladu uu ugu horeeyo madaxwayne siilanyo arintan kajawaabaan sida ugu dhaqso badan taas baanan kafilaynaa.Xukuumada Madaxwayne Siilanyo iyo siday wax uwadaan waa wax dhibaaatay naya nabad galyada iyo xasiloonaanta ay umaddu haysato waana waxlagala xisaabtamayo iyaga runtii iyagaana qaadaya masuuliya ficilkooga iyo siday umaddda uladhaqmaanba.

Fuad Cabdi Ismaciil.

Twitter: Fuad Diriye@ Fuad Diriye

Comments are closed

Akhriso Wararkii U Danbeeyey